Qabribayax ( Cakaaranews ) Sabti 13ka August 2016.Wafti ka socday wasaarada beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee heer federal iyo heer deegaan oo ay Horkacasay wasiiru dowlaha wasaarada fursadaha shaqo abuurka iyo damaana qaadka cuntada JDFI Marwo Saciido Khadiir,iskuxidhaha damaana qaadka cuntada JDFI mudane Berhanu Walde Mekail ,Iskuxidhaha maamulka iyo maaraynta mashruuca mudane Tadese,wasiir kuxigeenka xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane Guuleed Ow Cali,agaasinka damaana Qaadka cuntada DDSI mudane Lubi Axmed Kaariye,iyo iskuxidhayaasha barnaamijka xafiiska ayaa Kormeer indha indhayn ah ku gaadhay tuulada gila ee degmada qabribayax.
Hadaba kormeerkan indha indhaynta ah ee ay waftigu ku gaadheen tuulada gila ee degmada qabribayax Ayay ujeedadiisu ahayd habsocodka shaqo ee lacag bixinta barnaamijka damaana qaadka cuntada DDSI Oo horay u ahaan jiray raashin balse hada loo badalay lacag. Waxayna waftigu goobtaas kula kulmeen Bulshadii lasiinayay lacagta barnaamijka iyagoo waraystay bulshada iyo howl wadayaasha barnaamijka Islamarkaana bogaadiyay qaab socodka shaqo ee bulshada ka faaiidaysta yaasha ah loo siinayay lacagta Barnaamijka .Waxaana halkaa bulshada kula hadalay wasiiru dowlaha wasaarada furasadaha shaqo Abuurka reer miyiga iyo damaana qaadka cuntada marwo saciido khadiir iyadoo bulshada ku dhiirisay Inay ka faaiidaystaan barnaamijka islamarkaana lacagta u isticmaalaan nolol maalmeed kooda balse Aysan halmar wada isticmaalin.
Dhanka kale waxaa isna goobtaas ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo Khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane guuleed ow cali oo sheegay in waftigun uu kuyimid kadib markii Xafiiska lagu amaanay qiimayntii waxqabadka rubaca dalka ee hawasa lagu qabtay.waxa uuna bulshada U sheegay in waxii dhib ah ay tabanayaa ay usoo gudbiyaan maamulka tuulada iyo gudiga odayaasha Tuulada si ay ugusoo gudbiyaan maamulka degmada kadibna loo xaliyo.Sidoo kale waxa isana howl Wadayaasha barnaamijka halkaas kula hadlay agaasinka damaana qaadka cuntada DDSI mudane lubi Axmed Kaariye oo ku booriyay howl wadeenada inay bulshada ugu shaqeeyaan si hagar la aan ah oo Wadaninimo ku dheehantahay.
Ugu danbayna waxa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshadii qaadanayay lacagta ka faaidaysiga Barnaamijka oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin lacagta ay qaadanayaan, islamarkaan ka fiicantahay Qaabkii hore ee raashinka ahaa.waxayna intaa ku dareen inay lacagtu ka dabari doonto baahidooda Nololeed.
Sikastaba ha ahaatee waftiga ayaa bari kormeerkooda ugusii gudbi doona degmada erar ee gobolka siti halkaas oo ay soo fiirin doonaan habsocodka shaqo ee lacag bixinta barnaamijka PSNP.