Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Munaasabad Heer Qaran Ah Oo Lagu Daahfurayay Barnaamijka Xaqiijinta Nafaqada 1000ka Maalmood Ee Ugu Horaysa Nolosha Aadamaha Ayaa Ka Qabsoomay Caasimada Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 15ka July 2017. Munaasabad balaadhan oo si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay barnaamijka xaqiijinta nafaqada caruurta ee 1000ka maalmood ee nolosha bini-aadamka ugu horaysa ayaa ka dhacday caasimada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kaali2.

Hadaba Munaasabadan oo ah mid heer qaran ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmaed Faarax, masuuliyiinta heer federaal ah oo ay hogaaminasay marwada 1aad ee dalka marwo Roman Tesfaye iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan daah-furka ah Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo salaan kadib ka warbixiyay dhibaatooyinka ka jiray dhinaca nafaqada caruurta kaasi oo sababi jiray dhimasho badan oo soo food saarta dhalaanka. madaxwaynaha ayaana sheegay ka dib markii ay JDFI iyo deegaanada dalku sanadihii ugu danbeeyay dajisteen jihooyin iyo istaraatiijiyado lagu xaqiijinayo nafaqada caruurta uu guulo wax ku aal ah laga soo hooyay barnaamijka 2aad ee naqafaqada caruurta 1000ka maalmood ee ugu horaysa nolosha aadamaha iyo guud ahaan cudurada faafa.

Wuxuuna  Madaxwaynuhu xusay  dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo taaba galin lahaa guud ahaanba adeegyada caafimaadka ee DDSI taasi oo xooga lagu saarayo soo saaritaanka bulsho caafimaad qabta. Madaxwaynaha ayaa intaa kudaray in xukuumada DDSI ay sii dar-dargalinayso sii xoojinta iyo joogtaynta dadaalka lagu xaqiijinayo barmaamijka nafaqaynta kunka maalmood ee ugu horaysa nolosha aadamaha.

Dhankeeda marwada 1aad ee dalkeena itoobiya marwo Roman tesfaye oo ka hadashay furitaankii munaasabadan ayaa ugu horayntii si qoto dheer ugu mahad naqday mas’uuliyiinta xukuumada DDSI sida diiran ee loogu soo dhaweeyay deegaanka iyo marti galinta barmaamijkan nafaqada kunka maalmood ee ugu horaysa nolosha aadamaha. ayaa sheegtay in guud ahaana dalkeena itoobiya fiiro gaar ah la siiyay sidii kor loogu qaadilahaa barnaamijka nafaqada 1000ka maalmeed ee ugu horaysa nolosha aadamaha marwada ayaa tilmaantay in deegaanka soomalida itoobiya ka mid yahay deegaanada guulaha waawayn ka soo hooyay xaqiijinta barnaamijkan nafaqada iyo guud ahaanba adeegyada caafimaadka gaar ahaan kuwa Intii ay socoday munaasabadani waxaa lagu soo bandhigay warbixino ku salaysan soonyaalkii taariikheed ee barnaamijka nafaqada kunka maalmood oo ugu horaysa noloshada aadamaha dhibaatooyinkii caafimaad ee uu ku hayn jiray caruurta dalkeena wakhtiyadii hore iyo guulaha maanta laga soo hooyay xaqiijintiisa iyo waliba jihooyinka lagu soo joogtaynayo.

Ugu danbayntii waxay marwada 1aad ee dalku gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar shahaado sharaf ah muujinaysa guulaha ay xukuumada DDSI ka soo hooysay xaqiijinta nafaqada kunka maalmood ee nolosha aadamaha ugu horaysa taasi oo tilmaamasay in uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar noqday safiirka nafaqada deegaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>