Dhanaan(Cakaaranews) Khamiis 6da April 2017. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kugada jira socdaalkoodii dheeraa ay ku marayeen qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka maalmahana ku sugnaa magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey ayaa kulan la yeeshay ardayda wax ka barata kuliyadaha kaladuwan ee magaalada qabridahar.
Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax dheer ka bixiyay jihooyinka iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI,iyo waliba in aqoonta waxbarasho ay tahay ta kali ah ee lagaga bixi karo jahliga iyo saboolnimadka oo ah cadawga koobaad aynu leenahay, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in xooga xirfada dhalinyaradu yahay midka ka midho dhalinaya guud ahaanba qorshayaasha horumarineed ee dalka iyo deegaanka u dajisan. Madaxwaynaha ayaa ku booriyay dhalinyarada in aqoontan xirfadeed ee ay baranayaan noqoto mid wax wayn ku biirisa xawaare galinta geediga horumarka deegaanka. Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu xusay inay ardaydani ka nasiib badan yihiin ardaydii xiliyadii hore oon run ahaantii aan helin fursadan, Iyadoo madaxwaynuhu ku adkeeyay dhalintan inay aqoontoodu noqota mid horumarisa bulshadeena reer guuraaga ah.
Ugu danbayna kulankaas kadib ayaa waxay waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uga ambabexeen magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxay dhinaca degmada dhanaan ee gobolka shabeele. Waxayna maqribnimadii caawa galeen magaalada dhanaan halkaas oo la filayo in ay xadhiga ka jaraan mashaariico horumarineed.