Gosoolalay(Cakaaranews) Sabti 8da April 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa deeq raashinka noocyadiisa kaladuwan ah gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan qabalaha gosoolalay ee degmada bilcilbuur gobolka jarar tasoo kamid ah dadaalka ay xukuumadu ooga jirto ka samabixinta bulshada xaalada abaarta.
Hadaba Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo isagu qaybinayay raashinkan ayaa sheegay inuu xafiisku wado dadaal uu kaalintiisa kaga qayb qaadanayo ka samabixinta bulshada xaalada abaarta, Isagoo wasiirku intaa kudaray inuu xafiisku marar badan gaadhsiiyay raashinka noocyadiisa kaladuwan bulshada ku dhaqan goobaha ay abaartu saamaysay. Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay inay dhamaan masuuliyiintii ugu saraysay xukuumada ku sugan yihiin goobaha ay abaartu saamaysay si ay bulshada oogala qaybqaataan xaalada abaarta islamarkaana ooga samata bixyaan.