Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Afur-Sharafeed Ah Oo Loo Sameeyay Qurbajoogta DDSI Ee Kusugun Magaalada Jigjiga

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga (cakaaranews)Khamiis, 24ta May 2018. Xafiiska qurbajoogta DDSI ayaa kulan afursharafeed ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay uqabtay qurbajoogta udhalatay DDSI ee kakala timid dacalada dunida islamarkaana kusugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba, kulankan afur sharafeed ah oo ay kasooqaybgaleen boqolaal kamid ah qurbajoogta u dhalatay DDSI oo ka kala timid qaaradaha America, Europe, Asia, Australia iyo qaar kamid ah wadamada Africa ayaa waxaa hadalo muhiim ah kasoojeediyay Lataliyaha Madaxwayanaha DDSI Ahna Wasiirka Xafiiska Qurba Joogta DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu bisha baraykaysan ee ramaadan uu kala sooqaybgalo afur-sharafeedkan loo qabtay qurbajoogta DDSI islamarkaana ay wakhti wada qaataan, wuuxuuna intaas kudaray wasiirku in qurbajoogta uu uga mahadcelinayo booqashaddooda ay kusoobooqdeen deegaankooda iyo waliba sida ay u garab taagan yihiin xukuumada DDSI islamarkaana ay uga qayb qaadanayaan horumarka dhinacyada badan ee kahanaqaaday deegaanka soomaalida itoobiya. Wuxuuna tilmaamay in ay farxad wayn utahay in qurbajoog sidan ufaro badani ay soo booqdaan deegaankooda.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ugudanbayna, qurbajoogtan kasoo qaybgashay afur sharafeedkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin munaasabadan qaaliga ah ee loo qabtay islamarkaana  ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI iyo waliba xafiiska qurbajoogta DDSI. Waxayna tilmaameen in horumarka deegaanku uu gaadhay meel aad usaraysa islamarkaana deegaanka ay kajiraan nabadgalyo la iskuhalaynkaro iyo maamul suuban. Waxayna balaqaadeen ka qurbajoog ahaan in ay garabtaagan yihiin xukuumadooda DDSI  islamarkaana ay doorkooda ka qaadanayaan horumarkan balaadhan ee kahanaqaaday deegaanka.

Image may be NSFW.
Clik here to view.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>