Wajaale(Cakaaranews) Talaado 7da March 2017. Munaasabad ay kasooqaybgaleen dhamaan masuuliyiinta mm wajaale oo uu ugu horeeyo maayarka mm wajaale mudane Maxamuud Cabdi Muxumed, qaybaha kale duwan ee bulshada kudhaqan mm wajaale islamarkaana lagu maamusayay sanadguurada 19aad ee kasoo wareegtay aasaaskii XDSHSI oo ku began maanta oo ay taariikhdu tahay 28ka Yakaatiit ayaa si habsami leh uga qabsoomtay hoolka shirarka ee mm wajaale.
Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay maayarka mm wajaale mudane Maxamuud Cabdi Muxumed oo sheegay in maanta ay tahay maalin qaali ah oo lagu xasuusanayo waxqabadyada kaladuwan ee XDSHSI uu fuliyay sanadihii lasoodhaafay iyo waliba qorshaha u yaala shanta sano ee kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa 2aad (GTP2). Wuxuuna Maayarku intaa ku daray in horumarka uu deeganku ku talaabsaday intii uu jiray XDSHSI. Gaar ahaan 10 kii sano ee udanbeeyay. Waxaa kale oo uu kahadlay siyaasada xisbiga ee kuwajahan ka qaybgalinta dumarka ee arrimaha siyaasada, dhinacyada dajinta xoolodhaqato beeralayda, shaqo abuurka, iyo dhamaan adeegyada horumarineed ee deegaanka laga fuliyay . Isagoo xusay in dhamaan uu XDSHSI guulo waawayn oo wax ku ool ah ka kaaney. Wakhti xaadirkana uu ku hawlanyahay sidii bulshada deegaanku uga bixi lahaa saboolnimada islamarkaana looga midnoqonlahaa wadamada dhaqaalahooda dhexdhexaadka yahay.
Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiintii kasoo qaybgalay xuska sanadguurada 19aad ee XDSHSI oo iyana meela badan oo isbarbar dhigayay xukuumadahii hore iyo xukuumada maanta ka arimisa deegaanka ee marwalba sida degdega ah kaga jawaabta baahida bulshada.
Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah bushada ku dhaqan maamulka magaalada wajaale oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin xuska sanadguurada 19aad ee XDSHSI islamarkaana uu xisbigu yahay mid mar walba utaagan ka jaawibada baahida shacabka.