Qalaafe(cakaaranews)Khamiis 9ka March 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska arrimaha Haweenka Iyo Caruurta ee Degmada Qalaafo islamarkaana ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa degmada oo uu horkacayo Gudoomiyaha Degmada Qalaafe mudane Maxamed Khadar Faarax, xubno kamid ah golaha kamineedka degmada qalaafe, hooyooyinka degmada iyo maartisharaf kale ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla degmada.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furay Gudoomiyaha Degmada Qalaafe mudane Maxamed Khadar Faarax oo sheegay in tababarkani uu yahay mid lagu tababarayo hooyooyinka degmada islamarkaana lagu qaadanayo casharo laxidhiidha ladagaalanka caadooyinka xunxun sida gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ah. Wuxuuna xusay gudoomiyuhu in gudniinka fircawniga ahi uu yahay arrin dhibaato wayn u leh gabdhaha islamarkaana diinteena macaani ay san banaynin. Oo uu yahay kaliye kudayashada gaalkii waynaa ee ilaahnimada sheegtay ee fircawn hawl uu isagu asteeyay.
Sidookale, Madaxa Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta Degmada Qalaafe marwo Amaal Cali Isaaq ayaa sheegtay in Xafiiska Arrimaha Haweenku iyo Caruurtu uu yahay xafiis u taagan taageerada danta shacabka gaar ahaan haweenka iyo caruurta. Marwada ayaana xustay in tababarkani uu mid kayahay taageerada haweenka. Iyadoo sheegtay in tababarkan ujeedadiisu tahay sidii loo dabargoyn lahaa caadooyinka xunxun islamarkaana hooyooyinku uga qaadan lahaayeen doorkooda kaga aadan maadaama oo ay dabargoynta gudniinka fircawniga ah ay ku leyihiin doorka ugu muhiimsan.
Dhankakale qaar kamid ah masuuliyiintii kasooqaybgashay ayaa tilmaamay in caadooyinka xunxuni ay yihiin arrimo saamayn xun ku leh dhamaan bulshada rag iyo dumarba. Waxayna carabka kudhufteen in diinta islaamku ay diiday gudniinka fircawniga ah.
Ugudanbayna, dhankooda hooyooyinkii kasooqaybgalay tababarka oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaana ay sifiican u qaadanayaan casharo faaiido u leh. Waxayna balan qaadeen in ay ladagaalamayaan caadooyinka xunxun.