Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 10ka March 2017. Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI xafiiska maaliyada horumarinta dhaqaalaha DDSI xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah , Koox ka socatay wasaarada beeraha ee federalka, Hay’adaha donorska ah oo ay ugu horayso kooxda kajawaabida baahida degdega ah ee hay'ada RRT, Unicef, Save Children, WFP ayaa ka qabsoomay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah.
Hadaba kulanakan oo ay hogaaminayeen wasiir kuxigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudne Jamaal Faarax Warmooge , Agaasinka Qorshaynta Qiimayta iyo dabagalka hay'adaha ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ahna kusimaha xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI Mudane Cabdirashiid Cabdulaahi Xuseen, Agaasinka Damnaad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Lubi Axmed Kaariye ayaa ujeedadiisu ahayd sida ay kooxahan isugu jiray wasaarada beeraha federalka iyo deeqbixiyaasha ee kormeerka ku tagay degmooyinka xarshin iyo Erer islamarkaana fiirinayay qaab usocodka shaqo ee lacagta PSNP ee lasiiyo bulshada ka faaiidaysta yaasha barnaamijka PSNP iyo waliba qaabka loosiinayo kafaaiidaysta yaasha lacagta barnaamijka, Waxaana halkaa lagu lafa guray qaab usocodka shaqo ee barnaamijka PSNP, Iyadoo ugu danbayna la isla qaatay inuu barnaamijku ushaqaynayo sidii loogu talagalay islamarkaana ay kooxahani amaaneen qaab usocodka shaqo ee barnaamijka.