Qabribayax(cakaaranews)jimce, 18ka May 2018. Barnaamijka guryaynta ee loo yaqaano guryo wadareedka ayaa kamid ah qorshayaasha xukuumada islamarkaana ah mid guryo loogu dhiso bulshada danayrta ah. Sidaasdarteedna maamulka magaalada qabribayax oo uu horkacayo maayorka magaalada qabribayax ayaa xadhiga kajaray guryowadareed kii sanad Miisaniyadeedkan 2010T.I. oo kakooban 9 gibi islamarkaana lagu wareejiyay bulshadii danyarta ahayd ee loogu talagalay.
Hadaba, xadhig kajarka kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Maayorka Magaalada Qabribayax Mudane Mukhtaar Maxamed Cabdi oo sheegay in maanta ay farxad wayn u tahay inuu xadhiga kajaro dhismaha guryo wadareedkii loogu talagalay qoysaska danyarta ah. Wuxuuna xusay in guryo wadreedkan loo dhisay sanadkan 2010 T.I. islamarkaana loodhisay si tayo leh. Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in guryahan ay si bakhtiyaa nasiib ah ugu warejiyeen qoysaskii danyarta aha ee kudhaqan magaalada qabribayax. Iyadoo intii ladhisayay guryahana ay fursad shaqo abuur ah ka heleen bulshada danyarta ah ee kudhaqan magaalada.
Dhankakale, Madaxa Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha MMQ Marwo Samsam Xuseen Cabdi oo iyadna dhankeeda kahadashay ayaa sheegtay in guryo wadareedkani ay kamid yihiin mashaariicihii horumarinta ee qorshaha sanad miisaniyadeedka 2010 .T.I. islamarkaana si tayo leh loodhisay hadana ay kuwareejiyeen qoysaskii danyrta ahaa ee loogu talagalay.
Ugudanbayna, qaar kamid ah bulshadii danyarta ahayd ee looqaybiyay guryo wadareedkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in aysan farxadooda qiyaasin Karin marba hadii lagu wareejiyay guryo quruxbadan oo si tayoleh loodhisay. Waxayna xusaan inay ilaahay ugu mahadinayaan marka labaadna ay u mahadcelinayaan heerarka kaladuwan ee DDSI.