Jigjiga(cakaaranews) sabti, 13ka August, 2016, Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar mudo 20 tan maalmood ah socday oo ku saabsan nidaamka maamulka iyo dabagalka mashaariicaha iyo waliba dhinaca adeegsiga aaladaha casriga ah kaas oo loo qaybtay Enjineerada ka shaqeeya wakaaladaha DDSI iyo kuwa hadda ka soo qalin jabiyay jaamacadaha dalka.
Tababarkan oo ay soo diyaarisay wakaalada nashqadaha daraasaadka iyo dabagalka mashaariicaha DDSI ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI ahna gudoomiye ku xigeenka boardhiga mashaariicaha DDSI mudan Suldaan Maxamed Xasan oo sheegay in uu tababarkani ahaa mid kor loogu qaadayay xirfada iyo garaadka aqooneed ee enjineerada DDSI gaar ahaan nidaamka maamulka iyo dabagalka mashaariicaha deegaanka. wuxuuna ku booriyay wasiirku in ay aqoontooda iyo cashiradii ay ka faa’iideen tababarkan mudadii uu socday ku muujiyaan ficil ay ku fuliyaan hawlaha hirgalinta mashaariicaha, noqdaana xoog horumarineed oo ku gaashaaman aqoon, karti iyo anshax wanaag.
Waxaa dhankiisa ka hadlay xidhitaankii tababarka maareeyaha wakaalada nashqadaynta daraasaadka iyo dabagalka mashaariicaha DDSI mudane Enjineer Maxamed Yuusuf oo sheegay in enjineeradan yihiin cududii lagu cabirayay hirgalinta mashaariicaha horumarineed . Wuxuuna sheegay in ay mudadii uu soctay tababarku ku qaadanayeen cashiro kor loogu qaadayo tayada aqooneed ee enjineerada gaar ahaan cishiro la xidhiidhka aaladaha casriga ah wuxuna ku la dar daarmay in ay noqdaan cudud xoogan oo ka midha dhalisa hirgalinta mashaariicaha waawayn ee deegaanka
Qaarka mid ah enjineerada qaatay tababarka oo la hadlayay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in mudadii uu tababarku socday ka faa’iideen aqoon dheeriya oo ay ku meel marinayaan hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee ka socda deegaanka. gabagabadiina waxaa la gudoonsiiyay injineeradan shahoodooyin muujinaya aqoontii ay ka barteen tababarkan.