Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Gudiyada Dib U Meelaynta Shaqaalaha Xafiisyada Heer Deegaan Oo Tababar Loo Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),khamiis, 30ka March, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI  ayaa  loo soo gabagabeeyay  gudiga dib u meelaynta shaqaalaha xafiisyada heer deegaan.

Tababarkan ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa gudiyada dib u meelaynta shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, dhaqan galinta awaamiirta shaqaalaha dawlada ee xeeladaha cabirka shaqada, xadaynta darajada shaqada, qiimaynta iyo daraja siinta shaqada taasi oo ay hirgalinteeda fulinayaan gudigan dib u meelaynta shaqaalaha xafiisyada heer deegaan oo ka kala socday dhamaan xafiisyada heer deegaan.

Waxaana, soo xidhitaankiita tababarkan ka hadashay wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ka warbixisay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu lahaa tababarkan la soo gabagabeeyay. Waxayna sheegtay wasiiradu in xubnahan gudiga dib u meelaynta shaqaalaha xafiisyada heer deegaan yihiin kuwii hirgalinayay nidaamkan cusub ee qiimaynta iyo darajasiinta  shaqada oo ah  nidaam  qeexaya  ujeedada uu leeyahay booska shaqo, natiijada laga sugayo booska, xilalka iyo waajibaadyada ugu waaweyn ee shaqada lagu fulinayo, kartida iyo khibrada ay u baahan tahay gudashada shaqadu, iyo xaalada jawiga shaqo. Waxayna wasiiradu ku boorisay xubnahan gudiga dib u meelaynta shaqaalaha dawlada in ay xooga saaraan kana soo baxaan waajibaadka ka saaray dib u meelaynta shaqaalaha xafiisyada heer deegaan uguna  meelayn lahaayeen si cadaalad  iyo cad-cadaan ah.

Xubnahan gudiga dib u meelaynta shaqaalaha xafiisyada heer deegaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay nidaamkan cusub sidii  loogu talagalay uga hirgalinayaan xafiisyada heer deegaan ee ay ka socdaan kuwaasi oo balan qaatay in ay si xilkasnimo, cadaalad iyo cad-cadaan ah dib ugu meelaynayaan shaqaalaha xafiisyada heer deegaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>