Jigjiga(Cakaaranews)Arbaco, 16ka May 2018. madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhamaan muslimiinta caalamka gaar ahaan muslimiinta Itoobiya ugu bishaareeyay bisha barakaysan ee Ramadaanka oo dhamaan dalka Itoobiya iyo caalamkaba barito laga soomayo.
Madaxwaynaha ayaa faray dhamaan muslimiinta walaalaha in ay kafaaiidaystaan khayraadka iyo barakada bisha Ramadaanka isaga oo ugu dar daarmay in la iscaawiyo oo dariska iyo masaakiinta dhaqaalahoodu liito lacaawiyo, islamarkaana labadiyo Alle kacabsiga, isjeclaanshaha, iyo khayraadka badan ee bishu leedahay.
Ugudanbayna, Madaxwaynaha ayaa Ilaahay uga baryay dhamaan muslimiinta in Ilaahay ka dhigo kuwa kafaaidaysata bishan barakaysan ee Ramadaanka khayrkeeda oo dhan. Sidoo kale waxaa uu Allaah uga baryay in bishan bisheeda ku gaadhsiiyo barwaaqo, Alle kacabsi, iyo cimri dheerar. sidookale, waxaakale, oo uu madaxwaynuhu bulshada deegaanka ugu duceeyay in ilaahay deegaanka usii siyaadiyo barwaaqada, horumarka, nabadgalayda iyo maamulka suuban ee kahanaqaaday deegaanka soomaalida itoobiya.