Jigjiga,(cakaaranews),Isniin, 6da, March , 2017. Waxaa maalinta bari ah guud ahaanba deegaanka si wayn looga dabaaldagi doonaa munaasabada xuska sanad guurada 19aad ee X.D.SH.S.I taasi oo si balaadhan loogu diyaar garoobay dhamaanba deegaanka xusitaankeeda.
Caasimada DDSI ee jigjiga ayaa siwayn looga dareemayaa diyaar garowga munaasabadan iyada oo wadooyinka waawayn ee caasimada DDSI ee jigjiga calamaan laga lulay, sido kale maamulada 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jigjiga ayaa kor loo sii qaaday bilicdooda iyada oo boodhadh waawayn oo lagu qoray halku dhagyo ka turjimaya guulaha horumarineed ee uu xisbigu soo hooyay iyo hiigsiga hirgalinta himilooyinkiisa horumarineed ay ku qoran yihiin laga taagay xarumaha maamulada xaafadaha maamulka magaalada jigjiga.
Sidoo kale degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI ayaa maalmahanba diyaar garow balaadhan ugu jiray soo dhawaynta iyo u diyaargarowga munaasabadan 19aad ee ka soo wareegtay aas aaskii XDSHSI.
Haddaba munaasabadan sanad guurada 19 aad oo ku beegan 28ka yekatiit 2009TI, ayaa waxay ka turjimaysaa aas aaskii XDSHSI, soonyaalka taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soomaray XDSHSI,
Isku soo wada duub oo X.D.SH.S.I ayaa sanadihii ugu danbeeyay u guntaday taabo galinta isbedalka horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka saxarka tiran oo damaanad u noqday shacabwaynaha deegaanka. Kaasi oo ay ka go’antahay gaadhsiinta shacabka deegaanka horumar waara oo dhinaca kasta leh, ka jawaabida baahiyaha shacabkeena, kor u qaadida koboca dhaqaalaaha, abuurida ilaha shaqada, la dagaalanka saboolnimada iyo jahliga iyada oo ay hirgalinta qorshayashaasi sal u yihiin ka qayb qalinta shacabka deegaanka.