Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 8da March 2017. Masuuliiyinta maamulka magaalada jigjiga ayaa gaadiidka nooca loo yaqaano forceda oo 10 xabo ah ku wareejiyay 10 xaafadood oo mm jigjiga ah kuwaas oon horay ulahayn gadiidkan forceda ah.
Hadaba masuuliyiinta mm jigjiga oo uu ugu horeeyaan madaxa arrimaha xisbiga mm jigjig mudane Cabdulaahi Maxamed, Madaxafiiseedka maayarka mm jigjiga mudane Cabdicasiis Mahad, Madaxafiiseedka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha mm jigjiga muadne Khaalid Cabdiraxmaan ayaa kawarbixiyay wareejintan gadiidka focreda sheegayna inay 10ka xabo ee force da ah lagu wareejiyay 10 xafadood oo aan horay ulahayn gadiidkan. Waxayna masuuliyiintu intaa kudareen inay Gadiidkana Uu Wax Weyn Katari Doonaan Baahida Isu Socodka Magaalada Dhexdeeda Ee Xaafadaha MMJ Maadamo Ay Magaalada Jigjiga Maalinba maalinta Ka Danbaysa Horumarkeedu Sii Balaadhan.
Ugu danbayna waxay masuuliyiintu kula dardaarmeen gudoomiyaasha 10ka xaafadood ee lagu wareejiyay gaadiidkan iyo wadayaashoodaba inay ilaashadaan islamarkaana gaadiidkan islamarkaana ay u isticmaalaan shaqadii loogu talagalay. Dhanka kale waxaa iyana dareenkooda ka hadlay gudoomiya yaasha 10ka xaafadood ee lagu wareejiyay gadiidkan oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin gadiidkan lagu wareejiyay islamarkaana uu gaadiidkan aad ugu fududayn doono isusocodka Magaalada Dhexdeeda Ee Xaafadaha MMJ maadaama ay magaaladu aad usii balaadhanayso maalinba maalinka ka danbaysa.