Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Lagaga Hadlayay dar-dargalinta Adeegyada Caafimaadka.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Khamiis, 27ka April , 2017.Kulan uu hogaaminayay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin sare oo ka socotay hay’adaha ay xafiiska caafimaadka DDSI bah-wadaagta yihiin gaar  ahaan haay’adaha kala ah UNICEF, WFP, OCHA, WHO, MSF   iyo masuuliyiin ka socday xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI ayaa ka dhacay xafiiska wasiirka caafimaadka DDSI.

Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd  mid ku saabsan xoojinta iyo  dar-dargalin guud ahaan adeegyada caafimaadka,  sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa, gaar ahaan sidii looga hortagilahaa loona xakamayn lahaa cudurka shuban biyoodka, kor u qaaditaanka fayadhawrka caafimaadka  iyo sidii loo adkayn lahaa dhinaca wacyigalinta bulshada.

Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto kor u qaadida tayada adeegyada caafimaadka, wasiirka ayaa sheegay in xukuumada DDSI ay xooga saartay sidii loo xakamayn lahaa loogana hortagi lahaa cudurka shuban biyoodka islamarkaana laga gaadhay guulo waawayn xakamaynta  iyo ka hortaga cudurkaasi  wasiirka ayaa u mahad celiyay hay’adahan ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI sida balaadhan ee ay uga qayb-qaateen adeegyada caafimaada isaga oo intaa ku daray in loo baahan yahay in iyada oo la iskaashanayo  la sii xoojiyo dar-dargalinta tayada adeegyada caafimaadka.

Dhankooda masuuliyiintii ka socotay  hay’ada ay bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI ayaa sheegay in ay si mug leh u garab taagan yihiin dadaalka balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto xoojinta tayada adeegyada caafimaadka waxayna  intaasi ku dareen in ay dhankooda adkaynayaan fulinta qorshayaasha  lagaga midho dhalinayo xaqiijinta tayada adeegyada caafimaadka DDSI.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles