Qoraxey(Cakaaranews) Khamiis 9ka March 2017. Waxaa dhawaan ka an-babaxay xarunta deegaanka ee jigjig masuuliyin isugu jira hogaaminta sare xukuumada DDSI iyo hogaaminta XDSHSI kuwaasi oo u baxay socdaal dheer oo loogu kuurgalayo xaalada abaaraha iyo hab-nololeedka bulshada ay abaaruhu saameeyeen.
Hadaba, masuuliyiinta socdaalka ku maraya gobolada,degmooyinka iyo tuulooyinka ay abaaruhu saameeyeen islamarkaana gaadhsiinaya bulshada abaaruhu saameeyeen deeqo isugu jira raashin iyo calafka xoolaha ayaa waxay masuuliyiinta ay hogaaminayso wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ku weheliyanayo hanta dhawrka guud ee DDSI mudane Aadan Kuusow Cali. Ayaa socdaal koodii ku gaadhay gobolka Qoraxay kuwaasi oo socdaalka ka bilaabay degmooyinka gobolka faafan ee ay abaaruhu saameeyeen islamarkaana sii maray qaarka degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka jarar. waxayna masuuliyiintani gaadhsiinayeen goob kasta oo ay gaadhaan bulshada deeqo raashin ah oo isugu jira bariis, sonkor, buskud, timir iyo calafka xoolaha.
Dhinaca kale masuuliyiin ay hogaaminayso wasiirka horumarinta khayraadka biyaha DDSI ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo uu ku wehelinayay madaxa arimaha siyaasada XDSHSI mudane Cumar Maxamuud Cabdi ayaa socdaal ku gaadhay gobolka Doolo kuwaas oo socdaalkooda ku sii maray degmooyinka ay ka midka yihiin dhagax buur,dig, marsin gaashaamo iyo tuulooyinka hoos yimaada degmooyinkaasi waxayna intii ay sodaalkan ku jireen gaadhsiinayeen bulshada abaaruhu saameeyeen deeqdan isugu jirta raashinka iyo calafka xoolaha iyaga oo dhinaca kalena u kuurgalayay hab-nololeedka bulshada iyo heer ka ay gaadhsiisan tahay xaalada abaartu.
Socdaaladan aya masuuliyiintu ku marayaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka DDSI ayaa waxay qayb ka tahay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii looga samata bixin lahaa bulshada abaarta ay keentay cimilada isbadeshay,iyo deeqaha aan kala go’alahayn ee la gaadhsiinayo bulshada. Waxayna masuuliyiintani socdaalka ku marayaan ilaa 30 degmo iyo tuulooyinka hoos yimaada degmooyinkaasi.