Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wasiirka Arimaha bulshada DDSI oo kulan la yeeshay dhalinyaro soo baratay xirfadaha kala duwan.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Isniin  15ka August, 2016, Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada DDSI mudane Axmed Maxamed Koore ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay dhalinyaro ka soo qalin jabisay xirfadaha kala duwan ee ay ka mid yihiin  dirawalnimada iyo makaanikada kuwaasi oo mudo 8 bilood ah ku soo baranayay magaalada Samaara ee caasimada deegaanka canfarta.

wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada DDSI mudane axmed maxamed koore oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in qorshayaasha xukuumada DDSI iyo tan heer fadaraalka ku salaysan yahay sidii loo tir tirilahaa saboolnimada  taasina tiirarka lagaga baxayo ka mid tahay  abuuritaanka iyo xoojinta ilaha shaqada. Wasiirka  ayaa tilmaamay in   dhalinyaradan  markii hore  ahaayeen    bilaa camal ah . Wuxuuna sheegay in xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDSI oo  kaashanaya   wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada JDFI ay dhalinyaradan u sameeyeen shaqo abuur loona diray fursad ah in ay soo bartaan xirfadaha kala duwan ee dirawal nimada iyo makaanikada. Kuwaasi oo mudo 8 bilood ah  wax ku soo bartay   caasimada deegaanka canfarta ee Samara maantana ay soo noqdeen iyaga oo soo dhamaystay xirfadihii loo diray.

Gabagabadii kulankaasi ayaa waxa uu wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada DDSI gudoonsiiyay dhalinyarada shahaadada cadaynta dirawalnimada oo iskugu jirta darajada 3aad iyo ta 4aad taasi oo ay dhalinyaradani hada ku shaqo galayaan.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>