>Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 19ka May 2018. Waxaa si rasmi ah deegaanka uga bilawday imtaxaanka xaqiijinta tayada xirfada baranimo iyo hogaaminta waxbarashada islamarkaana macalimiinta imtaxaanka qaadanaysa ay ku kala qaateen gobolada kala ah Faafan (Jigjiga) Jarar (Dhagaxbuur), Qoraxey (Qabridahar) Gobolka shabeele (Godey)Iyo macaliminta Gobolka Siti oo imtaxaanka ku kala qaatay degmooyinka (Shiniile iyo Erer), iyadoo macalimiinta degmooyinka kala ah Qabribayax, Harawo, Awbare, iyo Xarshin ay goobtooda kuqaateen.
Hadaba, Gadhwadeenka G/Socodka Shatibixinta Iyo Cusboonaysiinta Xirfada Barayaasha Iyo Hogaaminta Waxbarashada Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Mukhtaar Ibraahim Muxumed oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in maanta deegaanka uu si rasmi ah uga bilawday imtaxaanka xaqiijinta tayada xirfada baranimo iyo hog-waxbarashada. Wuxuuna intaas kudaray in imtaxaankani uu yahay mid heer qaran ah islamarkaana ay siwada jir ah fulintiisa isaga kaashadeen lxafiiska waxbarashada DDSI iyo wasaarada waxbarahsda JDFI. Wuuuna tilmaamay in macalimiintan maanta imtaxaanka laga qaaday ay yihiin heerarka diploma iyo degree islamrkaana isugujiraan macalimiin, maamulayaal iyo kormeerayaal.
Sidookale, Agaasinka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmamay in imtaxaankani yahay imtaxaankii lagu qaadanayay Licensega xirfada baranimo ama hogaaminta waxbarashonimo ee ahaa qoraalka (written test) kadibna ay qaadan doonaan imtaxaanka ficilk ah (Porto folio).
Wuxuuna xusay in macalimiinta aan qaadanin imtaxaanka xaqiijinta tayada xirfada ay iyaguna is diwaangaliyaan sanadada soosocda si ay uqaataan imtxaanka kadibna licensiga xirfada baranimo ay u qaataan.
Iskusoowada duuboo, Xafiiska waxbarashada DDSI geedisocdkiisa shatibixinta iyo cusboonaysiinta xirfada barayaasha iyo hog-waxbarashada ayaa dadal ugu jira xaqiijinta tayada xirfada baranimo si waxbarashadu u noqoto mid tayo leh.