Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MM Godey Iyo Shir Kusaabsan Dhisida Ciidanka Horumarka Caafimaadka

$
0
0

Godey (cakaaranews)Jumce 17ka February 2017. Shir balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta maamulka magaalada godey, dhamaan maamulka xaafadaha magaalada godey, maamulka xaafad hoosaadyada, iyo waliba qaarkamid ah shacabka magaalada islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa hirgalinta barnaamijka ciidanka horumarka caafimaadka ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee mm godey.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa kahadlay Iskuduwaha waaxda fidinta caafimaadka iyo wacyigalinta ee Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Cabdi Faarax oo ugu horayn u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiinta magaalada godey iyo waliba masuuliyiinta xaafadaha godey sida wanaagsan ee shirka loo soo abaabulay islamarkaana looga soo qaybgalay. Wuxuuna iskuduwuhu si wayn u tibaaxay faaiidooyinka ay leedahay in la hirgalinyo ciidanka horumarka caafimaadka. Isagoo kahadlay ujeedooyinka loogu baahday barnaamijkan iyo doorka balaadhan uu kuleeyahay caafimaadka bulshada ku dhaqan maamulka magaalada godey.

Sidookale, Madaxa Xafiiska Caafimaadka Maamulka Magaalada Godey mudane Xuseen Cali Warfaa oo dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in xafiiska caafimaadka maamulka magaalada godey uu dadaal balaadhan oo aan kalago lahayn ugu jiro hirgalinta iyo kamidho dhalinta qorshayaasha uyaala xafiiska islamarkaana uu door balaadhan kuleeyahay hirgalinta barnaamijkan sifiicana uu doorkiisa uga qaadan doono isagoo maamulka xaafadaha kacodsaday in iayaguna doorkooda ay kaqaataan hirgalinta barnaamijkan.

Sikastaba ha ahaatee, shirkan ayaa waxaa lagu dhisay gudi hoosaadyada ciidanka horumarka caafimaadka ee heer xaafadeed oo laga dhisay 10 ka xaafadood ee maamulka magaalada godey. Iydoo laislaqaatay in siwada jir ah loogu sii dhaadhiciyo ilaa heer qoys.

Ugudanbayna, kaqaybgalayaashii oo dareenkooda kahadlay ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanayihiin islamarkaana ay qayblibaax kaqaadanayaan hirgalinta barnaamijkan iyagoo sifiican ula shaqayn doona gudiyada hagida barnaamijka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>