Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Oo Ka Qaybgalay Qalinjabinta Dufcadii 23aad Ee Kuliyada Macalimiinta Dr. Cabdimajid Xuseen

$
0
0

Jigjiga(Cakaranews) Axad, 10ka June 2018. Munaasabad Si Meeqaam Sare leh loosoo agaasimay oo ay ku qalinjabinayeen dufcadii 23aad ee kuliyada macalimiinta tababarada ee Dr. Cabdimajid Xusen ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdule Xasan.

Hadaba munaasbadan qalinjabinta oo ay kasoo qaygaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne Kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xamdi Aadan,Wasiirka xafiiska maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamud,wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad, maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta ee Dr Cabdimajid Xuseen, Kifaax Macalin Maxamed  qaarkamid ah golaha wasiirada iyo maareyeyaasha DDSI, odayaal dhaqameedka waalidiinta ardayda qalinjabinaysay ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn u hambalyeeyay ardaydan qalinjabisay maanta islamarkaana u mahad celiyay  dadaalka ay wado kuliyada macalimiinta Dr cabdinajiid xuseen ee ay ku soo saarayso cudud waxbaratay oo ku gaashaaman aqoon kuwaasi oo ka qayb-qaadanaya hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka gaar ahaan dhinaca soo saarida macalimiin tayale. Wuxuuna madaxwaynuhu kula dar-daarmay  ardaydan maanta qalinjabisay in ay kasoo dhalaalaan meelmarinta culuuntii ay barteen ugu adeegaan bulshadood gaar ahaan dhinaca tayaynta waxbarashada.

Dhankiisa waxaa isana kahadlay munaasabadan wasiirka xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad gu horayntii u hambalyeeyay ardaydan qalin jabinaysa maanta ayaa  ka warbixiyay dadaalada loogu jiro taaba galinta tayada waxbarshada dalka iyo deegaanka wasiirka ayaa ka warbixiyay guulaha laga soo hooyay sanadihii ugu dambeeyay dhinaca waxbarashada deegaanka isaga oo ku booriyay ardaydan maanta ka qalin jabisay kuliyada macalimiinta inay soo saaraan arday anshax iyo tayo leh islamarkaana siwadaniyadi ku dheehantahay ugasoo baxaan wajibaadkooda shaqo.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa kahadlay maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta dr cabdimajid xuseen oo ugu horayn sheegay in ardaydan maanta qalinjabinaysa oo ah heerka diplomaga  tiradooduna ay dhantahay 382 islamarkaana bartay culuunta kaladuwan ee ay bixiso kuliyadu looga baahanyahay inay iska ilaaliyaan wax walba oo wax udhimaya anshaxa macalinimo oo ay kamid tahay eexda, musaqa, nin jeclaysiga iyo waliba inay bulshada ugu adeegaan sidii loogu talagalay soona saaraan arday tayo leh.

Ugu danbayna waxaa abaalmarino kaladuwan la gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore galay oo uu halkaas abaalmarino ku gudoonsiiyay madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar , iyadoo gabagabadiina ay dareenkooda ka hadleen qaar kamid ah ardaydii qalinjabisay ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalinjabintan maanta ya qalinjabiyeen, waxayna intaa ku dareen inay bulshadooda ugu adeegi doonaan sidii loogu talagalay islamarkaana soosaari doonaan arday tayo leh.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>