Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Mashiinada Sameeya Bulikeetiga Oo La soo Iibiyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado 16ka August 2016. Wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar ee DDSI ayaa soo iibisay Mashiinada sameeya bulukeetiga (Block Making Machine) islamarkaana kushaqeeya electriga fudad.

Hadaba, Maareeyaha wakaalada Horumarinta shirkadaha yaryar mudane Cabdi Muxumed Cismaan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in mashiinadani ay yihiin mashiinada sameeya bulikeetiga lagu dhiso guryaha. Wuxuuna intaa kudaray Maareeyuhu in mashiinadan laga soo iibiyay miisaaniyadii 2008 ee looyqaano  (SDG) islamarkaana ay wakaalada qorshaha ugu jirto sanadkan in lasoo iibiyo mashiino kaladuwan oo kabadan intan si kor loogu qaado dhanka shaqo abuurka bulshada danyarta ah.

Wuxuuna maareeyuhu carabka kudhuftay in mashiinadani ay wax wayn kabadali doonaan dhanka shaqo abuurka islamarkaana ay kafaaiidaysan doonaan boqolaal dhalinyaro ah oo shaqo la'aan ahaa hada kahor.

dhanka kale, Agaasinka Kobcinta Awooda shirkadaha yaryar mudane Cabdi Maxamed Cabdi oo isna kahadlay mashiinadan ayaa sheegay in mashiinadani yihiin kuwo casri ah islamarkaana kushaqeeya electriga fudud iyadoo mashiinadana loogu talagalay inay kafaaiidaystaan iskaashatooyinka dhalinyarada ah ee kadhisan afarta maamul magaalo ee jigjiga, Goday, Qabridahar iyo dhagaxbuur.

Agaasinka oo hadalkiisii siiwata ayaa xusay in mashiinadan tiradoodu tahay 83 mashiin isalmarkaana ay tahay markii ugu horaysay ee ay wakaaladu soo iibiso mashiino noocan ah.

Ugudanbayna wuxuu xusay agaasinku in mashiinadani ay kamid yihiin qorshayaasha loogu jiro ladagaalanka saboolnimada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa shaqo abuurka dhalinyarada DDSI.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746