Adhisababa(cakaaranews)Sabti, 26ka May 2018. Dawlada deegaanka soomaalida itoobiya waa dawlad sharci ah oo u jirta si lamid ah dawlad deegaanada kale ee dalka, waxaana jira sharci, xeer iyo nidaam ugaar ah deegaanka oo aan marnaba lagu xad gudbi Karin, deegaankana waxaa kajira boolis iyo maxkamado utaagan dhanka adeeg bixinta sharciyada laguna hago nidaam xisbi iyo dastuurka deegaanka.
Hadaba, qodobka ugu muhiimsan ee sharciga ah ee cidkasta oo magafe ah looga baahan yahay waa inay liqaan tabletka uu XDSHSI uqoro ama kiniinada iyo sharoobooyinka loo qoro maadaama oo ay qabaan xanuunadan kala ah: waali, xaasidnimo, xoolo cirdoon, qabyaalad, UBBOnimo, nabadiid, nolol-diid, Horumar-diid iyo wixii lamid ah.
Hadaba, Dhakhtar weeye Xisbigu oo kadib baadhitaan dheer oo uu kusameeyay magafayaasha wuxuu kahelay cuduradaas sare kucad, wuxuuna xisbigu u qoray prescriptionkan: DDSI waa dawlad leh dastuur, xeer iyo nidaam ugaar ah oo uu shacabka deegaanku samaystay waana mid uu xisbigu kumaamalayo shacabkiisa islamarkaana uu kuxaqiijiyay nabadgalyo taam ah, horumar laxaad leh, nidaamka maamulka suuban ee dib u curashada iyo xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibadba. Xidhiidhka sharci ee kadhexeeya dawlada federaalka ah iyo dawlada deegaanada dalkuna waa mid cad oo kuqeexan dastuurka federaalka itoobiya. Hadaba, kiniinka uu XDSHSI uqoray magafayaasha waa dastuurka deegaaka oo ay bilaa biyo kuliqaan kaas oo kali ah unbaa dawo uga ah magafayaasha cudurada haya dhamaantood cir iyo dhul meel walba oo ay aadaana dawo kale mahelayaan.
Jawaabtii Uu Wasiirka Wasaarada Arrimaha Federaalka JDFI Siiyay Magafayaasha
Waxaam halkan idiinku haynaa mudane Kebede Jane oo ah wasiirka wasaarada arrimaha federaalka iyo marwo mufarihat kamil afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI oo been abuurkii magafayaasha jawaab official ah kasoo saaray oo kusocota shacabka DDSI iyo cidkasta oo danaynaysa jawaabta masuuliyiinta oo udhigan sidan:-
Anigoo ah Wasiirka Wasaarada Arrimaha Federaalka Mudane Kebede Jane waxaan rabaa inaan kajawaabo been abuurka ay nimanka diasporaha ahi iga sameeyeen iyagoo xili aan shaqada xafiiska kasii baxayay banaanka ii istaagay oo iisheegay inay cabasho qabaan kadibna waxaan waydiiyay cabashadoodii, waxayna iisheegeen inay iyagu ugu horayn yihiin niman diaspora ah oo kacabanaya guryo iyo shirkado laxidhay iyo waliba suldaankii ladoortay. Sidaasdarteed, waxaan cadynayaa in jawaabta aan siiyay ay ahayd mid sharciga waafaqsan, waxaana usheegay cabashooyinka noocaas ah in ay deegaanka dib ugula noqdaan maadaama oo uu deegaanku yahay mid dastuur ku aasaasaan oo aysan cidina faragalin Karin, haday mucaarad yihiina inay iscadeeyaan. Waxa kali ah ee aan kuwada hadalay intaas ayuu ahaa. Waana runtay oo cabashooyinka noocaas ah deegaanada kaleba way kajiraan balse sixitaankeeda waxaa iska leh dawlad deegaanada. Kadib markaan kala dhaqaaqnay ayay si degdeg ah iiga codsadeen inaan sawir lagalo waana lagalay laakiin ma moodaynin inay been abuur igu samayn doonaan waxaase ii cadaatay in ujeedada kadanbaysay sawirka ay iga codsadeen ay ahayd inay been abuur iga sameeyaan.
Waxaa iyana dhankeed jawaab official ah oo cad halkan kasiisay magafayaasha afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI marwo Mufarihat kamil iyadoo uhadashay sidan:waxaan rabaa inaan kajawaabo been abuurka ay iga sameeyeen niman iskadhigay inay yihiin xubno baarlamaanka Sweden ah. Waxayna arintu udhacday sidan: Markaan gurigayga ka afuray ayaa waxaan tagay xaflad qalinjabin ah oo nin aan asxaabnahay uu iga codsaday inaan kasoo qaybgalo kadib markay xafladii noo dhamaatay ee aan soo baxay ayaa nimankan oo xaflada agagaarkeeda taagan ayaa iiyimid waxayna idhaheen xubno baarlamaanka Sweden kamid ah ayaan nahaye barasho wanaagsan iyo kaalay sawir nalagal. masuuliyiintii kale iyo aniguba waxaan sawirada kulagalay inay yihiin xubno baarlamaanka Sweden kamid ah, balse anigu marnaba inay soomaali yihiin ma moodaynin haba ahaadaane inay been abuurka intaas le’eg ay iga samaynayaan kuma fikirin. Nasiibwanaagse wax ajande ah oo aan kawada hadalay oo intaas kabaxsan majiro.
Hadaba, magafayaasha iyo SSI uu gabalkoodu dhacay waxaan usheegaynaa in dawada kali ah ee loo hayo ay tahay dastuurka deegaanka. Teeda kale waxaan shacabka DDSI ucadaynaynaa inaan lagu mashquulin oo ay yihiin shaqsiyaad Losers ah oo nolosha kadhacay waxaana taas kuu cadaynaya heerka ay marayaan ee ay masuuliyiinta federaalka kubeen abuuranayaan iyadoo ay uga sii horaysay rabshadii ay kagaysteen shirwaynihii safaarada itoobiya ee maraykanka ay u qabatay qurbajoogta itoobiya oo dhan oo ay kumudaharaadeen.
Iskusoo wada duubo warbixintan officialka ah ee katimid labada masuul ee lagu daabacay shabakada wararka ee cakaaranews waxay kuu cadaynaysaa in magafayaasha iyo SSI ay yihiin dad gabi ahaanba noloshii karajo-dhigay oo xag-xagasho iyo yaa allaw kujira, been abuurkan ay sameeyeen ayaana makhraati kuugu filan, waxaana xusid mudan in masuulkii afhayeenka ahaa ay aad ula yaabtay been abuurka intaa la eg kuna tilmaantay tabardari.
Gabagabadii waxaan halkan uga mahadcelinaynaa dhamaan ururka dhalinyarada ee kacaanka heego iyo guud ahaanba shacabwaynaha DDSI, xubnaha XDSHSI iyo qurbajoogta aadka uwanaagsan halganka aad kulajirtaan dhamaantiin nolol-diidka, Nabadiidka iyo horumardiidka. Waxaana idinku boorinaynaa inaad halkaas kasii wadaan dadaalkiina.