Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 6da June, 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay xarunta DDSI ee magaalada jigjiga kadib markii ay usoo dhamaadeen shirarkii muhiimka ahaa ee ay kaga qaybgaleen xarunta dalka ee magaalada adhisababa.
Hadaba, madaxwaynaha DDSI iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa wakhti xaadirkan kusugan xarunta DDSI ee magaalada jigjiga.