Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Sheegay Wakhtiga Imtaxaanaadka Fasalada 12aad,10aad Iyo 8aad.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 16ka May 2018. Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in imtaxaanka heer qaran ee ardayda imtaxaanka fasalka 10aad uu bilaami doono 22ka bisha 9aad 2010 T.I  Sidookalana, fasalka 12aad uu bilaami doono 27ka bisha 9aad 2010 T.I.meesha imtaxaanka heer deegaan ee fasalka 8aad uu bilaami doono 11ka, bisha 10aad 2010 T.I. wuxuuna xusay in imtaxaan kastaa uu socon doono 3 maalmood marka laga reebo imtaxaanka fasalka 12aad oo socon doono 4 cisho.

Hadaba, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa kawarbixiyay tirada ardayda imtaxaanka ufadhiisanaysa sanadan 2010 T.I . wuxuuna tilmaamay in tirada ardayda imtaxaanka u fadhiisanaysa fasalka 12aad ay tiradoodu dhan tahay 10,008 arday (toban kun iyo sideed arday) meesha tirada ardayda imtaxaanka u fadhiisanaysa fasalka 10aad ay yihiin 9452 arday.  Sidookale wasiirka ayaa sheegay in imtaxaanka heer deegaan ee fasalka 8aad ay sanadkan 2010 T.I ay imtaxaanka u fadhiisan doonaan arday tiradoodu kor u dhaafayso 33,713 arday.

Ugudanbayna, wasiirka ayaa kula dardaarmay dhamaan ardayda DDSI ee imtaxaanka u fadhiisanaysa ee fasalada 8aad, 10aaad iyo 12aad ay si fiican ugu diyaar garoobaan imtaxaanaadka. Wuxuuna carabka kudhuftay in dhamaan ardayda uu u rajaynayo natiijo wanaagsan oo waxku’ool ah.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>