Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Degmada Dhanaan Iyo Wafti Balaadhan Oo Soo Kormeeray Barnaamijka BBC

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dhanaan(cakaaranews)Talaado, 15ka May 2018. Wafti balaadhan oo isugu jira heer deegaan, heer-gobol iyo heer-degmo islamrkaana uu hogaaminayay wasiirka xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan ayaa kormeer indho indhayn ah kutagay goobaha laga hirgaliyay qorshaha Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo caafimaad (BBC) ee degmada dhanaan gaar ahaan qabalaha Kali.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka Iyo Dooxooyinka Mudane Suldaan Maxamed Xasan Iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Maxamed Cabdi Barre oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in kormeerkoodan ay kusoomareen goobaha laga hirgaliyay barnaamijka BBC ee degmada dhanaan. Waxayna intaas kudareen in ay soo indho idheeyeen  beeraha ay tabceen maamulka degmada dhanaan oo ah beero si tayo leh lootabcay hadan kudhaw inla gooyo. Waxayna intaas kudareen in beerahani ay yihiin 20 Hiktor islamarkaana lagu wareejiyay qoysaskii danyarta ahaa. Waxayna xuseen in qorshayaashii BBC ee degmada dhanaan ay siduu ahaa u hirgaliyeen haday tahay bulshadii ladajinayay oo ladajiyay iyo haday tahay adeegyadii looga faaiidaynayay bulshada oo si fiican looga faaiideeyay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dhankakale, bulshada dajinta loo sameeyay ee qabalaha Kali oo iyana dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in si wanaagsan loo dajiyay. Iyadoo qoys walba lagu saiiyay guryihii oodhisan, Beerihii calafka xoolaha ahaa, raashinkii ay cuni lahaayeen mudo 6 bilood ah oo isugujira bariis baasto bur iyo sonkor. Waxayna tilmaameen in loodiyaariyay adeeggyadii kale ee aas aasiga ahaa ee sida biyihii nadiifta ahaa caafimaadkii iyo waxbaarshadii.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Iskusoowada duuboo, qorshaha Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad oo Loosoo Gaabiyo ‘’BBC’’ yaa ah qorshe ay xukuumadu qadatay sanadkan 2010 islamarkaana kasocda guud ahaan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka. Iyadoo qorshahanina uu yahaymid kamid ah  xeeladaha lagaga qalin jabinayo saboolnimada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>