Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 29ka may 2018. waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagu qabtay kulan kusaabsan mashruuca lagu magaacaabo Hal caafimaad (one healthy) kaasoo ah mashruuc ay iska kaashadeen jaamacada jigjiga iyo wadanka Switzerland islamarkaana kuqotama dhanka caafimaadka gaar ahaan xanuunada ay isku gudbikaraan dadka iyo xoolaha iyo waliba sida looga hortago.
Hadaba, Madaxwaynaha Jaamacada Jigjiga Dr Cabdicasiis Ibraahim oo sheegay in mashruucan ay iska kaashadeen jaamacada jigjiga iyo wadanka swezerland kaasoo ah mashruuc magaciisu yahay hal caafimaad ama one healthy. Wuxuuna intaas kudaray in mashruucani uu waxkatarayo dhanka kahortaga xanuunada la isku gudbiyo ee xoolaha, dadka iyo deegaanka maadaama oo ay shaqooyinka ay siwada jir ah u qabanayaan 3 kooxood oo kakalsocda caafimaadka xoolaha, caafimaadka dadka iyo caafimadka deegaanka. Wuxuuna tilmamay in kooxahanai ay qabanayaan shqooyinka daraasaadka iyo wacyigalinta ee kuaadan xanuunada
Sidookale, Iskuduwaha Mashruuca Hal-Caafimaad (One Healthy Program) Marwo Khadra Cali Oo sheegtay in mashruucu 5tii sano ee hore uu waday kobcinta awooda ee dhanka shaqaalaha jaamacada ee dhanka cilmiga waxayna xustay in midaas laga midho dhaliyay islamarkaana 10 xubnod lasoo tababaray. Waxayna intaas kudartay in kulankani yahay mid larabo in llagu xoojiyo la iskulana ansixiyo 3 waxqabad oo laxidhiidha baadhitanadii lasameeyay islamarkaana ah dhibaatooyinkii lasoo saaray intii lagu jiray daraasaadyada ee laga soo sameeyay degmooyinka qaar.
Iskusoowada duuboo, mashruucan loogu magac daray hal cafimaad ee ay wada fulinayaan jaamacada jigjiga iyo wadanka Switzerland ayaa lafilayaa inuu waxwayn kaqaban doono dhibaatooyinka ay kusooheleen daraasaadyadoodi ku aadanaa dhanka nadaafada, faayodhawrka biyaha iyo waliba xanuunada ay kamid kayihiin TB iyo waliba xanuunada ay isku gudbin karaan dadka iyo xooluhu