Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Magaalada Qabridahar Iyo Xaflad Qalinjabin Ah Oo Ay Kuqalinjabiyeen Dufcadii 3aad Ee Ardayda Kuliyada TVET

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Axad, 10ka, June 2018. Waxaa Hoolka wayn ee kuliyada farsamada iyo xirfadaha ee qabridahar kaqabsoomay xaflad qalin jabin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kuqalinjabinayeen arday tiradoodu dhantahay 62 arday kuwaasoo mudo labo sano ah baranayay culuumta xirfadaha iyo farsamooyinka kala ah  Fidinta Biyaha,  Dhismaha Guryaha, Barashada Cumputarka, Laydh Galinta, Samaynta Birta,  iyo waliba barashada furnitureska looxa.

Xafaladan heerka sare ah, ayaa waxa kasooqabgalay mas’uuliyiinta Gobolka qoraxay, maamulka magaalada qabridahar, maamulka iyo shaqaalaha kuliyada TVET’ka ardaydii qalinjabinaysay, waalidiinta qalinjabiyayaasha iyo martisharaf-kale.

Hadaba, Xafladan ayaa waxaa ugu horayn furitaankeedii kahadlay islamarkaana khudbado muhiim ah kasoojeediyay Gudoomiyaha Gobalka Qoraxey Mudane Cabdicasiis Axmed Habiye Iyo Waliba Maayorka Maamulka Magaalada Qabridahar Mudane Yuusuf Xasan Cali oo sheegay in maanta ay farxad wayn utahay inay kala sooqaybgalaan xafaladan qalinjabinta ah ee ay kuqalinjabinayaan dufcadii 3aad ee ardayda kuliyada TVETka magaalada qabridahar. Waxayna intaas kudareen in xukummadu ay mudnaan gaar ah siisay barashada xirfadaha iyo farsamooyinka kaladuwan islamarkaana ay tahay dhiigjoojin. Waxayn tilmaameen in barashada xirfaadha iyo farsamooyinku ay yihiin tubaha iyo xeeladaha lagaga qalin jabinayo saboolnimada islamarkaana uu dalku ku higsanyo kamid noqoshaha wadamada dhaqaalahoodu dhexdhaxaadka yahay.

Sidookale, Maareeyaha Kuliyada Farsamada iyo Xirfadaha Qabridahar (TVET) Mudane Cabdirashiid Maxamed Cusman oo isna dhankiisa kahadlay ayaa si faahfaahsan uga warbixyay sooyaalkii taariikeed ee kuliyada TVET ka magaalada qabridahar. Wuxuuna xusay in dufcadani tahay dyfacadii 3aad ee kaqalinjabisa kuliayada islamarkaana ay maanta qalin jabinayaan 62 arday kuwaasoo si tayo leh u bartay xirfadaha iyo farsamooyinka kala ah Fidinta Biyaha,  Dhismaha Guryaha, Barashada Cumputarka, Laydh Galinta, Samaynta Birta,  iyo waliba barashada furnitureska looxa. Wuxuuna kuladardaarmay arday qalinjabisay in cilmigan xirfadaha iyo farsamooyinka ay si daacadnimo leh oo wadaniyadi kudhaahan tahay ugu adeegaan bulshadooda islamarkaana iyagu isugu anfacaan.

Dhankakale, waxaa xusid mudan in iyana xafladan ay si wayn uga dhax muuqdeen dhalinta kacaanka gaamuray ee HEEGO oo iyana halkaas kasoojeediyay khudbado muhiim ah oo kahadlaya faaiidooyinka barashada xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta iyo waliba sida ay xukuumadu xooga usartay islamarkaan uga hirgalisay dhamaan gobolada deegaanka.

Iskusoowada duuboo, gabagabadii xafladan ayaa waxay mas’uuliyiintii kasooqaybagshay aradaydii ugu dhibacaha badnayd gudoonsiiyeen abaalmarino kaladuwan.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>