Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Munaasabada Xuska 19aad ee X.D.SH.S.I Oo Si Meeqaam Sare ah Looga xusay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 7da, march, 2017 Waxaa maanta guud ahaanba deegaanka si balaadhan loogu dabaal dagay munaasabada xuska 19aad ee ka soo wareegtay aas aaskii XDSHSI. Iyada oo munaasbad siwayn loo soo maamuusay loona qurxiyay ka dhacday caasimada DDSI ee jigjiga.

Munaasabadan  dabaal daga xuska maalinta aas aaska XDSHSI oo maalmihii ugu danbeeyay si balaadhan   loogu sii diyaar garoobayay xukuumada, xisbiga iyo shacabkuba ay ku muujinayeen jacaylka maalintan ay u qabaan ayaa saaka jawi aad u qurux badan uga qabsoontay hoolka shirarka ee  Sayid MCX.


Hadaba Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin gudoomiyiha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI  mudane Maxamedrashiid Isaaq, madaxa arimaha XDSHSI ahna wasiirka xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil. Golaha wasiirada DDSI, shaqaalaha dawlada, ugaasyada, garaadada, suldaanada, cuqaasha, haweenka, dhalinyarada iyo marti sharaf kale waxaana khubadii furitaanka ka soo jeediyay munaasabadan gudoomiyahah XDSHSI mudane  Maxamedrashiid Isaaq oo ugu horayntii ugu hanbalyeeyay shacabka deegaanku meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibadiisa xuska munaasabadan qaaliga ah. gudoomiyaha ayaa si qoto dheer uga warbixiyay dadaalada xoogan ee lagaga midho dhalinayo dhamaadka qorshihii u yaalay xukuumada DDSI iyo XDSHSI gaar ahaan qorshayaasha koboca isbadalka dhaqaalaha (growth and transformation plan ) (GTP) gudoomiyaha ayaa sheegay in uu cadawga 1aad ee lala dagaalamayaa yahay saboolminada taasina xukuumada iyo XDSHSI qaateen istaraatajiyad iyo jihooyinka lagu tir tirayo saboolnimada.

Gudoomiyaha ayaa ka waramay in XDSHSI iyo xukuumaduba ay qaateen talaabooyin waawayn oo lagaga jawaabayo xaalada abaaraha ee saamaysay qaarka mid ah degmooyinka DDSI isaga oo sheegay in guntiga dhiisha layskaga xidhayo sidii ayna dad iyo duunyaba ku waxyeeloobin. Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu xusay in goobaha abaaraha la gaadhsiiyay deeqo raashin ah, calafka xoolaha iyo sidoo kale dhakhaatiir. intaa kadibna masuuliyiinta oo uu ugu horeeyo afhayeenka ayaa halkaas ku iibsaday boondhiga wabiga Abay.


waxaa kale oo ka hadlay munaasabadan madaxa arimaha XDSHSI ahna wasiirka xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka   DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo sheegay in sanad guurada 19aad ee XDSHSI ku soo began tahay xili ay deegaanka ka hirgashay tiirarka ubub dhexaadka u ah siyaasada XDSHSI oo ah sal u dhigita nabadgalyada iyo xasiloonida oo ay maanta ku naaloonayaan shacabka DDSI waxaana sheegay in balan qaadka xisbiga ee ah u adeegitaanka shacabka ay noqontoodto tubta lagaga guulaysto saboolnimada.


Dhankooda odayaal dhaqameedka deegaanka oo ka hadlay munaasabadan ayaa sharax dheerka bixiyay aas aaskii taariikhda iyo soonaalkii ee uu soo maray XDSHSI waxayna ku amaaneen hogaaminta XDSHSI majaraha u haysta wakhtigan go’aanada geesinimada leh ee ay u qaateen horumarinta bulshada deegaanka waxayna hoosta ka in ay garab u yihiin hirgalinta siyaasadaha XDSHSI ee loogu adeegayo bulshada. 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>