Filtu(Cakaaranews) Sabti 18ka February 2017. Tababar Kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee barayaasha luuqada afka-soomaaliga islamarkaana ay soo agaasimeen wasaarada waxbarashada JDFI, Xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay’adaha RTI,USAID, iyo Hay’ada SCI loona hayay macalimiinta luuqada afka- hooyo ee dhamaan degmooyinka hoosyimaada gobolka liibaan ayaa ka qabsoomay degmada Filtu ee xarunta gobolka liibaan.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay iskuduwaha kooxda tababarka bixinaysa ahna khabiir katirsan xafiiska waxbarashada DDSI mudane Xaashi Macalin Cabdulaahi oo sheegay in tababarkani yahay mid lagu kobcinayo nidaamka baris barasho ee macalimiinta luuqada afka hooyo. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan ay casharada bixinayaan macalimiin u xeel dheer barashada luuqada afka hooyo islamarkaana tababaro sare u soo qaatay.
Sidoookale, iskuduwaha kooxda oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in tababarkani uu socday mudo 8 maalmood ah islamarkaana uu gababo marayo, Iyadoo markuu tababarku dhamaado faaiido balaadhan u yeelan doona macalimiinta iyo ardaydaba iyagoo fahan buuxa oo dhanka luuqada ah ka heli doona tababarkan. Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah macalimiintii tababarka qaadanayay oo sheegay inay inuu tababarkan mid muhiim ah uyahay islamarkaana fahanka ay ka helaan tababarkan ay ugasii faaiidayn doonaan ardayda ay macalimiinta uyihiin.