Geeldoox(Cakaaranews) Talaado 21ka February 2017. Waxaa si rasmi ah xadhiga looga jaray buunadada caalamiga ee geeldooxd kuna baxday lacag dhan 6.3 million oo dollor dheerarkeeduna dhanyahay 79.3m balaceeduna yahay 4.6m oo ay kajareen wafti balaadhan oo ay horkacaysay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay ku wahelinayaan Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaas, Agaasimaha guud hay’ada WFP ee deegaanka mudane Simon, agaasime ku xigeenka hay'ada WFP ee dalka mudane Samiir, Islamarkaana ay kasoo qaybgaleen Maamulka gobolka, Kuwa degmada iyo shacabkaba.
Hadaba munaasabadan buundada xadhiga lagaga jarayay ayaa waxaa xadhiga kajaray madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn umahad celisay hay’ada WFP oo ay ka heshay lacagta ay ku fulisay dhismaha buundadan waaxda horumarinta caalimaga ah ee (DFID Department of international development ) taas oon hada ka hor ka dhicin deegaanka hay'ad fulisay mashruuc intan la eg, Sidoo kalane waxay madaxwayne kuxigeenku intaa ku dartay in buundadan isku xidhi doonto gobolada erer iyo nogob oo run ahaantii wareeg dheer oo 3000 km ugasoo wareegi jiray isu gudubka dhanka socdaalka iyagoo isu jira 70 km oo kali ah islamarkaana ay buundadani tahay mid aad muhiim u ah, Waxayna madaxwayne kuxigeenka oo shegtay inuu madaxwaynaha DDSI usoo wakiishay munaasabadan ay aad oogu faraxsantahay xadhiga ka jarka buundadan oo qayb wayn ka ah horumarka ka socda deegaanka faaiido bandana uleh guud ahaan shacabka deegaanka gaar ahaan shacabka labada gobol oo ka heli doona adeeg dhanka socdaalka ah una fududayn doona ganacsiga oo aysan fursad uhaysan jirin.
Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiinta hay’adaha fuliyay buundadan oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin hirgalinta buundadan oo wax wayn uteri doonta guud ahaan deegaanka gaar ahaan shacabka ku dhaqan labada gobol ee erer iyo nogob oo wareeg dheer usoo mari jiray isu gudubka dhanka socdaalka.
Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmooyinka lagahida iyo cayuun oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin hirgalinta dhismaha buundadan islamarkaana ay ka caawindoonto isu gudubka labada degmo.