Jigjiga(Cakaaranews) Axad, 20ka May, 2018.Xukuumada DDSI ayaa dadaal dheer oogu jirta siday shacabka deegaanka loo gaadhsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah oo ay kamid yihiin jidadka iskuxidha gobolada deegaanka iyo waliba jidadka dhaadheer ee ku yaala maamul magaalooyinka deegaanka.
Hadaba maamulka magaalada jigjiga iyo wakaalada dhismaha, iibka iyo adeegyada gaarka ah ee booliska ayaa magaalada jigjiga kawada samaynta jidadka laamiyada, kobol istoonka, carodhiga wadooyinka dhaadheer ee isku xidha xaafadaha fogfog ee magaalada jigjiga. Waxaana kawarbixiyay dhismayaasha iyo dayactirka wadooyinka magaalada jigjiga madaxafiisedka maayarka ee mmj mudane Cabdicasiis Mahad oo sheegay inuu maamulka magaalada jigjiga wado shaqooyin muhiim ah oo kuwajahan dhisida wadooyinka laamiga ah, kuwa kobol istoonka ah, caro dhiga wadooyinka dhaadheer sida wadada dheer ee iskuxidha magaalada iyo xaafada sheikh nuur ciise, wuxuuna mas’uulku intaa ku daray inay wadadani iskuxidho 3 xaafadood oo kala ah xaafada 11aad, xaafada 12aad iyo xaafada 17aad waxayna kamidtahay wadooyinka halbowlaha u ah magaalada jigjiga.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah gaadiidlayda ka shaqaysta wadada iskuxidha magaalada jigjiga iyo xaafada sheikh nuur ciise oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin samayntan caradhiga wadadan dheer ee halbowlaha ah waxayna xuseen inay wadadani tahay wado muhiim ah islamarkaana ay umahaceliyeen ilaahay, xukuumada iyo XDSHSI oo marwalba utaagan siday ooga jawaabi lahaayeen baahida shacabka.