Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Kal'fadhiga 6aad Ee Golaha 5aad Ee Xildhibaanada DDSI Oo Si Rasmi Ah Ooga Furmay Xarunta Deegaanka

$
0
0

 

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 28ka February 2018. Waxaa si rasmi ah xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan ooga furmay kal’fadhigii 6aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI.

Hadaba kal’fadhigan 6aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo xaqiijinta tirade kooramka kadib soo bandhigay ajandayaasha iyo bayaanada horyaalay kal’fadhigan 6aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI, Kuwaas oo ay kamid ahaayeen.

1.      Ansixinta hadal qoraalka kal’fadhiga 5aad

2.       Warbixinta waxqabadka 6-da bilood ee qorshayaashii horumarka DDSI S.M 2010TI

3.       Ansixinta bayaanada.

3.1   Bayaanka waxkabadalka, Bayaanka dib u aas-aasida kuliyada maaraynta adeega shacabka DDSI.

Ugu danbayn waxaa galinka danbe ee maanta lasoo jeedin dooonaan warbixinta waxqabadka 6da bilood ee qorshayaasha horumarka DDSI.


የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ በጅግጅጋ ከተማ በ398 ሚልዮን ብር የተገነባ ዘመናዊ የእስፋልት መንገድ አስመርቋል

$
0
0

ጅግጅጋ (cakaaranews)መክሰኞ፤ የካቲት 20/2010ዓ.ም. በጅግጅጋ ከተማ በ398 ሚልዮን ብር  የተገነባው የቆረሄይ ጎዳና ዘመናዊ የእስፋልት መንገድ ግንባታው ተጠናቆ የክልሉና የከተማ አስተዳደሩ የስራ ሀላፊዎች እንዲሁም የጅግጅጋ ከተማ ነዋሪዎች በተገኙበት በትላንት እለት በኢትየጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ፕሬዝዳንት በክቡር አብዲ መሀሙድ ኡመር ተመርቋል፡፡

የኢትየጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር ግንባታው ሙሉ በሙሉ ተጠናቆ ለአገልግሎት የበቃው፤ የቆረሄይ ጎዳና ዘመናዊ የእስፋልት መንገድ ቀደም ብሎ በከተማው የነበረው የመንገድ መሰረተ ልማት ችግሮችን እንደሚቀርፍና በቆረሄይ ጎዳና የእስፋልት መንገድ ላይ የተገነበው ትልቁ ድልድይ ከዚህ ቀደም ድልድይ ባለመኖሩ በ05፣09፤17 እና 18 ቀበለዎች የሚኖሩ የህብረተሰብ ክፍሎች በእለተ እለት እንቅስቃሴያቸውና በከተማው ማህበራዊና ኢኮኖሚያዊ ስራዎች ላይ አሉታዊ ተፅእኖ ሲያሳድር መቆየቱንና መንገዱን የተገነባበት አከባቢ ጠባብና አስቸጋሪ በመሆኑ ምክያት የመንገዱ ግንባታ ለሁለት አመታት እንድፈጀው አደርጓል ብሏል ክቡር ፕሬዝዳንቱ።

አያይዞም መንገዱ ባላሁለት ሳይት ሆኖ በአንደ ስድስት ተሽከርካሪዎች ማስተናገድ የሚችል ከመሆኑ በዘለለ ስፋቱ 30ሜትር እንደሆነና ከአሁን በፊት በከተማው የመንገድ መስረተ ልማት በኩል ይገጥማቸው የነበረው ችግሮች እንደሚቀርፍም ፕሬዝዳንት አብዲ ገልጿል፡፡

በሌላ በኩል በመንገዱ ምርቃት ስነ-ስርዓት ላይ የተገኙት የጅግጅጋ ከተማ ነዋሪዎች በበኩላቸው በክልሉ መንግስት የተገነባላቸው አስፋል መንገድና  ዘመናዊ ድልድይ  ለአገልግሎት ማብቃቱን የተሰማቸዉን ደስታ በመግለፅ ለክልሉ መንግስትና ለክቡር ፕሬዝዳንቱም የላቀ ምስጋናቸዉን አቀርበዋል፡፡

 

በተመሳሳይም ዘመናዊ ድልድይና አስፋልት መንገዱ በ398 ሚልዮን ብር ውጭ የተደረገበት ሲሆን ለከተማው እድገትና ውበትም ከፍተኛ ሚና እንደምጫወት ተገልጿል።

 

የኢትዮጵያ ሶማሊ ክልል ጤና ቢሮ የዘመናዊ አምቡላንሲ ቁልፍ ተረከበ

$
0
0

አዲስአበባ(Cakaaranews)ማክሰኞ፤የካቲት 20/2010ዓ.ም. የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ጤና ቢሮ ለዋርዴር አጠላይ ሆስፒታል አገልግሎት ለሚሰጥ የዘመናዊ አምቡላንሲ ቁል ከUNFPA ድርጅት ተረከቧል።

የUNFPA ዋና ስራ አስኪያጅ ወ/ሮ ቢቲና እና በጀፓን የኢትዮጵያ አምበሲ ተወካይ አቶ አኪራ ዩቺዳ ለኢትዮጵያ ሶማሊ ክልል ጤና ቢሮ ም/ቢሮ ሃላፊ አቶ አይደሩስ አህመድ የዘመናዊ አምቡላንሲ ቁልፍ አስረክቧል።በተጨማሪም  የኢትዮጵያ ሶማሊ ክልል ጤና ቢሮ ም/ሃላፊ አቶ አይደሩስ አህመድ ለUNFPA ድርጅትና ለጃፓን ኤምበሲ  አመራር የላቀ ምስገና ከማቅረቡ ባሻገር ዘመናዊ አምበላንሱ ለክልሉ ህዝብ ከፍተኛ ጠቀሜታ ያላት ሲሆን በተለይ በዋርዴር ወረዳ አከባቢ ለሚኖሩ እናቶችና ህፃናት ቀልጣፋ የጤና አገልግሎት እንደሰጥ  የታሰበ መሆኑን ገልጿል።

በተጨማሪም ም/ቢሮ ሃላፊው ከድርጅቱ አመራርና ከጀፓን ኤምቤሲ የስራ ሃላፊዎችጋር በክልሉ ጤና ቢሮ በእናቶችና ህፃናት ጤና አገልግሎት አሰጣጥ ማሳደግና በጎጂ ልማዳዊ ድርግቶች እንደ የሴት ልጅ ግርዛት መከላከል ዙሪያ ተወያይቷል።በተጨማሪም UNFPA ድርጅት በክልሉ እየሰጡ ላለው የጤና አገልግሎት ሥራዎች እንደሚያስፋፉና በሀገሪቱ ጤና ፖሊሲ መሰረት እንደሚሰሩም ተስማምቷል።

የኢ.ሶ.ክ.መ.ምክርቤት 6ተኛ መደበኛ ጉባኤ በጅግጅጋ ከተማ ተጀመረ

$
0
0

ጅግጅጋ (Cakaaranews)እሮብ፤የካቲት 21/2010ዓ.ም. የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት 5ተኛ የስራ ዘመን፤6ተኛው መደበኛ ጉባኤ በክልሉ ርዕሰመዲና በጅግጅጋ ከተማ በቀርያን ዶዳን አደራሽ ተጀመረ።

በጉባኤው መክፈቻ ላይ ንግግር ያደረጉት የም/ቤቱ አፈጉባኤና የኢትዮጵያ ሶማሊ ህዝቦች ዴሞክራሲያዊ ፓርት(ኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.)ሊቀመንበር አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ ኢብራህም  የምክርቤቱ አባላት ከ51% በላይ በመገኘታቸው ካረጋገጡ ወዲህ በ6ተኛው መደበኛ ጉባኤ ከሚገመገሙና ከሚጸድቁ ዋና ዋና አጀንዳዎች መካከል
1. በ5ተኛው የምክርቤቱ መደበኛ ጉባኤ ላይ የቀረቡት ውሳኔዎች ማፅደቅ
2. የክልሉ መንግስት በ2010ዓ.ም.የመጀመሪያ 6 ወራት እቅድ አፈጻጸም ሪፖርት መገምገም

3.የተለያዩ ውሳኔዎችን ማፅደቅ

3.1. የክልሉ የሥራ አመራርና ሲቪል ሴርቪስ ኮሌጅ የተቋቋመበት ደንብ በድጋሜ የተሻሻለበት አዋጅ ማጽደቅ እንደሚገኝበት አፈጉባኤ መሀመድረሺድ ኢሳቅ አክሎ አብራርቷል።

በተጨማሪም የኢ.ሶ.ክ.መ.5ተኛው ዘመን ም/ቤት 6ተኛ መደበኛ ጉባኤ ላይ ዛሬ ካሰዓት በኋላ የክልሉ መንግስት በ2010ዓ.ም.የመጀመሪያ 6 ወራት እቅድ አፈጻጸም ሪፖርት እንደሚቀርብና ምክርቤቱ ካዳመጡ በሆላ አቅጣጫ እንደሚያስይዙም አፈጉባኤው ገልጿል።

MM Jigjiga Iyo Kormeer Lagu Sameeyay Dugsiyada Sida Gaarka Ah Loo Leeyahay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 28ka February 2018. Xafiiska waxbarahsada DDSI geedisocdkiisa horumarinta dugsiyada ayaa kormeer iyo dabagal kusoo sameeyay dugsiyaal tiradoodu dhan-tahay 70 dugsi islamarkaana ah dugsiyada sida gaarka ah loo lee yahay ee kajira xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba, Gadhwadeenka G/S Horumarinta Dugsiyada Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Xuseen Maxamuud Daahir oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in kormeerkan ay kasameeyeen in kabadan 70 Dugsi oo ah dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ee kajira magaalada jigjiga. Wuxuuna intaa kudaray in kormeerkan ujeedadiisu tahay  sidii loo xaqiijin lahaa tayada dugsiyada gaarka loo leeyahay islamarkaana loo xoojin lahaa kudhqanka shuruucda dugsiyada si dugsiyadu u buuxiyaan shuruudaha dugsinimo ee looga baahanyahay dhanwalba haday tahay gashiga dugsiga iyo haday tahay natiijada barisbarasho.

Dhankakale, agaasinka oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in kormeerkani uu ahaa mid si wayn loogu kuur galayay xaaladwalba oo dugsiga kajirta islamarkaasna ay kormeerkoodan awamiir kasoo saari doonaan. taas oo ay  herarka dugsiyada kusoo kala saarayaan. Wuxuuna carabka kudhuftay in natiijo wanaagsan ay kasoobaxayso kormeerkoodan.

Iskusoowada duuboo, kormeerkan oo socday mudo 5 cisho ah ayaa waxaa laga filayaa in ay kasoobaxdo talaabooyin midho dhal ah islamarkaana lagu sixi doono galdaloolada kajira dugsiyada sida gaarka ah looleeyahay ee magaalada jigjiga.

Kal’fadhigii 6aad Ee Golaha 5aad Ee Xildhibaanada DDSI Oo Maalintii Labaad Galay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 1da, March 2018.  Waxaa maalintii labaad galay kal’fadhigii 6aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI oo maalintii shalay ahayd ka furmay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Hadaba kal’fadhigan 6aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI ayaa waxuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar kasoo jeediyay warbixintii waxqabadka xukuumada  6dii bilood ee igu danbaysay taas oo ka hadlaysay guulaha laga gaadhay taabagalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka gaar ahaan dhinacyada horumarinta khayraadka biyaha, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, jidadka, horumarinta waraabka iyo dooxooyinka. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa si gaar ah uxusay in waxqabadka xukuumadu ay xooga saartay qodista ceelasha dhaadheer iyo macaanaynta ceelasha biyaha khadhaadh ee deegaanka, Isagoo madaxwaynuhu carabka ku dhuftay in xukuumada DDSI ay ku guulaysatay in deegaanku maanta isu furmay dhanka isusocodka 100% islamarkaana laga hirgaliyay buundooyin tayo leh oo dhaxalgal ah.

Ugu danbayna waxaa falanqayn iyo dood dheer kadib ay  goluhu codbuuxa ku ansixiyeen  warbixintii waxqabadka xukuumada  lixdii bilood ee danbaysay iyadoo uu kal’fadhigan 6aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI uu maalmahan soosocda halkaas kasii socondoono.

 

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል 5ተኛ ዘመን ም/ቤት 6ተኛው መደበኛ ጉባኤ ሁለተኛ ቀን መግባቱን ተገለፀ

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ሐሙስ፤የካቲት 22/2010ዓ.ም.በትላንትና እለት በክልሉ ርዕስመዲና በጅግጅጋ ከተማ በቀርያንዶዳን አደራሽ የተጀመረው የኢትዮጵያሶማሌክልል መንግስት 5ተኛየስራዘመን፤6ተኛውመደበኛጉባኤ ሁለተኛ ቀን መቀጠሉን የም/ቤቱ አፈጉባኤ  ገልጿል።

በተጨማሪምበኢ....5ተኛውዘመን/ቤት 6ተኛመደበኛጉባኤላይ የክልሉ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር በክልሉ መንግስት 2010..የመጀመሪያ 6 ወራትእቅድአፈጻጸምሪፖርት አቀርቧል።በተያያዜም ፕሬዝዳንቱ ባለፉት 6 ወራት በክልሉ መንግስት በውሃ ሀብት፤በግብርና ፤በትምህርት ተደራሽነትና ጥራት፤በጤና አገልግሎት አሰጣጥ፤በመንገድ መስረተ ልማት፤በመንደር ማሰባሰብ ፖሮግራሞችና በተፋሰስና መስኖ ልማትና መሰል  ዘርፎች ላይ የተከናወኑት ስራዎች በሰፊው ዳስሷል።

አያይዞም የክልሉ መንግስት የትኩረት አቅጣጫ የሆኑት ጥልቅ የውሃ ጉድጓዶች ቆፈራና ጫዋማ ውሃ የማጣራት በኩል የተሰሩት ተግባራት ከመተንተናቸው በዘለለ፤በክልሉ መንግስት በዞኖችና ወረዳዎች ለማስተሳሰር የታቀዱት መንገዶችና ድልድዮች 100% በመቶ በታቀደው መሰረትእንደተሳኩና የክልሉ ህዝብ እለት ተእለት እንቀስቃሴዎች ወሳኝ ሚና ያላቸው ትላልቅ ድልድዮች በክልሉ ዞኖችና ወረዳዎች ላይ መገንባታቸውን ክቡር ርዕሰ መስተዳደሩ አብራርቷል።

በተጨማሪም ም/ቤት አባላቱ በክልሉ መንግስት 2010..የመጀመሪያ 6 ወራትእቅድአፈጻጸም ላይ በቀረበውሪፖርት በመገምገምችና በመወያየት ሪፖርቱ በሙሉ ድምጽ አጽድቋል።በመጨረሻም የክልሉ /ቤት 6ተኛመደበኛጉባኤለቀጣዩ ቀናት እንደሚካሄድ የም/ቤቱ አፈጉባኤ ገልጿል።

 

 

Golaha Wakiilada Shacabka JDFI Oo Cod Aqlabiyad Leh Ku Ansixiyay Xaalada Degdeg Ah Ee Wadanka Lagu Soo Rogay

$
0
0

Adhisababa(cakaaranews)Jumce, 2da  march 2018. Golaha wakiilada shacabka JDFI ayaa kulan ay yeesheen maanta ku ansixiyay cod-buuxa xaalada degdega ah ee wadanka lagu soo rogay taasoo uu horay ugu dhawaaqay Raisal wasaaraha Dalku islamarkaana ay ansixiyeen golaha wasiirada dalku. Wuxuuna xukunkan degdega ahi yahay mid looga dan leeyahay xasiloonida iyo deganaanshiyaha dalka.

Hadaba, xaaladan degdeg ah ayaa ah  mid laga filayo inay kasoobaxaan natiijooyin horumarineed oo wax ku’ool ah islamarkaana shacabwaynaha dalka dan u ah soona dhaweeyeen.


Shir Heer Qaran Ah Oo Ku Saabsan Socdaalada Aduunka Iyo Barakaca Oo Ka Qabsoomay MMJ

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 2da March 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magalaada jigjiga kaqabsoomay shir heer qaran ah oo ay fulintiisa iskakaashadeen jaamacada adhisababa, jaamacada jigjiga, hoyga fedrashinka dalka iyo waliba hay’ada UN laanteeda qaabilsan socdaalka aduunka. kaasoo lagu eegayay iskudhacyada iyo khilaafaadyada sababa barakaca gudaha dalka iyo socdaalada bulshada.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Madaxwaynaha Jaamacada Jigjiga Mudane Cabdi Casiis Ibraahim oo sheegay in ujeedada shirku yahay mid lagaga wada hadlayo arrimaha socdaalka barakaca gudaha dalka iyo horumarka kaladuwan ee dalka. Wuxuuna xusay in shirkan lagu soo bandhigayay daraasaadyo laga soo sameeyay deeganada dalka oo kuqotama waxayaabaha sababa iskudhacyada, socdaalada, barakacyada gudaha iyo waliba  dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Dhankakale, xubno kamid ah masuuliyiintii kasooqaybgalay kulankan ayaa sheegay in shirku kuqotay 4 arrimood oo kala ah  Horumarka, khilaafaadka ama iskudhacyada iyo waxyaabaha sababa, barakacayaasha gudaha iyo waliba socdaalada.

Iskusoowada duuboo, shirkan oo ay kasooqaybgaleen mas’uuliyiin iyo khabiiro kakalasocday qaarkamid ah xafiisyada heerdeegaan jaamacadaha dalka iyo hay’ada UN laanteeda socdaalada aduunka ayaa kadib markuu dhamaado laga filayaa inay kasoobaxaan natiijooyin horumarineed.

 

 

Wardheer Iyo Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Lasoo Gaba-gabeeyay

$
0
0

Wardheer(Cakaaranews) Sabti , 3da March 2018. Waxaa xarunta gobolka dollo ee magaalada wardheer  ee  lagusoo gaba-gabeeyay   adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ahaa oo  7aadkii  udanbeeyayba looga faaiidaynayay boqolaal bulshada ku dhaqan degmada wardheer iyo nawaaxigeeda.

Hadaba adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah oo maalmahanba looga faaiidaynayay shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga gaar ahaan shacabka ku dhaqan degmada wardheer iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa kawarbixiyay mas’uuliyiinta hosbitaalka wardheer iyo mas’uulyiinta maamulka wardheer oo sheegay in adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa lasoo gabagabeeyay islamarkaana ay ka faaiidaysteen in ka badan 953 shacabka ku dhaqan degmada wardheer iyo nawaaxigeeda ee wax ka qabay dhanka araga. Wuxuuna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in shacabkan qalitaanka iyo daawaynta loo sameeyay ay isugu jireen dad indho belay, kuwo dhaawac ka gaadhay iyo qaar xanuun ka hayay islamarkaana lagu xaliyay qalitaan, daawayn iyo muraayadaha araga.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada  ku dhaqan degmada wardheer  iyo naawaaxigeeda ee dib uhelay aragoodii indhaha oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin  adeegan qalitaanka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga  uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanka gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulindoono

 

 

 

Shacabka Degmada Xamaro Oo Si Rasmi Ah Ooga Faaiidaysanaya Laydhka 24sac ah

$
0
0

Xamaro(Cakaaranews) Sabti, 3da March, 2018. Waxaa Si Rasmi ah ugaadhay degmada xamaro ee gobolka erer  laydhkii 24ka saac ahaa ee looga soo jiiday magaalada fiiq ee xarunta gobolka erer oo u jirta 54km islamarkaana ay wakhti xaadirkan ka faaiidaysanayaa.

Hadaba laydhkan 24saac ah ee gaadhay degmada xamaro iyo tuulooyinka udhexeeya xamaro ilaa fiiq ayaa waxaa bogaadiyay islamarkaana si farxadi ku dheehantahay usoo dhaweeyay shacabka ku dhaqan degmada xamaro iyo tuulooyinka udhaxeeya xamaro iyo fiiq oo sheegay in laydhkan 24saac ah ee ay si rasmi ah uheshay degmada xamaro ay tahay fursad qaali oo ay heshay degmada xamaro islamarkaana ooga faaiidaysanayaan dhanka ganacsiga iyo horumarinta bilicda magaalada. Iyagoo u shacabku u mahadceliyay xukuumada dadaalka dheer ugashay siday degmada xamaro u heli lahayd laydh 24saac ah iyo waliba ka jawaabida baahida bulshada.

Iskusoo wadaduuboo laydhkan 24sac ah ee  sida rasmiga ah ugaadhay degmada xamaro ayaa kamid ah horumarka dhinacyo badanaha ah ee laga wado gobolka erer.

Kal'fadhigii 6aad Ee Golaha Xildhibaanada DDSI Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 4ta, March, 2018, Waxaa lagu soo gabagabeeyay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan kalfadhigii 6aad ee golaha xildhibaanada DDSI oo maalmihii ugu dambeeyay u socday golaha xildhibaanada DDSI.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta si faah-faahsan u soo jeediyay warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI ee 6dii bilood ee sanad miisaaniyeedka 2010TI taasi oo xooga saarasay guulaha laga gaadhay taabagalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka gaar ahaan dhinacyada horumarinta khayraadka biyaha, jidadka iyo buunduuyinka deegaanka laga hirgaliyay  madaxwaynaha ayaa sharax dheerka bixiyay qorshayaasha ay xooga saartay  xukuumada DDSI ee ku salaysan kor u qaadista  nolosha bulshada deegaanka oo ay noloshoodu  intooda badan ku tiirsan tahay khayraadka xoolaha deegaanka islamarkaana xukuumada DDSI qorshaheeda ugu muhiimsan ka dhigatay horumarinta khayraadka biyaha deegaanka.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in deegaanka laga hirgaliyay mashaariico waawayn oo dhinaca biyaha ah gaar ahaan kuwa qodista ceelasha dhaadheer iyo kuwa masaafada dheer loo kala jiidayo madaxwaynaha DDSI ayaa  sheegay in  heer daboolka biyaha deegaanka laga qaaday 6dii bilood ee ugu dambeeyay  66.7%  lana gaadhsiiyay  73.6% sidoo kale heer daboolka magaalooyinka laga qaaday   64.5% lana gaadhsiiyay  70.2 halka heer daboolka biyo galinta miyiga laga qaaday  66.7% lana gaadhsiiyay   73.6% sidoo kalena laga hirgaliyay deegaanka biligii ugu dambeeyay mashaariico waawayn oo ah dhinaca horumarinta khayraadka biyaha dhinaca kale waxa uu madaxwaynaha DDSI ka warbixiyay   in xukuumada DDSI ay ku guulaysatay in deegaanku maanta isu furmay dhanka isusocodka 100% islamarkaana laga hirgaliyay buundooyin tayo leh oo dhaxalgal ah.

Dhinaca kale waxaa maalintii shalay golaha xildhibaanada DDSI ka doodeen islamarkaana cod buuxa ku ansaxiyeen  Bayaanka waxkabadalka, Bayaanka dib u aas-aasida kuliyada maaraynta adeega shacabka DDSI ugu dambayntii kalfadhigan 6aad ee golaha 5aad ee golaha xildhibaanada DDSI oo muddo 4 maalmood ah socday ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Degmada Xamaro Iyo Hirgalinta Qorshaha BBC

$
0
0

Xamaro(cakaaranews)Isniin, 5ta, March 2018. Qorshaha BBC ayaa ah qorshaha ay xukuumada DDSI qaadatay sanadka 2010 T.I islamarkaana ah mid kuqotama dajinta iyo dhaqashada casriga ah si xoolaha looga helo cad iyo caano badan islamarkaana bulshada reer guuraaga ahi  u hesho Biyo, Baad, cilmi iyo caafimaad. waxaana degmada xamaro si fiican looga bilaabay dajintii bulshada iyo dhaqashadii casriga ahayd ee xoolaha.

Hadaba, hirgalinta qorshahan ayaa waxaa warbaahinta uga waramay Kusimaha Gudoomiyaha Ahna Madaxa Xafiiska Biyaha Degmada Xamaro Mudane Maxamed Rashiid oo sheegay in qorshahani kow ka yahay ladagaalanka saboolnimada islamarkaana qorshahani yahay mid bulshadu kaga raysanayso dhibaatooyinka guur-guurka iyo rafaadkii ka imanayay dhaqashada xoolaha. Wuxuuna intaa kudaray in nidaamkani yahay nidaam falmo tuseed ah kaasoo bulshada lagu barayo in ay sifiican ugu daydaan. Wuxuuna faaiido uleeyahay bulshada iyo xoolaha labadaba.

Dhankakele, waxaa iyana kahadlay Madaxa Xafiiska Maaliyada Iyo Hor-Dhaqaalaha Degmada Xamaro Marwo Ubax Aadan Ibrahim Iyo Waliba Kusimaha Madaxa Xafiiska Horumarinta Xoolaha Ee Degmada Xamaro Mudane Maxamed Cabdulaahi Daahir oo sheegay in nidaamkani yahay nidaam aad lagma maar maan u ah bulshada xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka. Waxayna tilmaameen in si fiican uu uga hirgalay degmada xamaro islamarkaana  ladhisay guryihii dajinta iyo waliba goobihii naaxinta xoolaha iyo dhaqashada  casriga ah.

Iskusoowada duuboo, nidaamka dhaqashada casriga ah ayaa kamid ah qorshaha Biyo, Baad, Beer Cilmi iyo caafimaad (BBC) kaasoo laga wado dhamaan degmooyinka deegaanka waxaana qorshahan halkudhag looga dhigay  ‘’isku filaanshaheenii waan sooceshan karaa’’

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ም/ቤት 6ተኛ መደበኛ ጉባኤ ተጠናቀቀ

$
0
0

 

 

 

ጅግጅጋ(cakaaranews)ሰኞ ፤የካቲት 26/2010ዓ.ም. ባሳለፍ ነው ቀናት በኢ.ሶ.ክ.መ.በጅግጅጋ ከተማ በቀርያንዶዳን አደራሽ ስካሄድ የነበረውን የኢ.ሶ.ክ.መ. ምክርቤት 6ተኛ መደበኛ ጉባኤ ተጠናቀቀ።

በተጨማሪምበኢ....ምክርቤት 6ተኛመደበኛጉባኤላይ የክልሉ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር በክልሉ መንግስት 2010..የመጀመሪያ 6 ወራትእቅድአፈጻጸምሪፖርት  በሰፊው አቅርቧል።በተያያዜም በመንፈቀ አመቱ ላይ የክልሉ መንግስት በውሃ ሀብት፤በመንገዶች መስረተ ልማትና በትላልቅ ድልድዮች ግንባታ  ዘርፎች ላይ የተከናወኑት ስኬቶች በሰፊው ማብራሪያ ከመስጠታቸው ባሻገር የክልሉ አርብቶ አደር ህዝብ ኑሮ ለማሻሻል የታቀዱት የንጹህ መጠጥ ውሃ እቅዶች አመርቂ ተግባራት መከናወናቸውን ክቡር ፕሬዝዳንቱ አስገንዝቧል።

ባለፈው 6 ወራት በአጠቃላይ የክልሉ ውሃ አገልግሎት ተደራሽነት 66.7% በመነሳት ወደ 73.6% ከማድረሱ በዘለለ የከተሞች ውሃ አገልግሎት በተመለከተ ከ64.5%  በመነሳት ወደ 70.2%ከፍ የተደረገ ሲሆን የገጠር ንጹህ የውሃ አገልግሎት ተደራሽነት ከ66.7% ወደ 73.6% ከፍ ለማድረግ ተችሏል ብሏል ፕሬዝዳንት አብዲ ሞመሀሙድ።በተጨማሪም በክልሉ በርከት ያሉ ትላልቅ ድልድዮች የተገነቡ ሲሆን በትራንስፖርቱ ዘርፍ የታቀዱት ስራዎች ከ100% በታቀዱት መሰረት ተከናውኗል ብሏል ርዕሰመስተዳደሩ።

 

በተጨማሪም የክልሉ ም/ቤት አባላት በክልሉ የስራ አመራርና ሲቪል ሴርቪስ ኮሌጅ የተቋቋመበት አዋጅ ለማሻሻል የቀረበው ረቅቅ አዋጅ ከተወያዩበት በሆላ አዋጁ በሙሉ ድምጽ አጽድቋል።በመጨረሻም  ለአራት ቀናት ያህል በጅግጅጋ ከተማ ሲካሄድ የነበረውን የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ምክርቤት 6ተኛ መደበኛ ጉባኤ ተጠናቅቋል።

 

 

 

Tababar Loo Soo Xidhay Qaar Kamid Ah Barayaasha Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 5ta March 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagu soo gabagabeeyay tababar ujeedadiisu tahay kobcinta garaadka aqoomeed ee barayaasha deegaanka ee ku aadan tayada waxbarashada, qiimaynta iyo dabagalka nidaamka baris barasho. Iyadoo barayaashana laga soo kala xulay 5degmo oo deegaanka ah islamarkaana tiradoodu dhantahay 80 xubnood.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu macalimiintan kalasooqaybgalo xidhitaanka tababarkan. Wuxuuna xusay wasiirku in tababarkani uu kusaabsanaa u kuurgalida iyo dabagalka ee dhamaan geedisocodka baris barasho ee fasalka gudishiisa iyo dibadiisaba. Wuxuuna tilmaamay in tababarkani ku’aadanaa dhanka manhajka, tayada waxabarashada, iyo waliba in sidii loo baahnaa ay noqoto cashir-diyaairinta macalinku. Iyadoo wasiirku uu kula dardaarmay barayaasha in ay noqdaan barayaal kafaaiidaysta cilmigii ay barteenn islamarkaana ay gaadhsiiyaan goobihii iyo dugsiyadii ay kakala yimaadeen.

Ugudanbayna, dhankooda barayaashii kasooqaybgashay tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan. Waxayna xuseen in ay barteen casharo badan oo faaiido uleh islamarkaana kuqotama geedisocodka baris barasho ee udhaxeeya macalinka iyo ardayda.

 


Kulan Wacyigalin Ah Oo Loo Qabtay Culimo Owdiinka Degmooyinka Gobolka Faafan

$
0
0

Dhagaxle (Cakaaranews) Talaado 6da March 2018. Waxaa senterka dhegaxle ee degmada gursum ka qabsoomay kulan balaadhan oo wacyigalin ah uu soo agaasimay Xafiiska golaha sare ee arrimaha islaamka DDSI oo loo qabtay culimo owdiinka degmooyinka uu kakoobanyahay gobolka faafan.

Hadaba kulankan oo ujeedadiisu ahayd barashada caqiiqadada suuban iyo ka hortaga fikirada cidhiidhyoon ee xagjirnimada ah ayaa waxaa furitaakii kulankan ka hadlay gudoomiye kuxigeenka xafiiska golaha sare ee arrimaha islaamka mudane Sheekh Muxumed Cumar Dhaqane oo sheegay in kulankan ku saabsanyahay sidii looga fogaan lahaa ku dhaqanka fikirada cidhiidhyoon ee xagjirnimadka iyo kor uqaadida caqiidada ehlusuna wal jameeca islamarkaana bulshada loo ifiyo afkaarta xagjirnimadka oo ah afkaarta islaamka kalaqaybiyay oo ay wataan dad fikir cidhiidhi ah wata.

Sidoo kale waxaa iyana siwadajir ah  dhankooda ka hadlay hogaanka masaajidada DDSI mudane shariif muxumed  shariif iyo gudoomiyaha golaha arrimaha islaamka ee gobolka faafan sheikh xikim sheikh maxamed oo sheegay ugu horayn loo baahanyahay in lagu mahadiyo allaha nabadgalaydan taamka ah inasiiyay waxayna intaa ku dareen in muwaafaqada aynu haysano sii xoojino islamarkaana ka hortagno caqiidooyinka cidhiidhyoon ee xagjirnimadka iyo waxii la halmaala.

Ugu danbayna waxaa fikirkooda ka hadlay qaarkamid ah culimo owdiinka gobolka faafan ee kasoo qaybgalay kulankan oo sheegay inay la dagaalami doonaan fikirada cidhiidhyoon ee uu kamid yahay xagjirnimadka islamarkaana kor uqaadi doonaan caqiidad wanaagsan ee ahlu suna.

Xuska Sanad-Guurada 20 Jirsatay Ee XDSHSI Oo Si Meeqaam Sare Ah Looga Xusay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),khamiis, 8da, March, 2018. Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo loogu   dabaal dagay munaasabada xuska 20aad ee ka soo wareegtay aas aaskii XDSHSI ayaa ka dhacay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee SMCX.

haddaba, Munaasabadan  loogu dabaal dagayay  xuska sanad guurada  XDSHSI oo maalmihii ugu danbeeyay si balaadhan   loogu sii diyaar garoobayay xukuumada, xisbiga iyo shacabkuba ay ku muujinayeen jacaylka maalintan ay u qabaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa XDSHSI iyo xukuumada DDSI oo ay ugu horeeyaan  gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, gudoomiye ku xigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada, madaxwayneysaashii hore ee soo maray deegaanka, shaqaalaha dawlada, masuuliyiin ka socday  ururada bah-wadaagta la ah XDSHSI odayaal dhameedka deegaanka iyo marti sharaf kale.

waxaa ugu horayntii ka hadlay munaasabadan gudoomiyahah XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI  mudane  Maxamedrashiid Isaaq oo ka hadlay munaasabadan ayaa  ugu horayntii ugu hanbalyeeyay shacabka deegaanku meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibadiisa xuska munaasabadan qaaliga ah  wuxuuna  si qoto dheer uga warbixiyay dadaalada xoogan ee lagaga midho dhalinayo dhamaadka qorshihii u yaalay xukuumada DDSI iyo XDSHSI gaar ahaan qorshayaasha koboca isbadalka dhaqaalaha (growth and transformation plan ) (GTP) gudoomiyaha ayaa sheegay in uu cadawga 1aad ee lala dagaalamayaa yahay saboolminada taasina xukuumada iyo XDSHSI qaateen istaraatajiyad iyo jihooyinka lagu tir tirayo saboolnimada gudoomiyaha ayaa sheegay in xisbigu qorshayaashiisa ku saleeyay ka jawaabida baahida bulshada isaga oo baahida 1aad, 2aad iyo 3aad u qaatay hirgalinta ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha taasina laga keenay natiijooyin badan oo wax ku ool ah gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in XDSHSI ay ka go’an tahay dar-dargalinta iyo sii xoojinta qorshayaasha ka jawaabaya baahida bulshada, xidhiidhka arimaha bulshada dalka iyo dibadaba iyo kuwa kor loogu qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka

madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiye ku xigeenka XDSHSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ugu hambalyeeyay shacabka deegaanka dalka iyo dibadaba munaasabada 20 jirsatay ee ka soo wareegtay aas-aaskii XDSHSI madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan sanad guurada xisbiga iyo isbadaladii siyaasadeed, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee uu soo maray XDSHSI gaar ahaan is jiid jiidadkii siyaasadeed ee wakhtiyadii hore soo ragaadisay XDSHSI madaxwaynaha ayaa sheegay dadaal dheeer ka dib in maanta XDSHSI uu suurta galiyay siyaasad barnaamijyo horumarineed nabadgalyo iyo maamul suuban kuwaasi oo  kor loogu soo qaaday nolosha bulshada deegaanka  madaxwaynaha  ayaa ku booriyay in xubanaha XDSHSI  looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan  qorshayaasha horumarineed nabadgalyo iyo maamulka suuban ee u dajisan xisbiga   islamarkaana  ku sun-tanaadaan hirgalinta siyaasada xisbiga ee ku salaysan u adeegitaanka bulshada deegaanka.  

Dhankooda axaa ka hadlay munaasabadan masuuliyiintii hore ee soomaray deegaanka oo ay ka mid yihiin 7 madaxwayne yaal oo soomaray deegaanka iyo madaxwayne ku xigeeno  kuwaasi siyaabo kala duwan uga warbixiyay soonyaalka taariikheed ee XSDHSI iyo guud ahaanba taariikhda deegaanka gaar ahaan isbadaladii dhinacyada badnaa ee uu XDSHSI madaxwayneyaashii hore ee soo maray deegaanka ayaa ku amaanay hogaaminta Xisbiga iyo xukuumada DDSI Xaaladihii adkaa ee ay ka soo saareen xisbiga taasi oo ay sheegeen  in ay  sanad guurada 20aad ee XDSHSI ku soo began tahay xili ay deegaanka ka hirgashay tiirarka ubub dhexaadka u ah siyaasada XDSHSI oo ah sal u dhigita nabadgalyada iyo xasiloonida oo ay maanta ku naaloonayaan shacabka DDSI waxayna ku booriyeen  shacab waynaha DDSI,hogaaminta xisbiga iyo  xukuumada in ay sii joogteeyaan oo ay sii xoojiyaan hirgalinta qorshayaasha horumarineed nabadgalyo iyo maamulka suuban islamarkaana dhinaca uga soo wada jeedsanaan cadawkasta iyo cidkasta oo isku dayaysa in ay hakad galiyaan xawaaraha horumarka deegaanka.

Munaasabadan oo halku dhig looga dhigay”Geedi socodka xisbigeena ee ku salaysan aragtida shacabku waa aas-aaska midnimada iyo dib u curashadeena ayaa waxaa ugu dambayntii lagu soo bandhigay tar-tan faneed ay ku tartamayeen kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI kuwaasi oo ay kooxuhu ku soo bandhigayeen heesaha hirgalay waxaana kaalinta 1aad galay kooxda liyuu bandhi, kaalinta 2aad waxaa galay hormuud baandhi, kaalinta 3aad waxaa galay anshax bandh halka kaalint 4aad gashay kooxda ilays bandhi.

 

Xoghayaha Arimaha Dibada Dalka USA Oo Si Qurux Badan Loogu Soo Dhaweeyay Addisababa.

$
0
0

Addisababa,(cakaaranews),khamiis, 8da March, 2018. Xoghayaha arimaha dibada dalka maraykanka mudane Rex Tillerson ayaa soo gaadhay magaalada addis-ababa ee xarunta dalka itoobiya  Waxaana si diiran oo meeqaam sare ah ugu  soo dhaweeyay  garoonka diyaaradaha caasimada dalka  masuuliyiin sare oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada arimaha dibada JDFI Dr  warqineh  gebeyaw.

Socdaalkan  xoghayaha ayaa  qaybka ah socdaal  5maalmood oo booqasho ah oo  uu ku  marayo  qaarka mid ah wadamada  qaarada Africa ku yaala  isaga oo  socdaalkiisan oo ah kiisii ugu horeeyay ee uu ku yimaado wadanka itoobiya Xoghayaha arimaha dibada ee  dalka maraykanka ayaa waxaa la rajaynayaa in uu kulan wada hadalo ah  la qaato  masuuliyiinta ugu saraysa JDFI,  masuuliyiin sare oo labada dhinaca ah iyo xubno kale oo ay ka wada hadlidoonaan arimha geeska Africa. sidoo kale waxay masuuliyiintu ka wada hadlidoonaan dhianca maalgashiga iyo doorka ay maalqabeenada maraykanku ku leeyihiin sacterka  maalgashiga iyo sidii loo dhiira galinlahaa maalgashadayaasha.

Wadamada itoobiya iyo markaykanka ayaa si qota  dheer uga wada shaqeeya taaba galinta danaha labada dal iyo arimaha bulshada sida caafimaadka waxbarashada, beeraha iyo iskaashiga ka wadashaqaynta arimaha nabadgalyada ee  guud ahaan geeska Africa Waxaa kal oo la filayaa inta aanu xoghayuhu u  kicitimin wadamada jabuuti, kenya iyo nayeeriya  in uu la kulmidoona madaxda midowga Africa oo uu ugu horeeyo  gudoomiyaha midowga Africa mudane Mussa   Faki 

Munaasabada Maalinta Haweenka Aduunta Oo Si Qurux Badan Looga Xusay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),khamiis, 8da March, 2018. Waxaa maanta guud ahaanba caalamka laga xusay munaasabada 107 aad  maalinta haweenka aduunka oo ku beegay 8da March , 2018, taasi oo dalkeena itoobiyana laga xusay munaasabadan maanta markii 41aad.

Munaasabada maalinta haweenka aduunka oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaa ka dhacday hoolka shirarka ee SMCX ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo raxma suldaan  maxamuud haybe, wasiir ku xigeen  caafimaadka DDSI mudane caydaruus axmed, maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane ibraahin maxamuud mubaarik masuuliyiin heer deegaan ah , odayaal, culimo awdiinta iyo marti sharaf kale.

Haddaba, munaasabadan oo halku dhig looga dhigay” ka qaybgal iyo  abaabul xoogan ayaan ku xaqiijinaynaa  ka faa’iidaysiga haweenka” waxaa ugu horayntii ka hadlay, munaasabadan waxaa ugu horayntii ka hadlay maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarik oo tilmaan dheerka bixiyay doorka ay haweenka DDSI ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban wuxuuna sheegay maayirku in ay munaasabada xuska maalinta haweenka aduunku ku soo beegan tahay xuska sanad guurada 20aad ee XDSHSI oo xaqiiyay hirgalinta qorshayaasha horumarineed nabadgalyo iyo maamulka suuban.

Dhankeeda wasiirada arimaha haweenka iyo  caruurta DDSI   marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo ugu horaynti  xuska maalinta haweenka aduunka ee 8 March 2018 guud ahaan haweenka deegaanka soomalida itoobiya,waxayna si qoto dheer uga warbixiysay taariikhda iyo sooyaalkii ay soo mareen haweenka iyada oo sheegtay in ay haweenka deegaanka soomalida itoobiya  soo mareen cadaadisyo farabadan oo kaga iman jiray dhinaca dhaqanka,siyaasada ,ka qaybgalka bulshada iyo waxbarashadaba wasiirka ayaa sheegtay in halgan dheer ka dib la suurta galiyay in haweenka DDSI si meeqaam sare ah uga qayb-qaataan hirgalinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban wasiirka  ka warbixisay sida XDSHSI iyo xukuumada DDSI u ilaalisay xuquuqaha haweenka deegaanka iyo ka qaybgalinta arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha

Sidoo kale waxaa ka hadlay xuska maalinta haweenka aduunka gudoomiyaha golaha sare ee arimaha islaamka deegaanka mudane sheikh cabdiraxmaan xasan xuseen iyo qaarka mid ah odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan xuska maalinta haweenka aduunka waxayna sheegeen in ay ku soo hagaagtay xili haweenka deegaanka si balaadhan uga qayb-qaataan hirgalinta qorshayaasha horumarineed nabadgalyo iyo maamulka suuban.

Ugu dambayntii waxay ka soo qaybgalayaashii munaasabadan ku xuseen dhiig shubid ay ugu talagaleen in ay dhiigood bulshada deegaanka ee u baahan in  dhiig loog loo shubo

20ኛው አመት የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. ምስረተ በዓል በጅግጅጋ ከተማ በአማረና በደመቀ ሁኔታ ተከበረ

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)ሀሙስ፤የካቲት 28/2010ዓ.ም. ይህ የኢትዮጵያ ሶማሊ ህዝብ ዴሞክራሲያዊ ፓርቲ (ኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.) 20ኛው አመት ምስረተ በዓል በክልሉ ርዕሰመዲና ጅግጅጋ ከተማ በሰይድ መሀመድ አብዲሌ አደራሽ “ህዝባዊነትን መስረት ያደረጉ ድርጅታዊ የሥራ ህደት አላማችን ለአንድነታችንና ለህዳሴያችን መሰረት ነው”! በሚል መሪ ቃል  በአማረ መልኩ ተከብሯል።

ከዚህ ጋር ተያይዞ በ2010ዓ.ም. ከወረሃ የካቲት መጀመሪያዎቹ ሳምንታት ጀምሮ በሁሉም የኢትዮጵያ ሶማሊ ክልል ከተሞች፤ገጠር አከባቢዎችና ባህር ማዶም ፤በሁሉም የድርጅቱ ደጋፊዎች፤አባላትና በሁሉም የድርጅቱ መካከለኛና ከፍተኛ  አመራሮች  ለኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. 20ኛው አመት ምስረተ በዓል ምክንያት በማድረግ በተለያዩ መልኩ ሲከናወኑ የነበሩ የፓርቲው 20ኛው አመት ምስረተ በዓል ዝግጅቶች ተጠናቅቆ በዛሬ በየካቲት 28 ቀን ቀንን በክልሉ ዋና ከተማ በጅግጅጋ  በሰይድ መሀመድ አብዲሌ ሀሰን አደራሽ በደመቀት ተከብሯል።በዝክረ በዓሉ ላይም የድርጅቱ ከፍተኛ አመራር የፓርቲው ሊቀመንበርና የክልሉ ም/ቤት አፈጉባኤ ጓድ መሀመድረሺድ ኢሳቅ ኢብራህምና የድርጅቱ ም/ሊቀመንበርና የክልሉ መንግስት ርዕሰመስተዳደር ጓድ አቶ አብዲ ሞሀሙድ ኡመርን ጨምሮ የሀገሪቱ ብሔራዊ እህት ስርጅቶች ተወካዮች እንድሁም የክልሉ ም/ፕሬዝዳንቶች፤የድርጅቱና የክልሉ ቀድሞ ሃላፊዎች፤የመንግስት ሰረተኞችና ደጋፊዎች፤የክልሉ ሀገር ሽማግሌዎችና ሌሎች ጥሪ የተደረገላቸው ክቡር እንግዶችም ታድመዋል።

 

በፓርቲው 20ኛው አመት ምስረተ በዓል ላይ  የመክፈቻ ንግግር ያደረጉት የድርጅቱ ሊመንበርና የክልሉ አፈጉባኤ ክቡር አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ  በመጀመሪያ ደጋፊዎችና አባላት በሀገር ውስጥም ሆነ በባህር ማዶም የኢንኳን አደረሳችሁ መልዕክታቸው ያስተላለፉ ሲሆን  “ድርጅቱ ባለፈው 10አመታት የፓርቲው ስያሜ ለውጥ ከተደረገ በሆላ በክልሉና ብሎም  በሀገሪቱ ሁለንተናዊ የልማት ስራዎች ለውጥ ማምጣት ማስቻሉና  በተለይ በሁለተኛው የክልሉ እድገትና ትራንስፎርሜሽን እቅድ ተግባራት በታቀዱና በታለሙበት አላማ ለመሳካትና ከዳር ለማድረስ ኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. በከፍተኛ ደረጃ እየተረባረበ የሚገኝ ህዝባዊ ፓርቲ ነው” ብሏል። አያይዞም የሀገራችን አንደኛ ዋነኛ ጠላት የሆነው ደህነትን ለማዋጋት የክልሉ መሪ ድርጅት ኢሶህዴፓ በ1ኛ፤2ተኛና 3ኛ ደረጃም ያስቀመጠው ልማታዊ ስተራቴጂዎችና አቅጣጫዎች በክልሉ የሚገኘው የተፈጥሮ የከርሰ ምድርና የምድር ውሃ ሀብታችን አቅማችን በፈቀደው ያህል በአግባቡ መስራትና አርብቶአደሩና ከፍል አርሶአደሩ ህዝብን ተጠቃሚ ማድረግ መሆኑንም ሊቀመንበሩ አብራርቷል። በተያያዜም  ኢሶህዴፓ ባለፈው አምስተ አመታት  ውስጥ በክልሉ ውሃ ሀብት ዘርፍ በርከት ያሉ ተግራት በማከናወንና የክልሉ ህዝብ ተጠቃሚ በማድረግ አመርቂ ስኬቶችና የህዝቡ ጥያቀ በትክክል የመለሱ ለውጦችን ያስመዘገበ ድርጅት መሆኑንም ሊቀመንበሩ አስረድቷል።በተጨማሪም ጓድ መሀመድረሺድ ኢሳቅ  ኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. በኢኮኖሚያዊ፤ማህበራዊ፤ፖለቲካዊና በመልካም አስተዳደር እንደሁም የዴሞክራሲ ሥርዓት ግንባታ መሰረት ያደረጉ የህብረተሰቡ ጥያቄዎችን የሚመለሱበት ፖሊሲዎችና ስተራቴጂዎችን ተጠናክሮ እንደሚቀጥሉም ተናግሯል።

በሌላ በኩል በክብረ በዓሉ  ላይ ንግግር ያደረጉት የኢሶህዴፓ ም/ሊቀመንበርና የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት ጓድ አብዲ መሀሙድ ኡመር በመጀመሪያ መላው የድርጅች አባላትና ደጋፊዎች በአገር ዉስጥም ሆኑ በውጭ  ለ20ኛው ጊዜ የሚከበረውን የድርጅቱ ምስረተበዓል የእንኳን አደረሳችሁ መልዕክታቸው አስተላልፏል። በመቀጠልም ለድርጅቱ መስራች ወጣት ታጋዮች ለድርጅቱ የከፈሉት መጸዋትነት ጀግንነት በተሞላበት መልኩ  ባካሄዱት ትግልን የላቀ ምስጋና አቀረቧል፡፡ ም/ሊቀመንበሩ ዓሉን አስመልክቶ በላፉት 20 አመታት ድርጅቱ ያሳለፈው የትግል ዘመን ያጋጠሙት መስናክሎችና ፈታኝ ተግባራት እንዲሁም በፓርቲው ትግል ለመሳካት የተጠቀሙት ድርጅታዊና ታሪካዊ ሰልቶች ለሚዘከሩ መሆናቸውና በድርጅቱ ታሪክ መዝገብ መካተት ያለባቸው ጠንካራ ስትራቴጅዎች እንደሆኑም አብራርቷል።አያይዞም ለወደፊት የድርጅቱ ተተኪ አመራር ልምድና ትምህርት የሚቀሰሙበት ስለሆኑ የክልሉና የድርጅቱ አባል ወጣቶች በእንዲህ አይነት ድርጅታዊ መድረኮች ለተሞክሮ ማሳተፍ አስፈላጊ መሆኑንም ክቡር አብዲ መሀሙድ አስታወቋል።በመሆኑም አሁን ድርጅቱ የደረስንበት የሰላም፤ የልማትና የመልካም አስተዳደርና የዴሞክራሲ ስርዓት ለማስፈንና የድርጅቱ አማላዎች ለማሳካት የተደረጉ ጥረቶች  ቀላል የማይባሉ ፈተናዎች እንደ ነበሩና ሁላችንም የከፈልነበት ታሪካዊ መፀዋትነት ዉጤት እንደሆኑ ከመግለጻቸው ባሻገር ለወደፊትም የክልላችን ህዝብ ለዘመናት ስያሰቃይ ነበረውን የደህነት ተራራዎች ለማፍረስ የድርጅቱ አባላትና ደጋፊዎችን ትልቅ ሥራ  መስራት ይጠብቅብናል ብሏል  የፓርቲው ም/ሊቀመንበር።

በተጨማሪም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል “ከ10አመታት በፊት ሰላም የቀራው፤ልማት የናፈቀውና በሙስና አሰራር ምንም ለውጥ ሳያሳይ በስም ብቻ ያለ ክልል እንደነበረ ነው ያነሱት የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. ም/ሊቀመንበርና የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ሲሆኑ የቀድሞ የመሪ ድርጅቱን ስያሜ(ሶህዴፓ) መቀየር ያስፈለገበትም ምክንያት በተለያዩ ሀገራት ከሚኖሩ የሶማሌ ድርጅቶችና ብሔረሰብን ለመለየትና ራስን በሚገባ ተገንዝቦ እና ለይቶ የልማት ፖሊሲዎችና አቅጣጫዎችን ለመንደፍ ሲባል ነው” ብሏል።በተያያዜም የኢሶህዴፓ ባለፉት 20 አመታት በተለይም ድርጅቱ የስምና የአርማ እንድሁም አጠቃላይ የክልሉ ስም ለውጥ አደርጎ ከተንቀሳቀሰበት ወቅት ጀምሮ የክልሉ ህብረተሰብ አሳታፊና ተጠቃሚ በማድረግ የታዩ ሁለንተናዊ የልማት ስኬቶች በክልሉ ህዝብና በውጭ አገራት የሚኖሩ የክልሉ ተወላጆች የበለጠ ኢትዮጵያዊነት ስሜት ያሳደሩት ለውጦች ተጠናክሮ እንድቀጥሉ ክቡር ፕሬዝዳንቱ የገለፁ ሲሆን በጅግጅጋ ከተማ የተከበረው የኢ.ሶህ.ዴ.ፓ.20ኛ አመት ምስረተ በዓል በቀጣይ በክልል ደረጃ በድምቀት ተባብሮ እንደሚውልም አስታውቋል።

በሌላ በኩልም የቀድሞ የድርጅቱ አመራሮችና የክልል ርዕስተዳደሮች የነበሩት ነባር ታጋዮች ክልሉ በእነሱ ወቅት የነበው ስርዓትና የክልሉ እድገት ደረጃ ኣና በአሁኑ የተመዘገቡት ዘርፈ ብዙ የሰላም ፤ የመስረተ ልማትና የመልካም አስተዳደር ድሎች ትልቅ ለውጥ እንደለ አስመስክረዋል፡፡በተያያዜም በ20ኛው የኢ.ሶህ.ዴ.ፓ.ምስረተ በዓል መድረክ በክቡር እንግዳነት የተጋበዙና የተሳተፉ  የቀድሞ የድርጅቱ ሊቃነ መናብርትና በተለያየ ወቅቶች የክልሉ ርዕሳን መስተዳደሮች  የነበሩት ነባር ታጋዮች አዲሱ የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. አመራሮች በክልሉ ሁለንተናዊ የልማት ስኬቶች በማስመዝገባቸውና የክልሉ ህዝብ ተጠቃሚ ማድረጋቸው ደስተኛ መሆናቸውን በመግለፁ፤የድርጅቱ አባላትና ደጋፊዎች  ክልሉ በአሁኑ ወቅት የደረሰበት ዘርፈ ብዙ የእድገት ዉጤቶችን ወደ ላቀ ደረጃ ለማድረስ መዘንጋት እንደሌለባቸውና ድርጅቱ ከቅርብ ጊዜያት ወዲህ የጀመው የለውጥ ትግሉን እንዲቀጥሉበት በማሳሰብ የአባትነት ምክር መልዕክታቸውን አስተላልፏል፡፡  

በመጨረሻም ባለፉት 20 አመታት በድርጅቱ የልማት ትግል ጊዜያት እንደ ትልቅ መሣሪያ ሆኖ በወቅቱ የነበሩት ፈታኝ ሥራዎች ለማሸነፍ በአርቲና ጥበብ ካገዙት የክነጥበብ ቡዱኖች በማወዳደር በ20ኛው የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.ምስረተ በዓል መድረኩ ላይ ለአሸናፊዎችን የተለያዩ ሽልማቶች ተበርክቶላቿል። የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.20ኛው አመት ምስረተ በዓል ሥነስርዓትም “ህዝባዊነትን መስረት ያደረጉ ድርጅታዊ የሥራ ህደት አላማችን ለአንድነታችንና ለህዳሴያችን መሰረት ነው! የሚል መፈክር ተደምድሟል።

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>