Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wakaalada Ilaalinta Deegaanka Iyo MMJ Oo Si Wada Jir Ah Magaalada Uga Fuliyay Olole Nadaafadeed

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 3da June, 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kaqabsoomay Ol'olo nadaafadeed oo ay si wada jir ah ufulinayaan Wakaalada ilaalinta deegaanka, kaymaha, macdanta iyo tamarta iyo waliba Maamulka magaalada jigjiga. kaasoo ah mid kor loogu qaadayo bilicda iyo nadaafada magaalada jigjiga islamarkaana loogu gogol xaadhayo xuska maalinta ilaalinta deegaanka oo kubeegan 5ta june 2018.

Hadaba, Maareeyaha Wakaalada Deegaanka Kaymaha, Macdanta iyo Tamarta Mudane Mawliid Haayir Xasan oo warbaahinta lahdlay ayaa sheegay in ololahan nadafadeed ee  maanta uu yahay mid ay wada fulinayaan wakaalada IDKMT iyo MMJ islamarkaana ay si gaara ah diirada ugu saarayaan nadiifinta qashinka bacaha iyo caagaga kuwaasoo oo saamayn kuleh deegaanka islamarkaan dhib ukeensada bilicda iyo caafimaadka dadka iyo duunyadaba. Wuxuuna tilmaamay in ololahani yahay mid loogu gogol xaadhayo munaasabada xuska ilaalainta deegaanka aduunka oo kubeegan 5ta June 2018 islamarkaana xuskan ilalinta deegaanka kadeegan ahaan ay kuqaban doonaan Karamardha.

Dhankakale, madaxa xafiiska maayorka MMJ mudane Cabdicasiis Mahad oo isna kahadlay ololahan ayaa sheegay in maanta ay siwadajir ah ufulinayaan olole balaadhan oo lagu nadiifinayo qashinka magaalada gaar ahaan qashinka qalalan ee caagadaha iyo bacaha. In ka maamu magalo ahaan ay u qorshaysan tahay talaabooyin badan oo lagula dagaalamayo qashinka noocyadiisa kaladuwan sida qashinka qalalan ee caagadaha iyo bacaha iyo waliba qashinka qoyan oo ay waxwayn kaqabteen ka magaalo ahaan.

Iskusoodaduuboo, ololahan nadaafadeed oo ah mid lagu nadiifinayo magaalada ayaa waxaa halkudhag looga dhigay Waan la dagaalamaynaa wasakhda caagaga iyo bacahaba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>