Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xubnihii Ka Socday Midawga Axsaabta siyaasadeed ee dalka Oo kulan la Yeeshay Xukuumada DDSI.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 5ta, April, 2017. Xubnihii  ka socday golaha midawga asaxaabta  siyaasadeed ee dalka oo maal-mihii ugu danbeeyay socdaal ku marayay qaarka mid ah Gobolada iyo degmooyinka DDSI ayaa maanta kulan la yeeshay  masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
kulankaasi oo ka dhacay  hoolka shirarka ee xafiiska xarunta  dhexe ee XDSHSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay  masuuliyiinta  sare ee xukuumada DDSI  oo ay  ka mid yihiin afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI  ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, iyo madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna Wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Ahmed Faarax.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Xubanahan ka socday asaxaabta siyaasadeed ee dalka ayaa kulankaasi ku soo bandhigay warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo ku salaysan wax-yaabihii ay ku soo arkeen  goboladii iyo degmooyinkii DDSI ee ay socdaalkooda ku soo mareen. Waxayna sheegeen in ay deegaanka ku soo arkeen isbedal horumarineed oo mug wayn iyo mashaariico horumarineed oo aad u waawayn oo ay taaba galisay xukuumada DDSI kuwaasi oo gashi horumarineed u noqnaya shacabka DDSI, xubnahan  ayaa  tilmaamay in ay xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay qaatay talaabooyin ku dayasha mudan oo ah dhinaca fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka. Waxaa kale oo ay xubnahani ku amaaneen xukuumada DDSI sida ka go’naanshaha leh ee ay xukuumada DDSI xooga u saartay gurmadka iyo gar-gaarka la gaadhsiinayo shacabka DDSI ee ku nool degmooyinka abaaruhu saameeyeen.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Afhayeen golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq
oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in warbixinta ay soo jeediyeen xubnahan ka socda golaha asaxaabta siyaasadeed ee dalku  ay tahay mid sii dhiira galinaysa dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto taaba galinta mashaariicaha  waawayn ee horumarka waara kuwaasi oo ah kuwo xalwaara u noqonaya xaaladaha abaarta ay keento cimilada isbadasha.

Dhankeeda madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ka hadashay kulankaasi ayaa ugu mahad celisay xubnahan sida ay soo booqteen deegaanka islamarkaana ay soo arkeen mashaariicaha horumarka deegaanka iyo guud ahaanba xaalada bulshada deegaanka. Waxayna sheegtay madaxwayne ku xigeenku in ay xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay xooga saartay  hirgalinta mashaariicaha waawayn ee lagaga gaashaamanayo xaaladaha abaarta laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay

Gababagadii kulankaasi ayaa waxay xubnahan ka socday asaxaabta siyaasadeed ee dalku   gudoonsiiyeey masuuliyiinta xukuuamda DDSI koob abaalmarin ah oo ka turjimaya dadaalka iyo ka go’naanshaha hogaaminta sare ee xukuumada DDSI ay  ku  hirgalisay isbedalka horumarineed iyo taaba galinta  mashaariicaha waawayn ee horumarka deegaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>