Wardheer (cakaaranews) Arabco 22ka February 2017. Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Gobolka Doolo iyo Cusbitaalka Magaalada Wardheer ayaa Deeq kakooban Haamaha biyaha lagu kaydiyo ugu deeqay bulshada ay saamaysay isbadalka cimiladu ee roobyaraanta keentay ee ku dhaqan isla gobolka
Hadaba, Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Doolo ahna gudoomiye kuxigeenka Gobolka Doolo mudane Malow Ibraahim Cabdi (Mandheela) oo kawarbixiyay deeqdan ayaa sheegay in deeqdani ay tahay mid si iskood ah ay isugu xilqaameen masuuliyiinta iyo shaqaalaha Gobalku. Wuxuuna intaa kudaray in deeqdani ay tahay mid qokasta wixii ka gu’i karay mushaarkiisa ay iskasoojareen shaqaaluhu islamarkaana siwadaniyad leh ay ugu soo gadeen adeeg ay bulshadu u baahantahay oo ah haamaha biyaha lagu kaydiyo. Wuxuuna tilmaamay in haamahani ay tiradoodu tahay 8 haamood islamarkaana ay yihiin wajigii koobaad iyadoo wajiga 2aadna ay dhaxda kusoojirto maacuunta iyo adeegyada waxlagu karsado. Wuxuuna xusay gudoomiye kuxigeenku in haamahani ay faaiido balaadhan u leeyihiin bulshada aysaamaysay isbadalka cimiladu ee roobyaraanta keentay.
Dhankooda qaarkamid ah shaqaalihii deeqdan bixiyay oo dareenkooda kahadalay ayaa tilmaamay in ay aad ugu rajowayn yihiin in bulshada xoolodhaqatada ah ee kudhaqan gobolka doolo ay wixii taakulayn ah ee karaankooda ah ay lagarbtaaganyihiin Hiil iyo Hooba.iyagoo ilaahay kabaryay in roobkhayrqaba uusiiyo dhamaan deegaanka soomaalida itoobiya.
Iskusoowada duuboo waxaa xusid mudan in bulshada abaartu saamaysay ee kudhaqan gobolada qaar ayaa si isdabajoog ah taageero hiil iyo hooba leh uga helayan xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI.