Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Oo Kulan Wada Tashi Ah La Yeeshay Shaqaalaha Iyo Odayaasha Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 21ka March 2017. Kulan wada tashi ah oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Kabaneega deegaanka, Agaasimayaasha xafiisyada kaladuwan ee deegaanka, Odayaasha Culumo owdiinka ayaa saaka ka qabsoomay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Hadaba kulankan wada tashiga ah ayaa waxaa hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo xog kooban ka bixiyay xaalada abaarta ee deegaanka sheegayna inuu ujeedada kulankan yahay sidii loosii xoojin lahaa adeeg bixinta xaalada abaarta islamarkaana loo samayn lahaa allah bari iyo roobdoon, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in bini aadamku awood lahayn balse loo baahan yahay in xaalada abaarta allah lala kaashado oo in allah abaarta inaga qaado la baryo ilaahay Raxmada allahna noosoo degdegto. Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu xusay in la isu naxariisto oo qofba qofka uu dhaamo u naxariisto si naxariista allah aynu u helno. Iyadoo madaxwaynaha, Culimo owdiinka odayaasha iyo dhamaan shaqaalaha deegaanku aad ugu duceeyeen in allah abaarta naga qaado raxmadiisana noosoo dadajiyo.

Waxaa iyana dhankooda ka hadlay culima owdiinka iyo odayaasha deegaanka oo iyana umahad celiyay madaxwaynaha sida ka gonaanshaha leh ee uu hadh iyo habeen ooga qaybqaatay xaalada abaarta islamarkaana waxay culimada iyo odayaasha deegaanku cilaamiyeen in dhamaan deegaanka laga sameeyo roobdoon iyo allah bari si raxmada alla inoogu soo degdegto abaartana allah inaga qaado.

Ugu danbayna kulanka wada tashiga ah ayaa la iskula qaatay in allah baryadiisa la badiyo roobdoona laga sameeyo dhamaan deegaanka, Qofwalba oo mawaadin ahna loo baahan yahay inuu sameeyo isxilqaan diyaarna u ahaadaa sidii uu bulashada ugala qaybqaadan lahaa xaalda abaarta meel kasta uu joogaba. Iyadoo mida ugu muhiisan ee la samaynayana ay tahay baryada allah iyo roobdoonta si ay inoogu soo degdegto raxmada allah.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>