Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 9ka March 2017.Iyadoo maalmahan Macadka cilmibadhiista ee degaanku ku guda jiray wakhtigii la qorsheynayey hawlaha cilmibadhiista cusub ee sanadka miisaaniyeedka 2010 T.I. islamarkaana uu Macadka cilmibadhiista ee degaanka sanadan soo bandhigey daraasadyo badan oo xaga xoolaha & Beerahaba leh. , lagana dulaayo dadaalada baladhaan ee xukumada DDSI ay sameysay sanadadii la soo dhafey sida mashaariicda biyo xidheenada lagu horumarinayo noolasha bulshada xoolodhaqatada ah.
Hadaba maareeyaha machadka cilmibaadhista DDSI mudane guuleed aw cali kaahin oo shabakada wararka caakaranews ugu warbixiyay socdaalkan ayaa sheegay inuu socdaalkan uu ahaa , socodaal khibrad wadaag ah oo ay ku tageen Macadka cilmibadhista malka Warar ee deegaanka canfarta oo ka mid ah xarumaha ugu da'ada weyn Qaradan Afrika, islamarkana, ay deegaankeena isku cimilo yihiin ka yihiin cimilada (Shabeele). Wuxuuna maareyahu intaa ku daray in socdaalkan oo ay ku wahelinayeen khabirada cilmibadhayasha xoolaha iyo Beeraha ay kulan balaadhan la qaateen hoggaaminta iyo khabiirada macadkaas, ugudanbeyna waxay maareeyaha iyo khabiirada kula wehelinayay socdaalkan ay booqdeen Beeraha calafka xoolaha ee macadkaas.