Jigjiga(cakaaranews) Khamiis 28ka April 2017. Tababar ujeedaiisu tahay kafaa’iidaysiga waxsoosaarka calafka, waxsoosaarka dalagyada kaladuwan iyo dhinaca kafaaidaysiga waraabka iyo habkaydsiga casriga ah islamarkaana ay fulintiisa iska kaashanayeen machadka cilmibaadhista DDSI iyo xafiiska cilmibaadhista JDFI ayaa kaqabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.
Hadaba, tababarkan oo ay kasooqaybgaleen 45 xubnood oo kakalasocda xarumaha cilmibaadhista deegaanka ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay maareeye kuxigeenka machadka cilmibaadhista DDSI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Aadan oo sheegay in tabaarkan ujeedadiisutahay sidii loo horumarinkahaa waxsoosaarka calafka, waxsoosaarka dalagyada kaladuwan iyo waliba sidii fahanbuuxa looga qaadanlahaa cayayaanada waxyeeleeya dalagyada. Wuxuuna maareeye kuxigeenku kuladradaarmay kaqaybgalayaasha in intuu casharku socdo sifiican looga faaiidaysto.
Ugudanbayna kaqaybgalayaashii kasoo qaybgalay tababarkan ayaa sheegay in tabarakani yahay mid aad muhiim ugu ah islamarkaana ay casharo kaladuwan oo cilmi ah kubaranayaan. Waxayna uga mahadceliyeen machadka cilmibaadhista DDSI iyo waliba xafiiska cilmibaadhista JDFI.