Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 9ka june, 2018. Kulan balaadhan oo kusaabsan sii xoojinta iyo dardargalinta barnaamijka fidinta caafimaadka degaanka islamarkaana ay kasooqaybgaleen madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI, wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo Hor-cududa shaqaalaha DDSI, madax xafiiseedada xafiisyada caafimaadka degmooyinka, xirfadalaaysha fidinta caafimaadka, maareyaasha xarumaha caafimaadka iyo waliba shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI ayaa si habasamileh uga qabsoomay magaalada jigjiga.
Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxwayne Kuxgeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Xamdi Aadan oo si wayn uga warbixyay staratijyada caafimaad ee kuaadan nidaamka fidinta caafimaadka. Madaxwayne kuxigeenka ayaa tilmaamay in 20kii sano ee udanbaysay uu dalku guulo waawayn kasoo hooyiyay kor uqaadista adeega`fidinta caafimaadka islaamrkaana ay lagama maarmaan tahay in lasii labo jibaaro kor uqaadista fidinta caafimadka ilaa heer qabalee hoosaad.
Madaxwayne kuxigeenka oo hadlkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay dhaman hogaaminta herarkooda kaladuwan, laamaha bahwadaagta la ah xafiiska iyo xirfadlayaasha fidinta caafimaadka in ay kaqaybqaatan kor uqadista iyo hirgalinta barnaamijka fidinta caafimaadka. Wuxuuna carabka kudhuftay in xirfadlayasha fidinta cafimaadka iyo maaulada degmooyinku ay dhankooda si wayn uga soobaxaan kor uqaadista iyo hirgalinta barnaamijka fidinta caafimaadka maadaama oo ay iyagu yihiin kuwa doorka ugu muhiimsan kuleh.
Sidookale, Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Mudane Axmed Koore oo sheegay in deegaankeenu uu guulo wax ku’ool ah kakeenay kor uqadista adeega caafimaadka taasina ay timid kadib markii xukuumadu dadaal badan kubixisay kor uqaadista iyo baladhinta xarumaha iyo rugaha caafimaadka ilaa heer tuulo sidookale wasiirka ayaa tilmaamay in kor looqaaday tababarada ama tirada xirfadlayaasha fidinta caafimaadka kuwaasoo lagu kala meelayay dhamaan rugaha iyo xarumaha caafimadka deegaanka. Wuuxuuna xusay in ay lagma maarmaantahay in lasii xoojiyo nidaamka fidinta caafimadka islamarkaana bulshadu u hesho adeeg caafimad oo tayo leh.
Ugudanbayna, kaqqaybgalayaashii kulankan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in kulankani ahaa mid kusabsan koruqadista barnaamijka adeega fidinta caafimaadka islamarkaana uu yahay kulan loobaahnaa waxaan laiskulaqaadanayaan qorshayaal iyo jihooyin muhiim ah oo loo dhan yahay. Waxayna xirfadlayaasha iyo maamulada caafimaadka degmooyinku balan qadeen inay dadaalkooda sii labo jibaarayaan oo ay kamidho dhalinayaan qorshayashooda kuaadan fidinta caafimaadka