Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 17ka February 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI waaxdiisa khayraadka dabiiciga oo ay kasoo qaybgaleen shaqaalaha waaxda ee heer deegaan iyo iyo kuwa barnaamijka ee heer degmo iyo xafiisyada bahwadaagta la ah ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.
Hadaba tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay agaasinka khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane Khadar Carab Hirad oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay isku xidhka ama kor uqaadida awooda fulineed ee gudiga farsamada ee xooga dadwaynaha (Public work technical comity) ee heer deegaan iyo heer degmo, Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in mudad cashirku socdo laga faaiidaysto maadaama la danooyo inaad kusii shaqaysaan miskaxda ku haysaan ugana sii faaiidaysaan shaqaalaha kale kusagan deegaanka iyo degmooyinkaba.
Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay iskuxidhaha xafiiska iyo barnaamijka public work mudane Cabdirixiin Maxamed Shugri oo sheegay in shaqaalahan loo hayo tababarka ay yihiin qaar kamid ah shaqaalaha heer deegaan ee xafiiska, Xafiisyada bahwadaagta la ah xafiisaka iyo shaqaalaha barnaamijka PSNP ee ka howlgala degmooyinka, Isagoo iskuxidhihu xusay inuu tababarkan yahay mid muhiim ah islamarkaana socon doona mudo sexed cisho ah loona baahan yahay in looga faaiidaysto sidii loogu talagalay.