Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Dhakhaatiir Jaamacada Jigjiga U Diray Gobolka Doolo oo Gaadhay Xarunta Gobolka Ee Wardheer.

$
0
0

Wardheer(cakaaranews), Isniin, 6da, March, 2017. Waxaa gaadhay xarunta gobolka Doolo ee Wardheer  8(sideed) Dhakhaatiir  iyo 14  daryeelayaal caafimaad (Nurse) oo ay jaamacada jigjiga u diray gobolka doolo si ay u xoojiyaan dadaalada adkaynta daryeelka adeegyada caafimaad la gaadhsiinayo bulshada ku dhaqan degmooyinka abaaruhu  saameeyeen.

Soo dhawayn ka dib waxay dakhaatiirtan iyo daryeelayaashan caafimaadku kulan la yeesheen Isku duwaha guud ee arimaha deg-dega adeegyada caafimaadka (emergency response command post) ee gobolka doolo u jooga xafiiska caafimaadka DDSI ahna agaasin ka tirsan xafiiska caafimaadka DDSI  mudane Shaafici Daahir Muuse  kulankaasi oo ka dhacay xafiiska maareeyaha cusbitaalka wardheer  ayaa lagu  gorfeeyeen sidii loo sii xoojin lahaa adeegyada caafimaadka ee ka jira gobolka doolo. Mudan shaafici ayaa si qoto dheer ugu sharaxay dakhaatiirtan dadaalada muga leh ee xafiiska caafimaadka DDSI ugu jiro ka wajaabida baahida bulshada ee dhinaca adeega caafimaadka, gaadhsiinta bulshada adeeg caafimaad oo taya leh iyo sidii looga hortagi lahaa cudurada ka iman kara xaaladaha abaaraha. Isaga oo uga warbixiyay dhakhaatiirtan goobaha ay ka hawlagalidoonaan iyo kaalinta ay ku leeyihiin dar-dargalinta adeegyada caafimaadka ee loo soo igmaday.

 

Dhankooda xubno ka mid ah dhakhaatiirtaasi oo ka hadlay goobtaasi ayaa  sheegay  in ay ku faraxsan yihiin imaatinkooda gobolka doolo. Kuwaasi oo  hoosta ka xariiqay in ay bixinayaan islamarkaan bulshada gaadhsiinayaan adeega caafimaad oo taya leh kaasi oo waxtar wayn ku biirinaya xoojinta dadaalka dhinaca adeega caafimaadka ee ay xafiiska caafimaadka DDSI iyo bah-wadaagtiisu gaadhsiinayeen bulshada ku dhaqan degmooyinka abaaruhu saameeyeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>