Ma,eyso(Cakaaranews) Axad 16ka July 2017. Waxaa lasoo gabagabeeyay ololihii qaliink iyo daawaynta indhaha oo ay Bulshada Kunool Degmada ma,eyso iyo nawaaxigeeda Ee Gobolkani siti kasocdey, Kasoo bulshadu Kafaaiidaysanayeen adeegani qalniinka oo ay Bogaadiyeen islamarkaana Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa Waxaa lasoo gabagebeeyay ololihii qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada ma,eyso iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti iyadoo maalmihii udanbeeyayba kasocday adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.
Hadaba Hogaamiyaha kooxdan wareegta ee qalitaanka indhaha mudane Cabdulaahi Xambali ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha lasoo gabagabeeyay islamarkaana loo adeegay bulsha dhan 715 qof oo isugu jira 313 oo qof oo laga daaweeyay indhaha iyo 121 qof oo lagu sameeyay qaliin indhaha ah, halka 281 qofna lasiiyay muraayadaha indhaha, Wuxuuna intaa kudaray ay sidii loogu talagalay usoo gabagabeeyeen ololahan qaliinka iyo daawaynta indhaha. Uganasii gudbi doonaan degmada afdem ee isla gobolka siti.
Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada ma,eyso iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.