Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan-waynaha Wadatashiga Iyo Qiimaynta Waxqabadka Qorshaha GTP2 Oo Kaqabsoomay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 23ka may 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kabilawday Kulanwaynaha wadatashiga iyo qiimaynta waxqabadka qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa 2aad ee (GTP2) islamarkaana diirada lagu saarayay waxqabadka qorshaha 2dii sano iyo badhkii udanbeeyay. Iyadoo Kulankana ay kasooqaybgaleen wasiiru-dawlaha wasaarada arrimaha federaalka JDFI, wasiirka xafiiska horumarinta khayaraadka biyaha DDSI, mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo waliba bulshada qaybaheeda kaladuwan gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in kulankani yahay kulan lagu qiimayno midho dhalka qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha Wajigiisa 2aad mudadii 2dii sano iyo badhka ahayd ee uu socday qorshahani. Wuxuuna intaas kudaray in kulankani uu yahay mid larabo in lagu ogaado guulaha iyo natiijooyinkii qorshaha GTP2 islamarkaana lagaga wada tashanayo galdalooladii kajiray fulinta qorshaha iyo waliba sidii loosii adkaynlahaa guulihii laga gaadhay. Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa xusay in kulanwaynahani uu sii socondoono islamarkaana lalayeelan doono macalimiinta deegaanka, ganacsatada, xoolo dhaqatada iyo xoolodhaqato-beeralayda. Si loo helo gashiyo horumarineed oo wax ku’ool ah islamarkaan sahli kara in guulo laga soo hooyiyo 2da sano iyo badhka kadhiman qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa 2aad  ee afka qalaad loogu yeedho (Growth and Transformation Plane 2).

Dhankakale, kulanwaynahan ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii 2dii sano iyo badhka ee udanbaysay ee qorsha GTP2, waxaana lagu soobandhigay guulihii laga gaadhay qorshahan kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha iyo waliba galdallooladii kajiray fulinta qorshaas.

Ugudanbayna, kulan waynahan oo sii socon doona maalmaha fooda inagu soo haya ayaa waxaa katalo bixindoona islamarkaana aragtidooda kudarsan doona kaqayb galayaasha kulan waynahan.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>