Mooyaale(Cakaaranews) Sabti 8da April 2017. Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay qalniinkii iyo Daawayntii indhaha ee maalmahanba kasocday degmada mooyaale kaasoo looga faaiidaynayay bulshada kunool degmada Mooyaale iyo nawaaxigeeda ee Gobolka Daawa islamarkaana lagu guulaystay qorshihii loogu talagalay degmada 100%.
Hadaba Shacabka Ka Faaiidaysanayay Qalniinkan Iyo Daawaynta Indhaha oo ka hadlay dareenkooda ayaa sheegay inay aad oogu riyaaqeen adeeg bixintan bilaashka ah ee ay Ka Heleen Xaruntani Caafimadka Ee Degmada Mooyaale Qalniinkani Lagu Fulinayay, Waxayna intaa ku dareen in allah garab qabto xukuumada na garabqabatay ee aragaanagii indhaha dib noogusoo celisay.
Geesta Kale Iskuduwaha Kahortaga Indha La Aanta Ee Xafiiska Caafimadka DDSI DR Axmed Bade Ducaale Iyo K'S Xafiiska Caafimadka Ee Degmada Mooyaale Mudane Cali Aadan ayaa sheegay in qalniinkani intii uu socday ladaaweeyay 1265 qof halka qalniin lagu sameeyay bulsha Dhan 535 qof taasooy ka dhigan tahay in lagu guulaystay 100% Qalniinkii iyo daawayntii kasocotay degmada Mooyaale waxayna Dhakhaatiirta Caafimadka Indhaha ee Wareega ay usii Gudbi Doonaan maalinta bari ah degmada hudhet.