Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Shir Kusaabsan Kafaa’iidaysiga Fursadaha Shaqo Oo Loo Qabtay Ururada Fadareeshinka Dhalinyarada Gobolka Faafan

$
0
0

Awbare(cakaaranews)Axad, 1da April 2018. Waxaa degmada Awbare ee katirsan Gobolka faafan ka qabsoomay shir ay kasooqayb galeen mas’uuliyiinta gobolka faafan iyo waliba ururada dhalinyarada ee federeeshinka Gobolka faafan. kaasoo u jeedadiisu ahayd sii xoojinta arrimaha kaqaybgalka dhinacyada horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka-suuban iyo waliba sidii dhalinyaradu uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha shaqo islamarkaana uga midho dhalin lahaayeen shaqo abuurkii dhawaan xukuumadu usamaysay.

Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Faafan Mudane Cabdiwali Maxamed Faarax oo sheegay in shirkani ahaa mid wada tashi ah islamarkaana kusaabsan sii xoojinta arrimaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban. wuxuuna intaas kudaray gudoomiyuhu in shirkan ay u dhanaayeen dhamaan ururada federeeshinka gobolka faafan. Wuxuuna xusay in shirkan si wayn loogaga wada tashaday sidii ay dhalinyardu uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha shaqo ee deegaanka kajira islamarkaana ay uga midho dhalin lahaayeen shaqooyinka ay gacanta kuhayeen ee hada kahor xukuumadu shaqo abuurka ugu samaysay. Sidookale masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in kulankani ahaa shirwayne kaasoo si cadaalad ah loogu doortay labo gudi oo kala ah gudiga fadareeshinka dhalinyarada gobolka faafan iyo gudiga federeeshinka ciyaaraha.

Dhankakale, qaarkamid ah dhalinyaradii kasoo qaybgashay shirwaynahan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin shirwaynahan islamarkaana doorosho cadaalad ah ay kudoorteen labo gudi oo kala ah gudiga federeeshinka dhalinyarada iyo gudiga federeeshinka ciyaaraha. Waxayna dhalinyaradu tilmaameen in shirkan ay faa'iido badan kasoobixi doonto islamarkaana dhalinyardu ay kusii xoojin doonto kafaa'iidaysiga fursadaha shaqo iyo kamidho dhalinta shaqo abuurkii loo sameeyay dhalinyarada.

Iskusoowada duuboo, shirkan oo ay udhanaayeen ururada fadareeshinka ee dhalinyarada gobolka faafan ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan oo farxadi kudheehan tahay.


Degmada Feerfeer Iyo Xarun Caafimaad Oo Cusub Oo Xadhiga Laga Jaray

$
0
0

Feerfeer(cakaaranews)Axad, 1da April 2018. Mas’uuliyiin isugu jira heer gobol iyo heer degmo ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray xarun caafimaad oo cusub. Taasoo laga dhisay  senterka baar-magoog ee hoosyimada degmada feerfeer ee gobolka shabeele.

Hadaba, xadhig kajarkan xarunta caafimaadka oo uu xadhiga kajaray Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Shabeele Mudane Nuur Xayir Qaasim oo ay waheliyaan maamulka degmada feefeer ayaa xadhig kajarka kadib lahadlay bulshadii kasooqaygashay xaflada islamarkaana sheegay in xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI ay dadaal ugu jiraan kajawaabida baahiyaha bulshada ee ay ugu horeeyaan adeegyada aas-aasiga ahi ee uu kamid yahay caafimaadku. Wuxuuna intaa kudaray in xaruntan caafimaadka ee cusub ay tahay mid aad muhiim ugu ah bulshada kudhaqan senterka baarmagoog iyo nawaaxigiisaba. Wuxuuna tilmaamay in xaruntan loo soo dhamystiray dhamaan adeegyadii daawaynta, dhakhaatiirtii, xirfadlayaashii iyo gaadiidkii anbalaaska. Wuxuuna kula dardaarmay bulshada kudhaqan senterkaas in xaruntan caafimaadku ay u tahay horumar balaadhan oo ay maanta nasiib uheleen islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in ay ilaashadaan.

Sidookale, Gudoomiyaha Degmada Feerfeer Mudane Maxamed Cabdi Cabdulaahi Iyo Madaxa Xafiiska Caafimaadka Degmada Feerfeer Mudane Mahdi Cali Xasan oos heegay in senterkan uu yahay senterka ugu balaadhan senterada hoos yimaada degmada islamarkaana ay hoosyimaadan tuulooyin badan. Wuxuuna intaas kudaray in senterkan ay xarun caafimaad ugu dhawayd xarunta caafimaadka ee kutaala degmada feerfeer iyo waliba senterka buur-cukur oo isna ujira oo aad uga fog. Waxayna tilmaameen in xaruntan caafimaadka ee laga dhsiay senterkan ay waxwayn katari doonto dhanka bahida adeega caafimaad ee haystay bulshada kudhaqan senterka baar-magoog.

Ugudanbayna, bulshadii kasooqaybgashay xadhig kajarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay ad ugu faraxsan yihiin xaruntan caafimaadka ee looga dhisay tuuladooda islamarkaana ay karaysanayaan dhibaatooyinkii kahaystay dhanka caafimaadka.

ESRS DIASPORA COMMUNITY IN AUSTRAILIA HAVE CELEBRATED THE 20TH ANNIVERSARY OF ESPDP

$
0
0

Melbourne (Cakaaranews) Sunday, April 1st, 2018.  ESRS Diaspora Community in Melbourne  Australia  have Hosted the 20th anniversary of Ethiopian Somali peoples democratic party(ESPDP)

Ethiopian Somali regional Diaspora Community in Australia have organized a Colorful Events To Mark the 20th anniversary of ESPDP, the Community Have Invited Other Community Leaders  and all its Members to Participate This Historical Events

On the other side The advisor of ESRS president towards Complaints  and Diaspora bureau  head Mr. Abdirazak Sahane  Have Participated the Event Via Telephone Conference Having Informed The Australian Somali diaspora Community  About The Regional Developments reached in a few years of different sectors such as pure water, food security, Road infrastructures, modern bridges, Agricultural Developments, health accesses  and improving educational Levels.

ESRS Diaspora bureau head Have also Briefed to the Community about The Achievements of ESPDP for the past 10 years in accordance of Housing, Job creation for the Youth and women empowerments as well as general developments of basic infrastructures of the societies life. Mr Abdirizak have added that the Regional Government achieved successfully in   public relations by communicating in and outside of the Country to be connected and engage The Diaspora Community in Investing their Region

Finally The bureau head have Deeply and sincerely Appreciated   the Ethiopia Somali Diaspora community in Australia and those Around The world for their Support  to their  Regional Government and The Party also.

ESRS Diaspora Head have Sent a General message to the Diaspora Community  living in and Around the world To speed up their efforts and supports to stand with their  government and Party,  and to invest back their Motherland

In the end, the Somali diaspora community of Australia thanksgiving to the head for his precious time pledged that they will continue their support and fill their position toward the region’s tremendous achievements in everywhere.

 

MW CMC Oo u baxay xarunta Dalka ee Adis Ababa

$
0
0


Addis-ababa(Cakaaranews) Axad, 01 Aprl 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kusugan xarunta dalka ee magaalada addis-ababa  iyagoo  halkaas kaga qaybgalaya shirka Golaha Wakiilada Shacabka ee JDFI ee lagu Dhaarinayo Rayiswasaaraha cusub ee Dalka Dr. Abiyu Ahmed iyo munaasabada Caleema Saarkiisa.   

Dr. Abiyi Ahmed Oo Ay Golaha Wakiilada Shacabka Ee JDFI U Ansixiyeen RW Dalka Loona dhaariyey Xilka Raysal-wasaarenimada Dalka.

$
0
0

Addis Ababa(cakaaranews)Isniin, 2da April, 2018. Golaha wakiilada shacabka ee JDFI ayaa fadhi ay yeesheen maanta Dr. Abiyi Axmed u ansixiyay xilka raisal wasaarenimada cusub ee dalka inuu hogaanka uqabto kadib markii ay golaha xisbiga EPRDF udoorteen Dr. Abiyi gudoomiyaha xisbiga EPRDF. Waxaana soo dhigay isagoo taariikhdiisa kasheekeeyay madaxa xarunta dhexe ee xisbiga EPRDF mudane Shiferaw Shigute oo golaha sharafta leh kacodsaday inay ansixiyaan.

Hadaba kalfadhigan oo uu shir gudoominayay afhayeenka golaha wakiilada shacabka ee JDFI mudane Abadula Gemeda ayaa Ansixinta golaha wakiilada kadib waxaa loo dhaariyay Dr. Abiyi jagada raisal wasaarenimada dalka inuu hogaanka uqabto iyadoo uu raisal wasaarihii hore ee dalku mudane Hailemariam Desalegn uu si sharaf leh xilkii raisal wasaaranimada halkaasi ugu wareejiyay Dr. Abiyi Axmed.

Hadaba Raisal wasaaraha cusub oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey wasaaradiisa ayaa waxaa munaasabada soo dhawaynta raisal wasaaraha cusub kasoo qaybgalay raisal-wasaarihii hore ee xilka wareejiyey mudane Hailemariam desalegn, Iyo Marwadiisa marwo Roman Tesfaye, Masuuliyiin sare oo xukuumada JDFI kasocday, diblamaasiyiin, marwada 1aad ee wadanka marwo zinaash taayaajew iyo mas’uuliyiin kale.

Dhan kale raisal-wasaarihii hore ee wadanka Mudane Hailemariam desalegn ayaa raisal-wasaaraha cusub kusoo wareejiyey wasaaradiisa iyo waaxaha kaladuwan ee ay kakooban tahay.wuxuuna mudane Hailemariam desalegn cadeeyey inuu raisal-wasaaraha cusub Dr abiyi axmed uu ulashaqayn doono si kago’naansho iyo cadcadaan kudheehan tahay islamarkaana uu taageero gaar ah siin dooono.

Sidoo kale raisal-wasaarihii hore ayaa sheegay inuusan xilka raisal-wasaarenimadu uusan ahayn mid si fudud looga gudbi karo hase yeeshee uu masuulka naftiisa uhura uu si fudud uga soo bixikaro.wuxuuna intaas kudaray, inkasta oo ay masuuliyada ugu wayn  abiyyi ahmed saaran tahay haddana inuu diyaar uyahay inuu xili walba iyo meelwalba oo uu joogaba uu raisal-wasaaraha cusub kacaawin doono shaqo walba islamarkaana uu garab istaagi doono.

Dhanka kale raisal-wasaaraha cusub Dr abiyi ahmed ayaa isna dhankiisa sheegay inuu sharaf iyo karaamo dheeraad ah uhayo mudane Hailemariam desalegn, islamarkaana uu mahad naq balaadhan usoo jeedinayo raisal wasaarihii hore maadaama uu xiligii ugu adkaa siyaasada wadanka soo hogaamiyey si xilkasnimo lehna uu uga soo baxay waajibaadkii loo idmaday.

Sidoo kale raisal-wasaare Abiyyi ahmed ayaa cadeeyay inuu doonayo inuu noqdo masuul kudayda mudane Hailemariam desalegn maadaama uu xilka uwareejiyey si nabadgalyo iyo dimuqraadiyad buuxda leh oo rabitaankiisa ah,islamarkaana uu jecelyahay inuu isaguna xilka uwareejiyo sida Raysal-wasaarihii hore oo kale.wuxuuna masuulku intaa kudaray inuu xilka iyo waajibaadka shacabka iyo dawlada uga soo bixi doono si xilkasnimo leh.

 Ugu dambayna kadib markii uu Raisal-wasaarihii hore mudane hailemariam desalegn xilka raisal-wasaarenimda kuwareejiyey masuulka cusub islamarkaana uu soo kalabaray  Qaybaha kaladuwan ee xafiiska Raisal-wasaaraha ayuu raisal-wasaaraha cusub Dr abiyyi ahmed udiyaariyey xaflad sagootin  ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isagoo Dr abiyyi mahadnaq balaadhan usoo jeediyey mudane Hailemariam desalegn.

 

Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Canada Oo Si Heer Sare Ah U Xusay Sanadguurada 20aad Ee XDSHSI

$
0
0

Canada(Cakaaranews) Isniin, 2da April 2018. Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta jaaliyada DDSI ee wadanka canada, xubnaha jaaliyada iyo muwaadiniinta ku dhaqan wadanka Canada  ayaa ka qabsoomtay magaalada tronto ee caasimad wadanka Canada.

Hadaba lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska qurba-joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo khadka telefonka kagaqaybgalay munaasabadan ayaa uga horayn ooga mahadceliyay dhamaan kasoo qaybgalayaasha munaasabadan sida quruxda badan ee ay usoo agaasimen islamarkaana ooga warbixiyay in dhamaan guulo wax ku ool ah lagasoo hoyiyay jihooyinka horumarineed ee ay xukuumadu dajisatay gaar ahaan dhinacyada Biyaha, jidadka iyo buundooyinka ,beeraha, caafimaadka, waxbarashada, dibudajinta, shaqo abuurka dhalinyarada iyo haweenka iyo guud ahaanba horumarinta kaabayaasha aas-aasiga ah ee nolosha bulshada, Wuxuuna intaa kudaray in xukuumadu ay guulo balaadhan kasoo hoyisay dhanka xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibadba iyo kor uqaadida maalgashiga qurba-joogta deegaanka.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay mas’uuliyiinta jaaliyada DDSI ee wadanak Canada iyo qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha munaasabadan oo sheegay guulihii iyo waxqabadkii ay xukuumadu iyo xisbigu kasoo hoyiyeen deegaanka10kii sano ee u danbeeyay waxayna intaa ku dareen in ay sii laba jibaari doonaan dadaalkooda iyo taageerida ay la garabjoogaan xisbiga iyo xukuumada islamarkaana ay ka qaybqaadan doonaan horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hanaqaaday deegaanka.

በግብርናና በምግብ ዋስትና አመርቂ ውጤቶች ያስመዘገቡ ሞዴል ሴት አርሶ አደሮች በድሬደዋ ከተማ ሽልማት ተበረከተላቸው

$
0
0

ድሬደዋ(Cakaaranews) ሰኞመጋቢት 24/2010በግብርናዘርፍተሰማርተውሃብትያፈሩና ከኢትዮጵያ ሶማሌ ፤ ከድሬደዋ መስተዳድርና ከሐረሪ ክልሎችና የተወጣጡ  ሞዴል ሴት አርሶአደሮች በድሬደዋ ከተማ ተሸለሙ።

የሽልማት ስነ-ስርዓቱ በጋራ ያዘጋጁት የኢ.ፌ.ደ.ሪ. ግብርናና ተፈጥሮ ሀብት ሚኒስቲሪ፣ ኦክስፎምና ሴራ ሀገር በቀል መንግስታዊ ያልሆነ ድርጅት በጋራ በመተባበር ስሆን ይህ ሽልማት መድረክ በየ አመት የሚደረግና ዋና አላማው ደግሞ ሴት አርሶ አደሮችን ለማበረታታት እንድሁም በእነርሱአርዓያየሚሆኑአርሶአደሮች የመሪነትሚና እንድኖራቸው ከግምት በማስገበት ነው፡፡

 በተጨማሪም በመድረኩ መክፈቻ ላይ ንግግር ያደረጉት የድሬደዋ መስተዳድር የህብረት ስራ ማህበራት ኤጄንሲ ዋና ስራ አስኪያጅ አቶ ገበየው ጥላሁን  በመጀመሪያ ከድሬደዋ መስተዳድር፣ ከሀረሪ ክልልና ከኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የተወጣጡ  ሞዴል ሴት አርሶአደሮችን የእንኳ ደህና መጣቹ መልዕክታቸዉን በማስተላለፍ ሞዴል ሴት አርሶአደሮችበግብርናና በምግብ ዋስትናዘርፉባስመዘገቡትየላቀአፈጻጸምና ላበረከቱት አስተዋጸኦ በድህነት ለይ የተጀመረዉን ትግል ማሰያ መሆናቸውን  ገልጿል፡፡ 

 

በመሆኑም ከኢትዮጵያ ሶማሌ፤ከድሬደዋ መስተዳድርና ከሀረሪ ክልሎች የተወጣጡ  ሞዴል ሴት አርሶአደሮች በግብርናው ዘርፍ ላስመዘገቡት ስኬቶች አስመልክቶ የገንዘብና የእውቅና ሰርተፊኬት ተበረክቶላቸዋል፡፡ 

በአጠቃላይ በግብርናው ዘርፍ አመርቂ ውጤቶች ያስመዘገቡ ሞዴል ሴት አርሶአደሮችበመንግስት ደረጃ በመሸለማቸውየተሰማቸዉን ደስታ በመግለፅ ሽልማቱ የበለጠ እንደሚያበረታታቸውም አብራርተዋል፡፡

የኢፈዴሪ የህዝብ ተወካዮች ም/ቤት ሁለተኛው አስቹኳይ ስብሰባቸው ዶር አቢይ አህመድ የሀገሪቱ ጠቅላይ ሚንስትር አደርጎ ሰይሟል

$
0
0

አዲስ አበባ(Cakaaranews)ሰኞ፤ መጋቢት 24፣ 2010 ዓ.ም.የኢህአዴግ ምክርቤት ዶር አቢይ አህመድ የድርጅቱ ሊቀመንበር አደርጎ መምረጣቸውን ተከትሎ የኢህአዴግ ማዕከላዊ ኮሚቴ ጽ/ቤት ሃላፊ ክቡር አቶ ሽፈራው ሽጉጤ የዶር አቢይ አህመድ ህይወት ታሪክና የስራ ልምድ  ለኢፈዴሪ የህዝብ ተወካዮች ም/ቤት ሁለተኛው የአስቹኳይ ስብሰባ በማቅረብና ዶር አቢይ አህመድ ለሀገሪቱ ጠቅላይ ሚንስትርነት እንድሰየሙ ከጠየቁ በሆላ የህዝብ ተወካዮች ም/ቤት አባላቱ  ዶር አቢይ አህመድ የኢፈዴሪ ጠቅላይ ሚንስትር አደርጎ ሰይሟል።                                         

በህዝብ ተወካዮች ምክር ቤት የነበረው ቆይታ እንደተጠናቀቀም ለአዲሱ ጠቅላይ ሚኒስትር አብይ አህመድ አቀባበል ስነ ስርዓት በጠቅላይ ሚንስትር ጽህፈት ቤት ተካሂዷል።

በአቀባበሉ ላይም የቀድሞው ጠቅላይ ሚንስትር ኃይለማርያም ደሳለኝና ሌሎች ከፍተኛ ባለስልጣናትን ጨምሮ የጠቅላይ ሚንስትሩ ባለቤት ቀዳማዊት እመቤት ወይዘሮ ዝናሽ ታያቸውም ተገኝተዋል።የቀድሞው የኢፌዴሪ ጠቅላይ ሚኒስትር አቶ ኃይለማርያም ደሳለኝ በፅህፈት ቤቱ ውስጥ የሚገኙ የተለያዩ ቢሮዎችን አዘዋውረው አስጎብኝተዋቸዋል።

የቀድሞው የኢፌዴሪ ጠቅላይ ሚኒስትር አቶ ኃይለማርያም ደሳለኝ በዚሁ ወቅት ባደረጉት ንግግርም፥ በቀጣይ ጊዜያት ጠቅላይ ሚኒስትር አብይን በሙሉ ልብ እንደሚደግፉ አስታውቀዋል።

ጠቅላይ ሚኒስትርነት ቀላል የሚባል ኃላፊነት አይደለም ያሉት የቀድሞ ጠቅላይ ሚኒስትሩ፥ መሰዋዕትነትን ለመክፈል ለተዘጋጀ ሰው ግን በቀላሉ ማለፍ ይቻላል ብለዋል።

ዋናው ኃላፊነት የጠቅላይ ሚኒስትር አብይ አህመድ ቢሆንም፤ አስፈላጊውን ትብብር እና እገዛ ግን በማንኛውም ጊዜ ለመስጠት ዝግጁ መሆናቸውን የቀድሞ ጠቅላይ ሚኒስትር አቶ ኃይለማርያም ተናግረዋል።

አዲሱ ጠቅላይ ሚኒስትር አብይ አህመድ በበኩላቸው፥ የቀድሞ ጠቅላይ ሚኒስትር አቶ ኃይለማርያም ይህችን ሀገር ለመምራት ከባድ የሃላፊነት ጊዜን አሳልፈዋል፤ ለዚህም ምስጋና ይገባቸዋል ብለዋል።

አቶ ኃይለማርያም ሰላማዊ የስልጣን ሽግግር በማድረግም አርአያ መሆን እንደቻሉ የገለፁት ጠቅላይ ሚኒስትር አብይ፥ እሳቸውም በዚሁ መልኩ የስልጣን ሽግግር ማድረግ እንደሚፈልጉ ገልፀዋል።

ህዝብና መንግስት የሰጣቸውን ኃላፊነት በአግባቡ ለመወጣት እንደሚሰሩ ነው የገለፁት።

በጠቅላይ ሚኒስትር ፅህፈት ቤት ተግኝተው ስራ መጀመራቸውን ተከትሎም የቀድሞው የኢፌዴሪ ጠቅላይ ሚኒስትር አቶ ኃይለማርያም ደሳለኝ አሸኛኘት ተደርጎላቸዋል።

 


New Health-center inauguration In Barmagog Kebele

$
0
0

feer-feer(Cakaaranews) Sunday, April 2nd, 2018. A new health-center built by regional state in barmagog kebele under feer-feer district of shabele zone was inaugurated today so as to cover the in need of health facilities for barmagog community and its suburb area.

This highly organized inauguration was attended by the Deputy governor of shabele zone Mr. Nur Kasim Hayir along with feer-feer district administrators and the residents of barmagog kebele.  

In the opening of the ceremony, Mr. Nur Kasim told to the participants of this inauguration specifically those of barmagog community that the state striving to respond people(s) needs carried out this hard work for the sake of barmagog community and its surroundings so as to get heals from the pre-existed health problems. He also mentioned in his inauguration speech that this medical center is vastly essential to the beneficiaries of barmagog since it is well staffed and equipped, "so benefiting its service everyone of the society is requested firstly to keep responsible and feel ownership. Mr. Nur said." furthermore, Mr. Nur requested the staff of the center to work frankly and flexible for their community and to be standby staff since health matters life.

Similar to that, the district administration chairman along with his officers expressed to the community that since they suffered long for health accessibility they were finally made  possible to have the treatments at their home so they should thank to their government.

Meanwhile, barmagog elders having heartily thanked the state for its quick feedback they all vowed that they will be the guardians of the medical center built for them in spite of feeling ownership.  

 Finally, the opening ceremony of the newly built barmagog health center under feer-feer woreda of shabele zone happily ended in smooth condition. 

MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado, 3da April, 2018.  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  oo uu weheliyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadib markii ay usoo dhamaatay kaqaybgalkii xaflada iyo casho sharaftii raisal wasaaraha cusub ee dalka Dr. Abiyi Ahmed.  Waxayna madaxwaynaha iyo afhayeenku soo gaadheen xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga xili galabnimo gaaban ah oo ay neecaw udgoon oo roob kada' aysay magaalada jigjiga.

Maamulka Gobolka Afdheer Oo Xadhiga Ka Jaray Rug Caafimaad.

$
0
0

Doolo’bay,(cakaaranews), Talaado, 3da April, 2018. Masuuliyiinta maamulka gobolka afdheer oo ay wehelinayaan masuuliyiinta degmada doolo bay ayaa xadhiga ka jaray Rug caafimaad oo laga hirgaliyay  tuulada madar oo ka tirsan degmada  doolo bay.

Haddaba xadhig ka jarka rugtan caafimaadka oo ay siwada jir ah xadhiga uga jareen gudoomiya gobolka afdheer mudane farxaan cabdi  maajuun oo ay wehelinayaan masuuliyiinta degmada doolo bay ayaa waxaa xadhig ka jarkii ka dib kula hadlay goobtaasi bulshada ka soo qaybgashay xadhig ka jarkan gudoomiyaha gobolka afdheer mudane farxaan Cabdi Maajuun  sheegay in xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI ay dadaal ugu jiraan kajawaabida baahiyaha bulshada ee ay ugu horeeyaan adeegyada aas-aasiga ahi ee uu kamid yahay adeega  caafimaadku. Wuxuuna intaa kudaray in rugtan  caafimaadka ee cusub ay tahay mid aad muhiim ugu ah bulshada ku dhaqan tuuladan madar iyo nawaaxigeeda  loo dhistay Wuxuuna kula dardaarmay bulshada ka faa’iidaysanaysa  xaruntan caafimaadku ay u tahay horumar balaadhan oo ay maanta nasiib uheleen islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in ay ilaashadaan.

Ugudanbayna, bulshadii kasooqaybgashay xadhig kajarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay ad ugu faraxsan yihiin rugta caafimaadka ee looga dhisay tuuladooda islamarkaana ay karaysanayaan dhibaatooyinkii kahaystay dhanka adeegyada caafimaadka intaasi ku dareen in ay ilaalshanayaan daryeelka iyo dayactirka rugtan caafimaadka.

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ወደ ክልሉ መዲና ተመለሱ

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ማክሰኞ፤መጋቢት 25/2010ዓም.የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመርና የክልሉ ም/ቤት አፈጉባኤና የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.ሊቀመንበር አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ በአዲሱ ጠቅላይ ሚንስትር የሹመት ሥነ-ስርዓት ላይ የነበራቸው ተሳትፎና በኢፈዴሪ ጠቅላይ ሚኒስትር ዶር አብይ አህመድ በብሔራዊ ቤተመንግስት የተደረገላቸው ልዩ የእራት ግብዣ ከተካፈሉ በኋላ ወደ ክልሉ መዲና የተመለሱ ሲሆን ዛሬ ከሰዓት በኋላ ጅግጅጋ ከተማ በዝናባማና ምቹ ኣየር በላበት ወቅት ላይ ነው የገቡት።

 

Fafan Zone Youth Consultancy conference In Benefiting Job Creations

$
0
0

Awbare(cakaaranews) Monday 3, April 2018. Fafan zone youth consultancy conference concerned youth's benefiting job creations and emphasizing youth's taking part in developmental affairs, security and good governance existing in Ethiopion somali region was held in awbare district under fafan zone.

This consultancy conference which was attended by the fafan zone administrators leading by fafan zone governor Mr. Abdiwali Mohamed Farah and intended to fafan zone youth federation organizations was mainly focused on the youth's taking part in the different multi sector available job-creations in zonal created to them by their state and  in order to fruitify this golden occasions.

The zone governor Mr. Abdiwali in the opening of his speech expressed to the youth that youth is so important to every aspect of fruitfull development and he advised them to get benefit these golden and vital jobs created to them in stead of wasting time meaninglessly due to the time counts persons' life span. He also reminded them that these precious opportunities were not existed before.

After the governor's speech, the conference started smoothly by sticking on its schedule and it was elected the zone's youth federation committee and also the zone's youth sport club committee.

In the final, some of the participant members who expressed their sentiment cheerfully figered out how the regional government is standing with them morally and materially day and night so as the youth improve and capacitate socially, politically and economically, and to get rid off job loser behavior. The youth also committed to play a golden role in intensifying developmental affairs, stability and good governance in their zone and at regional level. 

 

 

 

OGEYSIIS: Dhamaan Qurba-joogta DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 5ta, April 2018. Waxaa dhamaan qurba-joogta DDSI ee kunool dacalada dunideeda la ogaysiinayaa in wakaalada xidhhidhka arrimaha qurba-joogta DDSI la balaadhiyay oo laga dhigay xafiiska qurba-joogta DDSI, islamarkaana loo dhamaystiray dhamaanba shaqaalihii adeegbixinta ee loogu talagalay xafiiska lagunasoo kordhiyay gudiyo 24ka saacba joogto ku ah xafiiska oo 8dii saacba iskala badala, si ay adeeg hufan ugu bixiyaan qurba-joogta DDSI ee ku sugan dacalada dunida.

Sidaas darteed waxaa la ogaysiinayaa qurba-joogta DDSI ee dacalada dunida ee adeega uga baahan guud ahaanba deegaanka inay lasoo xidhiidhaan numberada gudiyadan ee hoos kuxusan kuwaas oo 24ka saacba heegan ku ah xafiiska. 

0252785569

0252784486

0252781279

WAFTI BALAADHAN OO KA KOOBAN QARAN-JOOG IYO QURBA-JOOG OO KU WAJAHAN SWEDEN

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 5ta April 2018. Wafti aad ubalaadhan oo ka kooban qaran-joog iyo qurba-joog DDSI ah  oo uu hogaaminayo wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane Khadar Cabdi Ismaaciil islamarkaana ay weheliyaan Cabdiraxmaan sheikh Xasan iyo Siyaad Axmed Carab ayaa ku wajahen shirka 7da April ka dhacaya magaalada stockholm ee caasimada wadanka Sweden,

Hadaba shirkan lagu taageerayo sanadguurada 20aad ee XDSHSI ayaa waxaa kasoo qaybgalaya dhamaanba jaaliyadaha DDSI ee wadamada iskaadaniifiyaanka iyo wadamada dariska la ahba.

Ugu danbayna munaasabadan lagu taageerayo sanadguurada 20aad ee XDSHSI ee 7da bishan April  ka dhacaya magaalada stockholm ee wadanka sweden ayaa waxaa masraxa daadihinaya fanaaniinta qarnigan ee kala ah fanaanada caanka ah ee Nicmo dareen, fanaanka soomaaliyeed ee Xasan Wado iyo dhaantoolowga qarnigan Cali Bashiir Cabdi Cali Dhaanto.


Shirkii Caadiga Ahaa Ee Golaha Kabaneega DDSI Oo Qabsoomay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 5ta April 2018. Waxaa xarunta madaxtooyada DDSI ka qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee golaha kaabaneega DDSI oo lagaga wada hadlayay ajandayaal ay kamid ahaayeen sii xoojinta dadargalinta shaqooyinka horumarineed, Nabadgalyo iyo maamulka suuban.

Haddaba shirkan golaha kaabaneega DDSI oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wuxuu madaxwaynuhu golaha kaabaneega usoo bandhigay ajandayaasha shirkan oo ahaa  sii xoojinta dadargalinta shaqooyinka horumarineed, Nabadgalyo iyo maamulka suuban iyo sidii loosii xoojin lahaa qaab dhismeedka xafiisyada heer gobol horay loogu daray ee sida xafiisyada Biyaha, Waxbarashada, caafimaadka iyo xafiiska CPA Kadibna golaha ayaa falanqeeyay islamarkaana fikiradooda kaladuwan ka dhiibtay, Waxaana la islaqaatay in maadaama oo uu sanadkan 2010TI uu gaba-gabo yahay la dardargaliyo shaqooyinka si looga midho dhaliyo wakhtigoodii ka horna loo dhameeyo qorshayaashii u yiilay xafiisyada kala duwan ee deegaanka.

Ugu danbayna wuxuu golaha kaabaneegu go’aamiyay in qaab dhismeedkii hore ee lagusoo kordhiyay xafiisyada heer gobol ee sida Biyaha, , Waxbarashada IYO caafimaadka ay muhiim tahay in maaliyada iyo CPA lagu daro xafiisyada heer gobol. Waxaana falanqayn iyo fikir iswaydaarsi kadib uu goluhu cod buuxa ku ansixiyay in xafiisyada maaliyada iyo CPA  lagu daro qaab dhismeedka heer gobol, si looga midha dhaliyo qorshaha kobaca dhaqaale ee wareega labaad ee u yaala dalka iyo deegaankaba  islamarkaana uu dalkeenu uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhex-dhexaadku yahay.  

 

Mas’uuliyiin Iskudhaf Ah Oo Kormeer Indho-Indhayn Ah Ku Gaadhay Goobaha Dajinta Ee Gobolka Shabeele Iyo Gobolka Afdheer

$
0
0

Beercaano(cakaaranews)Khamiis, 5ta April 2018.Masuuliyiin isugujira heer dal, heer-deegaan iyo heer gobol ayaa kormeer indho indhayn ah oo kusaabsan xaqiijinta iyo tayaynta adeeg bixinta ee goobaha dajinta kugaadhay sentarada iyo tuulooyinka ladajiyay bulshada ee hoosyimaada degmooyinka katirsan gobolka shabeele iyo Gobolka afdheer.

Hadaba, kormeerkan oo ahaa mid loo dhanaa islamarkaana uu horkacayo Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka Iyo Dooxooyinka DDSI Mudane Suldaan Maxamed Xasan ayaa warbaahinta deegaanka uwaramay ayaa sheegay in kormeerkani uu kuqotamay xaqiijinta xaalada guud ee bulshada dajinta, indho indhaynta waxsoosaarka beeraha iyo waliba indho indhaynta xaalada adeegyada aasaasiga ah ee sida biyaha nadiifta ah, waxbarashada iyo caafimaadka.wuxuuna intaas kudaray in kormeerkoodu uu sidookale ahaa taageero siinta degmada iyo qabalaha iyadoo goobaha dajinta laga aasaasayo gudiyadii steering iyo waliba gudiyadii kaladuwanaa ee horumarka. Wuxuna tilmaamay in degmooyinka iyo senteradaba ay siiyeen ‘check Lists’ listiyadii ay kushaqayn lahaayeen oo kusaaaban qorshayaashii shaqada ee 7aad laha iyo bilahaba ahaa.

Sidookale, Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Maxamed Cabdi Bare oo sheegay in maalmahanba ay kujireen kormeerka goobaha dajinta ee hoos yimaada degmada cadaadle iyo degmada beercaano ee hoosyimaada gobolka shabeele. Wuxuuna intaas kudaray in kormeerkan ay wada fulinayeen kooxo iskudhaf ah oo isugujiray heer federal iyo heerdeegaan islamarkaana uu hogaaminayay wasiirka xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka. Waxayna kormeerkoodan si wayn ugu riyaaqeen nidaamka waxsosaarka bulshada dajinta loosameeyay iyo waliba horumarinta adeegayada aas aasiga ah ee looga faaiideeyay bulshadaasi.

Iskusoowada duuboo, bulshada dajinta loo sameeyay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay san marnama qiyaasi kari dareenkooda farxadeed. Waxayna timaameen in hada ay galeen nolol balse markii hore aysan wax nolol ah haysanin. Sababtuna aytahay in markii hore ay ahaaayeen dad xoolahooda kolba meel ulaguura. Hadana ay haystaan adeegyadii nolosha oodhan.

 

Maamulka Gobolka Doolo Oo Soo Kormeeray Mashaariicaha Qorshaha BBC Ee Kasocda Degmooyinka

$
0
0

Daratoole(Cakaaranews)Khamiis, 5ta April 20-18. Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad ayaa ah mid kamid ah qorshaha Xukuumada DDSI ee sanadkan 2010 T.I  loo qaatay in si iskumid ah looga hirgaliyo dhamaan degmooyinka deegaanka DDSI iyadoo qorshahana uu kamid yahay xeeladaha lagu tirtirayo saboolnimada islamarkaana ah mid bulshada deegaanku si fudud ugaga bixi karto saboolnimada kadib markii hirgalintiisa ladhamaystiro. Sidaasi awgeed maamulka gobolka doolo ayaa kormeer indho-indhyn ah kusoomaray qaarkamid ah degmooyinka gobolka doolo ee ay mashaariicuhu kasocdaan.

Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Doolo Mudane Maxamed Kaahin Xoosh oo sheegay in ay  meel fiican marinayaan hiragalinta qorshaha BBC ee Gobolka Doolo islamarkaana ay sifiican usocdaan mashaariicihii kaladuwana ee loogu talagalay qorshaha BBC. Wuxuuna intaas kudaray in hada ay kusugan yihiin senetrka karkaar ee hoosymaada Daratoole. Wuxuuna xusay in senterkan si wayn looga sameeyay waxsooar kala duwan oo uu kamid yahay sudan-garaas, laws, xabxab, iyo waliba hadhuudhka noocyadiisa kaladuwan wuxuuna xusay in beerahan loogu talagalay bulshada dajinta loosamaynayo ee looga faaiidaynay barnaamijkan BBC.

Sidookale, Madaxa Arrimaha Xisbiga Gobolka Doolo Mudane Jaabur Shugri Maxamed oo sheegay in si wanaagsan ay ugu socdaan hirgalintii qorshaha BBC islamarkaana goobtani ay tahay goobta ladajinayo 82 qoys oo kamid ah 410 qoys oo loogu talagalay in dajinta loo sameeyo islamarkaana ay u diyaariyeen xoolihii loogu talagalay, beerihii ay kaafaa’iidaysan lahaayeen iyo waliba guryihii iyo agabkii kaladuwanaa ee ay u baahnaayeen bulshadu.

Dhankakale, hirgalinta qorshan “BBC” ayaa ah mid kasocda dhamaan degmooyinka deegaanka iyadoo goobaha aan wabiyadu marina bulshada ladajinayo loo diyaariyay ceelashii biyaha ee ay ugaa faa’iidaysan lahaayeen dhanka waxsoosaarka.

Iskusoowada duuboo, waxaa xusid mudan in bulshada dajinta BBC loo diyaarinayo xarumihii iyo goobihii ay kaheli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah ee waxbarashada caafimaadka iyo Hor-beeraha iyo Xoolahaba.

 

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Lagu Wareejiyay Ambalaas Casri Ah

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Talaado, 27ka February 2018.Xafiiska caafimaadka DDSI ayay hay’ada UNFPA ku  wareejisay ambalaas casri ah oo loogu talagalay cusbitaalka magaalada wardheer.

Hadaba ambulastan casriga ah ayaa waxaa xafiiska caafimaadka DDSI ku wareejiyay madaxa hay’ada UNFPA marwo MRS. Bettina iyo kuxigeenka safaarada japan ee dalka itoobiya Mr. Akira Uchida Waxaana halkaas kaga gudoomay wasiir kuxigeenka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed islamarkaana mas’uuliyiintan ooga mahadceliyay ambulastan casriga ah ee ay kuwareejiyeen, Isagoo intaa ku daray in ambalustan looga faaiidaysan doono adeegyada ka shaqaynta hooyada iyo dhalaanka.

Ugu danbayna waxay wasiir kuxigeenkan iyo mas’uuliyiintu kawada hadleen sidii loosii wada xoojin lahaa kawada shaqaynta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka iyo ka hortaga dhaqamad xunxun ee lagula kaco dumarka sida gudniinka fircooniga ahiyo adkaynta adeegooda caafimaad, Sidoo kale waxay mas’uuliyiintu islaqaateen balaadhinta adeega caafimaad ee hay’adu hada kahor kawaday deegaanka taas oo lagu salayn doono baahida caafimaad iyo ahmiyada xafiiska.

 

MM Dhagaxbuur Iyo Shir Wacyigalin Ah Oo Loo Qabtay Dhalinyarada

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Talaado, 27ka February 2018. Waxaa hoolka shirarka ee magaalada dhagaxbuur kaqabsoomay kulan balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha MM Dhagaxbuur kaas oo loo qabtay dhalinyarada kudhaqan magaalada dhagaxbuur islamarkaana kusaabsan wacyigalinta dhalinyarada, kashaqaynta horumarka iyo nabadgalyada iyo waliba kaqaybqaadashada naadafada iyo bilicda magaalada

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxa Xafiiska Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha MM Dhagaxbuur Mudane Cawaale Cabdi Dhicis oo sheegay in shirkani kusaabsan yahay sadex arimood oo kala ah wacyigalinta dhalinyarada, kashaqaynta horumarka iyo nabadgalyada. Wuxuuna intaa kudaray in dhalinyardu ay lagama maarmaan tahay in ay kudhiiradan kaqaybgalka qorshayaasha lagu tirtirayo saboolnimada islamrkaana dalkeenu kaga mid noqonayo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

Sidookale, shirkan ayaa waxaa isna dhankiisa kahadlay Comishionka Booliska Gobolka Jarar Mudane Xasan Macalin oo sheegay in dhalinyartu yihiin lafdhabarta bulshada islamarkaana ay muhiimtahay in doorkooda kaqaataan horumarka balaadhan ee sida xawliga ah uga socda deegaanka gaar ahaan magaalada dhagaxbvuur

Iskusoowada duuboo, waxaa hubaal ah in dhalinyaradu doorka ugu muhiimsan ka qaadan karaan qorshayaasha horumarineed iyo kuwa nabadgalyo si deegaanku uga guulaysto cadawga kali ah ee uu leeyahay ee ah  saboolnimada.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>