Qalaafo(cakaaranews)Talaado 7da march 2017. Munaasabad ay kasooqaybgaleen dhamaan kabinetka degmada oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada mudane maxamed khadar faarax, qaybaha kale duwan ee bulshada kudhaqan xarunta degmada ee magaalada qalaafo islamarkaana lagu maamusayay sanadguurada 19aad ee kasoowareegtay aasaaskii XDSHSI oo ku began maanta oo ah 28ka Yakaatiit ayaa si habsami leh uga dhacdayxarunta hoolka way nee shirarka ee degmada qalaafo.
Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay Gudoomiyaha Degmada Qalaafo mudane Maxamed Khadar Faarax oo sheegay in maanta ay tahay maalin qaali ah oo lagu xasuusanayo waxqabadyada kaladuwan ee XDSHSI uu fuliyay sanadihii lasoodhaafay iyo waliba qorshaha u yaala shanta sano ee kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa 2aad (GTP2). Gudoomiyaha ayaa sidookale kahadlay horumarka uu deeganku ku talaabsaday intii uu jiray XDSHSI. Gaar ahaan 10 kii sano ee udanbeeyay. Waxaa kale oo uu kahadlay siyaasad xisbiga ee kuwajahan kaqaybgalinta dumarka ee arrimaha siyaasada, dhinacyada dajinta xoolodhaqato beeralayda, shaqo abuurka, iyo dhamaan adeegyada horumarineed ee deegaanka laga fuliyay. Isagoo xusay in dhamaantoodba uu XDSHSI guulo waawayn oo wax ku ool ah ka kaaney. Wakhti xaadirkana uu ku hawlanyahay sidii bulshada deegaanku uga bixi lahayd saboolnimada islamarkaana looga midnoqonlahaa wadamada dhaqaalahooda dhexdhexaadka yahay.
Sidookale, gudoomiyaha ayaa carabka kudhuftay isagoo isbarbardhig wayn kusameeyay faraqa u dhaxeeya xukuumadihii hore ee fadhiidka ahaa iyo xukuumada maanta deegaanka ka arrimisa ee uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Isagoo gudoomiyuhu in xukuumadani ay tahay xukuumad ku sifoowday daacadnimo, islaxisaabtan, islahalhgan, daryeelka danta shacabka iyo waliba kajaawabida baahida shacabka.
Dhanka kale qaar kamid ah masuuliyiinti kasooqaybgashay shirka ayaa iyana si balaadhan uga hadlay waxqabadyadii XDSHSI.
Iskusoowad duuboo, xuskan ayaa bulshada kudhaqan degmada qalaafo ay ku maamusayeen halkudhagyo kaladuwan sida:- waa xisbi shacab oo kajawaabaya baahida iyo rabitaanka shacabka.
Ugudanbayna qaarkamid ah bulshadii kasooqaybgashay oo dareenkooda kahadlay ayaa bogaadiyay xuskan 19 jirsaday ee aasaaskii XDSHSI maanta ee sida wayn ugu xuseen degmada qalaafo ee gobolka shabeele.