Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Tababar Ku Saabsan Xirfadaha Dhiig Joojinta Saboolnimada Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), Isniin, 28ka August, 2017. Tababar ku saabsan barashada xirfadaha dhiig joojinta soboolnimada oo ay soo diyaarisay kuliyada  farsamada gacanta  iyo xirfadaha  jigjiga  ayaa ka furmay caasimada deegaanka ee jigjiga.

Tababarkan oo  loo furay dhalinyaro  shaqo abuur loo samaynayo  oo laga soo kala xulay xaafadaha maamulka magaalada jigjiga ayaa waxaa  furitaankiisii ka hadlay maareeyaha kuliyada farsamada gacanta iyo xirfadaha jigjiga  mudane Farxaan Maxamed Cali oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarkan isaga oo sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii loo tir tirilahaa saboolnimada  iyo  mashaqaynte nimada loona hirgalinlahaa qorshayaasha horumarka waara iyo isku filnaansho maareeyaha ayaa sheegay in dhalinyarada maanta loo furay tababarkan oo laga soo kala xulay xaafadaha magaalada jigjiga oo ah dhalinyaro isugu xidhan iskaashatooyin la siin doono tababaro gaa gaaban oo ku saabsan xirfadaha dhiig joojnta saboolnimada kuwaasi oo marka ay dhamaystaan tababarka ku shaqaysan doona xirfadaha ay tababarkan ka barteen wuxuuna maareeyuh intaasi ku daray in uu tababarkani socondoona mudo 45 maalmood ah isaga oo  ku booriyay dhalinyaradan in ay ka faa’iidaystaan cashirada mudada uu tababarku u socdo.

 

Dhalinyaradan maanta loo furay tababarkan ayaa waxa la baridoonaa xirfadaha dhiig joojinta saboolnimada ee ay ka mid yihiin laydh-galinta guryaha, biyo galinta guryaha, qurxinta guryaha, Nijaarnimada, faarada alxanka Ranjiga, samaynta Jaajuurka iyo xirfado kale oo ka mid ah dhiig joojinta saboolnimada.  


Tababar Kuqotama Barnaamijka JEG Oo kafurmay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Isniin 28ka August 2017. Si kor loogu qaado tayada shaqada iyo shaqaalaha ayaa Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI uu wadaa dadaalo ku’aadan hirgalinta iyo kamidho dhalinta barnaamijyada shaqada iyo shaqaaaha dawlada iyadoo uu tababar kuqotama barnaamijka qiimaynta iyo darajosiinta shaqaalaha ee loo yaqano (JEG) u bilaabay xumno laga soo kala xulay qaarkamid ah xafiisyada iyo wakaaladaha heerdeegaan ee aan horay u qaadanin tababarka dib u meelaynta shaqaalaha.

Hadaba,tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore oo sheegay in ujeedada tababarkani yahay mid kuqotama barnaamijka Qiimaynta iyo Darajo siinta shaqada islamarkaana uu yahay tababarkani mid ay kaqaybgalayaashu ku baranayaan  nidaamka dib u meelaynta. Wuxuuna xusay wasiirku in barnaamijkani uu yahay barnaamij aad muhiim u ah islamarkaana  dalka oo dhan ay kasocoto hirgalintiisu iyadoo hawlaha barnaamijkanina uu soomaray wajiyo farabadan hadana uu marayo meel gabgabo ah. Wuxuuna kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in inta uu socdo tababarku sifiican looqaato casharada kadibna ay ugu shaqeeyan sidii loogu talagalay iygoo ka fogaanaya ninjeclaysi iyo qabyaalad islamarkaana xafidaya shuruucda dib umeelaynta.

Sidookale,  khabiirka Barnaamijka JEG ee xafiiska adeega-shacaka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Khadra Bashiir oo dhankeeda kahadshay ayaa sheegtay in ay kaqaybgalayaashani ay yihiin kuwo masuuliyad wayn qaadaya islamarkaana qaban doona shaqooyinka  ay kamid ka yihiin shaqo qeexida (Job-Description)kadibna samayn doona dib u meelaynta xafiisyadii ay ka kalyimaadeen.

Ugudanbayna, kaqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in sifiican ay uga faaiidaysan doonaan tababarkan islamarkaana ay si cadaalada ugu shaqayn doonaan.

Filtu Iyo Tababar Loo Qabtay Hay’adaha Cadaalada

$
0
0

Filtu(Cakaaranews) Talaado 29ka August 2017. Tababar ku saaban sidii kor loogu qaadilahaa kobcinta awooda fulineed ee hay’adaha cadaalada iyo  sidii loo xoojin lahaa   ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta ee uu siiyay dastuurku dalkeenu iyo kan deegaanku oo loo qabtay  degmooyinka gobolka liibaan ayaa ka qabsoomtay degmada filtu ee xarunta gobolka liibaan.

Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay maxkamada guud ee DDSI ayaa waxaa furitaankiisii  ka hadalay gudoomiyaha gobolka Liibaan mudane Cabdi Xuseen iyo Madaxa xafiiska maamulka garsoorka maxkamada guud ee DDSI mudane Axmednuur Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarku  iyaga oo sheegay   in uu yahay tababar loo qabtay hay'adaha cadaalada  sida garsoorka, xeer ilaalinta, booliska iyo shareecada ee degmooyinka gobolka liibaan kaasi oo ay  ujeedadiisu  tahay sidii kor loogu qaadilahaa awooda fulineed ee hay'adaha  cadaalada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka si loo xoojiyo  ilaalinta xuquuqaha  sharciga caruurta uu siiyay dastuurkeenu.

Waxayna mas’uuliyiintu intaa kudareen  in guulo waawayn deegaankeenu ka gaadhay taamyeelida ilaalinta  xuquuqaha aadamaha iyada oo   ahmiyada gaar aha la siiyay ilaalinta xuquuqaha  haweenka iyo caruurta. Iyagoo tababar qaatyaasha   ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan cashirada la dhigayo mudada uu tababarku socdo si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga leeyahay tababarkan.

Sikastaba ha ahaatee tababarkan ku saabsan sidii loosii xoojin lahaa   ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta ee uu siiyay dastuurku dalkeenu ayaa ah mid ka socda dhamaan gobolada deegaanku uu ka kooban yahay.

Xafiiska Waxbarshada DDSI Oo Shaaciyay Natiijayada Imtixaanka fasalka 8aadka

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 30ka, August, 2017.  Wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarshada  DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo xafiiskiisa shir jaraa-id ugu qabtay warbaahinta deegaanka iyo ta dalka  ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka fasalka 8aad isaga oo  sheegay wasiir ku xigeenku in  Xafiiska waxbarshada DDSI  sanadkan 2009TI  dadaal balaadhan u galay taaabo galinta horumarinta tayaynta waxbarshada taasi  uu  qaatay  xafiisku talaabooyink isku dhaf ah oo lagu rabo in heerarka kala duwan ee waxbarashada  laga gaadho natiijo wax ku ool ah iyada oo xooga la  saaray sidii ardayda deegaanku guulo wax ku ool ah uga soo hoyn lahaayeen   imtixaanaadka shahaadiga ah ee  fasalka 8aad, 10aad iyo  12aad  kuwaasi oo dhamaantood guulo mug leh laga soo hooyay sanadkan

Wasiir ku xigeenka ayaa  sheegay  in dadaalkii iskaashigii muga lahaa ee ay sanadkan sameeyeen xafiiska waxbarashada bah-wadaagta waxbarshada, macalimiinta deegaanka iyo  gudiyada   waalidiinta  tahay tan keentay in  guulo waawayn laga gaadho natijooyinka imtixaanaadka dugsiyada sare ee deegaanka . isaga oo sheegay wasiir ku xigeenku in sanadkan  iyada oo lala jaan qaadayo nidaamka casriga ah ee waxbarashada lagu guulaystay in lagu shaaciyo imtixaanka fasalka 8aadka  aalada internetka taasi oo uu xafiiska waxbarashada DDSI sameeyay shabakad (website) laga daalacan karo natiiyada imtixaanaadka fasalka 8aad ardaykastaana uu ka eegan karo moobilkiisa shabakadaasi oo ah www.esrs-edu.gov.et   waana markii ugu horaysan ee lagu shaaciyo natiijada imtixaanka 8aadka aalada internetka iyada oo dhinaca kale ay noqonayso deegaankii ugu horeeyay  ee deegaanada dalka ku shaaciyay najiiyada imtixaanka safalka 8aadka aalada internetka. Wasiir ku xigeenka oo sii wada hadalkiisa ayaa sheegay  in natiijada imtixaanaadka fasalka 8aad ee sanadkan tahay in aad u saraysa marka loo eego sanadkii hore ee 2008TI.

Ugu danbayntii waxa uu wasiirku xigeenku ku booriyay dhamaan baw-wadaagta xafiiska waxbarshada DDSI, macalamiinta deegaanka, waalidiinta  iyo ardayda deegaanku in ay u diyaar garoobaan diwaangalinta waxbarashada sanadka cusub ee 2010TI si looga midho dhaliyo jihooyinka iyo istaraatajiyadaha tayaynta waxbarshada deegaanka.

Xasuus gaar ah waxay ardayda deegaanku meelkasta oo ay joogaan ka eegankaraan natiijada  imtixaanaadka fasalka 8aad www.esrs-edu.gov.et  

Qawlaysatada UBBO Ee Diasporaha Oo SHeegay Inay Xaalada Qalbi-dhiriq Maliiqnayd

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 30ka August 2017. Qawlaysatada ubbo ee diasporaha ayaa waxay isladhexmarayaan marxalado dhawr ah oo ay kusheegayaan inay xaalada cabdikariin qalbi-dhiriq ay maliiqnayd.

Qaar baa waxay leeyihiin qalbi-dhiriq lama qabanin ee isagaa iskii isudhiibay. Waxayna daliishanayaan inuu qalbi-dhiriq ahaa nin lagu darsaday nidaamkii ubbo lagu burburiyay sidii rag horaba looga bartay oo uu si isu ekaysiin ah uxarooday isagoo waji qarsasho samaynaya si aysan unoqonin ninkii wuu isdhiibay balse ay ugu ekaato in laqabtay. Waxayna arintaas cadayn uga dhigayaan sawirkan qalbi-dhiriq oo ay leeyihiin sawirkani uma eka sawir nin laqabtay waayo farxad ayaaba kamuuqata iyo xaaladiisii badhaxlay hada kahorba waa la ogaa meesha qawlaysatada qaarna ay kudoodayaan cid soo dhiibtay iyo cid loo dhiibay midna majirto ee sidii ragii hore oo kale ayuu umaliiqan yahay.

Qawlaysatada ubbo ee diasporaha qaarkoodna waxay leeyihiin Qalbi-dhiriq mashaqaynaynine Wada hadal buu lagalay oo odayaal-dhaqameed reerkooda ah ayaa kashaqeeyay oo waa qorshe ay odayaashu maliiqeen.

Dhanka Kale, ina maahday ayaa cadaani ruqiyo dhuubo ku eedeeyay inuu cunay lacagtii lagu furfuri lahaa Qalbi-dhiriq intuu joogay badhaxlay balse taas wuxuu ina ruqiyo dhuubo kaga jawaabay ''manin sii socdaan lacag ugu dari lahaa horay baan usheegay inuu ninkani kamid ahaa qorshihii la inagu tirtiray. Wuxuuna cadaani intaa kudaray inuu helay cadaymo muujinaya inuu Qalbi-dhiriq maliiqan yahay.

Geesta Kale, odayaasha iyo suldaamada badhaxlay ayaa sheegay inuu ninkani waa Qalbi-dhiriqe uu hada kahorba mudo daganaa badhaxlay oo aysan wax dhibaato ah ku imanin balse ay arkeen isagoo kasoo guuray meeshuu daganaa oo dagaya guri dhinaca kuhaya saldhiga badhaxlay isagoo ay alaabta lararayaan 3 oday oo uu kamid ahaa nin ay muuqaalkiisa kutilmaameen oday dheer oo gadhcas oo xoog leh midabkiisuna maariin yahay. Odayaasha badhaxlay ayaana sheegay inay umaleeyeen nimankaaas adeeradii. Waxayna intaa kudareen odayaashu inay 3 cisho kadib maqleen in ninkii laqabtay.

Iskusoo wada duuboo, odayaasha badhaxlay waxay dheheen "waxba eed yaan nala saarin ninkani isagaa maliiqnaa oo maalintii udanbaysay raysle galay mise rayslihii uxiiray baa reer badhaxlay ahaa baad nagu haysataan?"

Dhibaatadii Ay Nabadiidka UBBO Ugaysatay Shacabka Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Nabadiidka UBBO waxay shacabwaynaha deegaanka ugaysatay dhibaatooyin ba'an oo aan marnaba tiro lagu soo koobi karin. Dhibabkaas oo ay kamid ahaayeen dil, kufsi, dhac, boob IWM. Waxayna agoontimeeyeen tobanaan kun oo caruur ah oo ay si ulakac ah oo aysan geedna ugu gabanin hadhkoo cad iyo habeenba udileen waalidiintii ubadka tiradaas dhan. Waxaana dadka amaradaas dilka, dhaca, boobka iyo kufsiga bixiyay kamid ahaa Cabdikariin qalbi-dhiriq oo ay maanta dad uusan dil iyo kufsi toona uusan ugaysanin ay uhadlayaan. Runtii, dhibaatada uu gaystay waa mid kamuuqata guud ahaanba deegaanka soomaalida gaar ahaan gobolka doolo oo uu kagaystay xasuuq ba'an. Waxaana xaqiiqo ah inay dadkii dhibaatadaas gaystay ay aduunka dushiisa kuheleen cawaaqibtay gaysteen iyadoo aakhirana sugayso.

Hadaba dhamaan shacabka deegaanka, hogaaminta iyo xubnaha xisbiga, qurbajoogta deegaanka ee dunida oo idil kubaahsan ee caqliga, garashada iyo cilmiga leh waxaa la idinka baahan yahay in qorshihii cilmiyaysnaa ee aad idinku lafdhabarta u ahaydeen ee deegaanka lagu gaadhsiiyay horumarka, nabadgelyada, maamulka suuban iyo xidhiidhka dadwaynaha inaad si wadajir iyo iskaashi ah aad kusii laba-jibaartaan iyo inaad cidkasta oo cadaw ku ah horumarka iyo nabadgelyada deegaanka dal iyo dibadba islamarkaana xaqiiqda dhabta ah ee uu deegaanku soo maray been kasheegaysa kuna tiiqtiiqsanaysa agoontii waalidkood ay Ubbo laysay inaad halgan adag lagashaan oo aydaan ka ogolaanin dafiraada xaqiiqda sooyaalka deegaankeena.

Gabagabadii, waxaan umahadcelinaynaa guud ahaan xubnaha sida dhabta ah uga halgama social mediaha gaar ahaana xubnaha sida dhabta ah usoo dhigay dhibaatadii uu nabadiidku ugaystay shacabka deegaanka iyo sida ay ugu faanayaan muwaadinimada soomaali itoobiyaanimadooda iyo sida ay soomaalida kale ugu muujiyeen inay yihiin dad kala dal ah oo xad iyo xuduud wadaaga

MW CMC Iyo Mas’uuliyiin Heer Deegaan Ah Oo Kusoo Laabtay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin sare oo heer deegaanka ayaa dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadib marku usoo dhamaaday tababarkii hogaaminta sare oo ay meles Academy ku qaadanayeen mudo 45 maalmood ah xarunta dalka ee magaalada addisababa.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sidaaduu garoonka ugasoo dagay booqday guriga tusaale unoqonaya dadka danyarta ah qiimo jabanna lagu dhisay tayana leh oo laga dhisay xarunta madaxtooyada iyo goobta naaxinta xoolaha. Wuxuuna wakhti xaadirkan madaxwaynuhu ku suganyahay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

MW CMC Oo Hambalyeeyay Dhamaan Muslimiinta Caalamka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka ugu hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidul-adxa isagoo ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kugaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn.

Wuxuuna madaxwaynuhu kubooriyay dadka wax haysta inay caawiyaan walaalahooda aan waxba haysanin islamarkaana ay udhuun duleelaan gaar ahaan walaalahooda tabaalaysan ee aan baahidooda sheegan Karin.

Ugu danbayna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa salaam diiran udiray dhamaan qurba-joogta DDSI gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka. Wuxuuna madaxwaynuhu xusay in ay ciidan kusoo aaday xili uu deegaanku ku talaabsaday horumar nabadiina la saxartiray islamarkaana ay mas’uuliyiinta deegaanka kasoo qalin jabiyeen tababarkii 3aad ee hogaaminta sare ee dalka.  

 


Wafti Balaadhan Oo Heer Caalami Ah Oo Lagu Soodhaweeyay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 31da August 2017.Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagu soodhaweeyay wafti balaadhan oo heer caalami ah oo ay hogaaminayso Danjiraha wadanka Canada u fadhiya hay’ada UN ahna gudoomiyaha gudiga hay’ada UNHCR marwo Rosy Mary iyo waliba safiirka wadanka Canada ufadhiya wadankeenan Ethiopia mudane fillip parker. Waxaana  sidiiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin heer deegaan ah oo ay horkacayso Madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo khayraadka Dabiiciga ah DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay waheliyaan Madaxa arrimaha siyaasada XDSHSI mudane Cumar Maxamed, wasiirka xafiiska kahortaga iyo u diiyaraagarawga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed  iyo waliba masuuiyiin kale oo heer deegaan ah.

Hadaba, Soodhawayn kadib ayaa waftiga iyo masuuliyiintu ay kulan kuwada qaateen qolka nasashada ee garoonka caalamiga ah ee garaad wiil waal, kulankaasi oo ay kaga wad hadlayeen ujeedada socdaalka oo ahaa in waftigu soo kormeero xeriyaha qaxootiga ee degmada qabribayax iyo shaydheer. Kadibna waftiga ayaa gudoonsiiyay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayaadka dabiicigaah DDSI marwo Sucaad xmed Faarax hadyad ay ugu talagaleen islamarkaana halkaasi kaga gudoontay.

Ugudanbayna, waftiga ayaa u kicitimay xeryaha qaxootiga ee qabribayax iyo shaydheer si ay usoo indho indheeyaan xaalada nololeed ee qaxootiga

Oohintiisa Oohin baa Kahoraysay, Diyaaradii Keentay Cabdikariina Waxaa Ka Horaysay Diyaaradii Qaaday 114ka Qof

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Sida lawada ogsoonyahay shacabka deegaanka soomaalidu wuxuu ahaa shacab marka taariikhda dib loo eego ilaa xayle salaase ay dhibaatooyin ba’an oo naf iyo maalba leh kuhayeen cadaadisyadii iyo nidaamyadii kudhisnaa boqortooyada iyo kalitalisnimada balse kadib markuu halgankii hubaysnaa ee EPRDF uu xukunka kalawareegay kaligii taliskii dhargiga deegaanada kale ee dalku way kafaaiidaysteen balse waxaa deegaankeena majarahabaabiyay ururadii nabadiidka ahaa ee kadhashay deegaanka ee UBBO iyo Al-itaxaad. Kuwaasoo kadhashay shacabka deegaanka balse shacabkii ay kadhasheen uun ugaystay dhibaatooyin ba’an oo laxaad leh oo ay kamid ahaayeen dil, dhac, boob iyo kufsi aan loo kala aabo yeelin sida dadkii masaakiinta ahaa ee ay cobole kulaayeen, Shacabkii ay kugumaadeen degmada dhagaxmadaw, Garaadadii ay hadhkoo cad kutoogteen degmada gunagado, Hooyooyinkii ay asayda usaareen iyo maxastii ay ku agoontimeeyeen degmada aware, Ragii iyo caruurtii ay hadh iyo habeenba kulaynayeen degmada dhagaxbuur iyo tuulooyinka hoos yimaada.

 Hadaba  cabdikariin qalbi dhiriq iyo UBBO kale oo wehelinaysay waxay gobolka doolo gaar ahaan degmada wardheer, Danood, Qabalaha Waafdhuug iyo degmada lahelaw oo ah degmaduu kasoo jeedo qalbi dhiriq ay kudileen boqolaal qof oo ay kamid ahaayeen hooyooyin, Caruur, Odayaal iyo suldaamo uu kamid ahaa allah ha unaxariistee suldaan cali saafi.

Dhanka kale waxaan marnaba la ilaawi Karin gobolka qoraxey degmada dhoobawayn dadkii ay UBBO habeenimada kumireen, Odayaashii ay masaajidka ceel ogaadeen kalabaxeen, Dhacdooyinkii foosha xumaa ee lamagac baxay mooji ee habeen walba shaqsi mayd ah oo wadada yaala loo soo toosi jiray degmada qabridahar iyo jimcaalaa dilaydii dhagaxbuur, Xasuuqii habeen badhka ubbo kulakacday shacabkii qabalaha ceelxaar ee degmada qabridahar, Wiilashii iyagoo nool ay dhagaha kagureen degmada shaygoosh iyo qabalaha galadiid.

Hadii aan soo qaadano gobolka shabeele gabdhihii ay ku kufsadeen iyo ragii ay xabada kufureen iyagoo ambalaas saaran degmooyinka dhanaan, beercaano, iimay bari iyo shacabkii ay kulayeen godey maxay ahaayeen?

Dadkiise intuu Cabdikariin iskuxidh-xidhey uu nolosha kugubey duhurkii iyo kuwii ay hadh iyo habeenba ku laynayeen  degmooyinka qabribayax, goljano, baabili iyo jigjiga miyaysan bini’aadam ahayn, mida kale wadooyinka iskuxidha gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka ee ay ubbo miinooyinka ku aasaysay ee ay ku rogmadeen boqolaal isugu jira culumo, waayeel, caruur iyo hooyooyinku mafataatiir social media ah bay ahaayeen.

Waxaase taas kasii daran guud ahaanba gobolada Erer iyo Nogob majirto UBBO xasuuq kabadan oo ay kagaysatay deegaanka iyagoo intay iskuxidh-xidheen dad nool kugubay, gabdho tiro badana ku kufsaday islamarkaana caruur badan waalid la aan dhigay.

 Sidaa darteed Cabdikariin Qalbi dhiriq waxaa laqabtay 23/08/2017,GC. Waxaana lagu guulaystay in si nabadgalyo ah loogu keenay shacabkuu danbiga kagalay ee uu laayay cidkasta oo dil ugaysata shacabkana waxaa hubaal ah in lasoo qaban. Cabdikariina ilaahay baa kasoo qabtay shacabka oo wuxuu ahaa cadaw ilaahay soo qabtay, cidkasta oo cadaw ku ah nabadgalyada shacabka deegaanka soomaalidana mid tan la mid ah ayaa qabsan doonta oo inkaartii shacabkaa kudhici. Ilmadii shacabkuna meel cidla ah dhici mayso oo sidii Dhabuuke, sheekh deeq, Gadhcase iyo aroori indhaha loogu shiday loona qabtay iyo kuwa Nairobi ka dawarsanaya halkay mareen oo kale yaa indhaha loogu shidi loona qaban.

Hadaba 14kii urur ee qabiilka kubahoobay ee Ubbo iyo Al-itaxaad ee shacabka uqabqablaynaysay waa laga guulaystay waxaana kaguulaystay ilamadii shacabka iyo dhiigii ay daadinayeen oo kusoo aakharo toostay.

Kadib dhibaatooyinkaas uu shacabku soo maray waxay xukuumada deegaanka iyo dawlada federalku qaateen qorshihii lasameeyay 1999 ilaa 2003 Ti ee Ubbo lagaga guulaystay ee ahaa in deegaanka la gaadhsiiyo horumar iyo nabadgalyo taabagala oo gaadha heer ilaa maalqabeenada caalamku ay maalgashi uyimaadaan, Dadkeeduna ay kufaanaan dal iyo dibadba, xadkiisuna noqdo mid jira oo aan lahawaysan Karin. Waxaana ilaahay mahadii ah in lagu guulaystay yoolkii, Qorshihii iyo hadafkii la dhigtay shacabka deegaankuna uu kufaraxsanyahay nabadgalyada kahanaqaaday guud ahaan deegaanka. Waxaana qorshihii lasameeyay 1999 qodobada hoosta lagaga xariiqay kamid ahaa: in nabadiidka nabadgalyo loogu baaqo cafisna lasiiyo, cida dhaawac ama siyaabo kaladuwan lagu qabtana ay xukuumadu maskax badal kusamayso oo wax labaro iyadoo qodobka laga duulayay ee lala halgamayay uu ahaa fikir balse uusan ahayn shaqsi. Waxaana hubaal ah in xukuumada deegaanka soomaalidu aysan nabadiidka kaga guulaysanin xabad balse ay kaga guulaysatay xeelad, horumar iyo kasbashada shacabka dal iyo dibadba iyadoo xukuumadu kalaqaaday shaqsiga iyo fikirka. Sidaadarteed shacabka deegaanka gudo iyo dibadba waxaa waajib ku ah inay kahadlaan oo ay ujawaabaan budhcadan al-shabaabta ah ee udoodaysa dadkii dadkeena laayay ee uu ilaahay maanta kasoo qabtay.

Hadaba diyaaradii keentay cabdikariin waxaa kahoreeyay diyaarad qaaday 114 dhalinyaro ah oo isugu jiray kuwo danbiyo kagalay dawlada soomaaliya oo usoo baxsaday itoobiya iyo kuwo itoobiya gudaheeda danbiyo kagalay oo lagu wareejiyay dawlada soomaaliya fikir kayimid raisal-wasaaraha dalka soomaaliya mudane Xasan Cali  Khayre kadibna uu laqaatay madaxwaynaha dawlada soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sidaasna ay uga codsadeen raisal-wasaaraha JDFI mudane Haile mariam Deselign islamarkaana uu raisal-wasaaruhu amar kubixiyay in lagu wareejiyo kadibna uu qunsulka ufadhiya soomaaliya dalkeena itoobiya uu sidaa kuyimid kuna qaaday diyaarad nooca rakaabka qaadi ah sidaa darteed iskaashigu ma aha mid hal dhinac ah ee waa mid labada dhinac ah , dawlad soomaaliya ahna maqabanin cabdikariin ee dadkuu danbiga kagalay ayaa qabtay. Waxaana kumahadsan shacabka badhaxlay  oo keenay iyadoo hadii aysan odayaashooda iyo dhalintooda aysan hawshan qaban lahayn aysan marnaba suurta gasheen qabashadiisu, shacabka deegaanka soomaalida oo ay lexo jeclo kaqabaan dartii bayna usameeyeen.

Marka waxaan usheegaynaa shaqsiyaadka al-shabaabka iyo fikiradii shuuciga ahaa kaduulaya ee itoobiya wax kasheegaya inay ogaadaan inay dad soomaali itoobiyaan ah ay wax kasheegayaan waana inay si degdeg ah ay dib uga gurtaan arrintaas, waxaana  Dadka soomaaliya ee qaylyaya aan usheegaynaa inay al-shabaabta udiiday nabadgalyada ee maalin walba laynaysa ee ubaahisay 30ka wadan ee kaladuwan ee dul fadhiya inay kahadlaan bay ahayd ee inay itoobiya kusoo meeraystaan ma aha.

Gabagabadiina cabdikariin deegaankiisii buu si nabadgalyo ah kujoogaa dadkuu ururkiisu xasuuqay buuna dhexjoogaa godey baana la keenay horumarkeedana wuu layaabay gudoomiyaha gobolka shabeele yaana qaabilay. Sidaadarteed, dawlada federalka ah ee itoobiya hadafkeedu wuu kawayn yahay shaqsi qorshaheeda 1aadna waa sida uga mid noqon lahayd wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

Raisal-Wasaaraha JDFI Oo Soo Xidhay Tababarkii Hogaaminta Sare

$
0
0

Addisababa (Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Raisal-wasaaraha JDFI mudane Haile mariam Desalegn ayaa soo xidhay tababarkii hogaaminta sare ee meles Academy uga socday xarunta dalka ee magaalada addisababa kulana dardaarmay inay tababarkan uga faaiideeyaan heerarka kaladuwan ee hogaaminta deegaanada iyo ismaamulada dalka. Wuxuuna raisal-wasaaruhu si cilmiyaysan usoo koobay maadooyinkii tababarka ee ay muadad 47 bari ah hogaaminta sare uga socday xarunta dalka, isagoo si qiiro leh oo cadcadaani ku dheehantahay usoo dhigay.

Dhanka kale raisal-wasaaraha ayaa si qoto dheer uga  hadlay (rent seeking) ama xoolo cirdoonimada wuxuuna sheegay inuu ogyahay dadka xoolo cirdoonka ah lagana talaaba qaadi doono. Waxaa kale oo uu raisal-wasaaruhu ka hadlay hirgalinta qorshaha GPT2.

Waxaa kale oo uu raisal-wasaaruhu ka hadlay arrimaha ku saabsan Erateria isagoo sheegay inay meesha ka baxeen ururadii nabadiidka ahaa ee uu soo hubayn jirtay erateria oo uu ku tilmaamay qorshaheeda hal bacaad lagu lisay , Isagoo tusaale usoo qaatay UBBO oo awr kiraale u ahayd erateria oo uu sheegay in waxa kali ah ee lagaga guulaystay ay tahay hirgalinta qorshaha horumarka iyo nabadgalyada oo uu deegaanku siday ahayd u hirgaliyay.

Wuxuuna raisal-wasaaruhu amaanay qorshihii nabadgalyada ee ay dajiyeen dawlada federalka ah, xukuumada deegaanka iyo shacabka DDSI oo meesha lagaga saaray nabadiidka isagoo intaa raaciyay in qorshahani yahay mid tusaale loogusoo qaadan doono deegaanada kale ee dalka sida deegaanka Gambeele oo ay markasta qabiilo kagasoo duulaan dhanka koonfurta sudan oo caruurta ka laayaan qaarna qafaashaan.

Dhanka kale raisal-wasaaraha dalka ayaa tusaale usoo qaatay sheeko dhexmartay isaga iyo madaxa hay’ada USAID mudane Mark Green oo raisal-wasaaraha uga sheekeeyay sheeko dhexmartay islaan udhalatay DDSI kadib booqashadiisii magaalada jigjiga islaantaas oo ku tidhi mr Mark Green meesha aad qamandiga nagasiinaysaan naga caawiya inaan anagu lasoo baxno waxsoosaarkaanaga, Naga caawiya dhanka waraabka iyo beerashada wuxuuna ninkani sheegay inay arrintani qalbigiisa taabatay islamarkaana ay tahay fariinta uu kula laaban doono Washington DC . Arrintan oo ku tusinaysay heerka garaadka aadka ukordhay ee shacabka deegaanka soomaalida oo shalay ahaa deegaanada dib udhacsan waxayna arrintan noqotay mid ay shalay ka doodeen dhamaan hogaaminta sare ee dalkeena itoobiya ee uu tababarka usoo xidhmay, Sidaa darted waxaa hogaaminta DDSI looga baahan yahay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan ka midha dhalinta qorshayaasha horumarineed.    

Munaasabada Salaada ciidul Adxa oo si meeqaam sare ah loogu tukaday Garoonka Caasimada Deegaanka ee Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),jumce,1da September, 2017. Waxaa maanta si balaadhan oo farxadi ku dheehan tahay looga ciiday guud ahaanba caalamka islaamka dalkeena itoobiya gaar ahaan  deegaanka soomaalida itoobiya ciida barakaysan ee ciidul adxa ,  iyadoo boqolaal kun oo ku nool caasimada deegaanka ee  jigjiga ay si wada jir ah ugu tukadeen barxada wayn ee garoonka ciyaaraha kaladuwan ee magaalada jigjiga halkaas oo mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu  ku wehelinayaan afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq, golaha wasiirada DDSI  iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan ay kulatagadeen shacabwaynaha caasimada DDSI ee  jigjiga.

Haddaba, ka hor intaan salaada lagalin ayuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  halkaa ka soo jeediyay hadalo muhiim ah isagoo hambalyo udiray dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka uguna hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidal adxa   islamarkaana ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn. Madaxwaynaha ayaa sheegay in cadawga 1aad ee deegaanku yahay saboolnimada taasi oo ay xukuumada DDSI dajisay qorshayaashi lagu tir tirilahaa saboolnimada laguna midho dhalinayo  horumar waara oo joogtaysan iyo isku filnaansho dhinac kasta leh madaxwaynuhu sheegay in xukuumada DDSI munaasabada barakysan ee ciidal adxa ay cafis u fidinayso maxaabiista badan  kuwaasi oo u badnaan doona dumar iyo dadka waaway iyada oo hada ka dib maxaabiista loo samayn doona shaqo abuur iyada oo la barayo xirfadaha kala duwan  oo  ay ka shaqaystaan iyaga oo maxaabiis ah.

Dhankiisa waxaa ka hadlay munaasabadan salaada ciidal adxa gudoomiyaha golaha sare ee arimaha islaamka DDSI mudane sheekh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen  oo ka warbixiyay ahmiyada  iyo  fadaa-isha ay leedahay munaasabadan ciidal adxa  isaga sheegay in xujaajdii sanadka gudatay waajibaadka xajma ee ka tagay DDSI ay nabad qab ku gudanayaan waajibaadkooda xajmka .

Tukashadii salaada ciida ka dib waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyo masuuliyiintii kale ayaa mafaaso dheer la lugeeyay shacabwaynaha ka qaybtalay musasabada salaada ciidal adxa..Ugudanbayna, shacabwaynihii salaada ciida isugu yimid oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in nabad  iyo horumar  ku ciidaan.

 

 

Kulan Lagu Dar-dargalinayay fulinta Qorshaha Dakhliga Deegaanka Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews)Arbaca, 19ka July , 2017. Waxaa ka qabsoomay  magaalada jigjiga kulan lagu dar dargalinayay fulinta iyo meel marinta qorshaha dakhliga heer deegaan ee sanad miisaaniyeedka 2010TI.

Kulankaasi oo ay   soo diyaarisay wakaalada dakhliga DDSI ayaa waxaa loo qabtay dhamaan masuuliyiinta waaxda xisaabaadka xafiisyada heer deegaan iyo masuuliyiinta waaxda qorshaynta xafiisyada heer deegaan waxaana furitaankii kulankaasi ka soo qqaybgalay   masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin  wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane axmed cabdi maxamed, maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane cabdifataax maxamed cabdi.

Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in Talaabooyinka dhinaca horumarka ah ee ka taaaba galay wadankeena iyo deegaankeenaba  ay suurta galisay  wanaajinta iyo kor u qaaditaanka nidaamka maamulka  dakhli deegaanka  wasiirka ayaa intaasi ku daray in  Si looga midho dhaliyo dadaalka lagu  gaadhayo   ka mid noqoshaha   wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay ay lafdhabar u tahay habsani u isticmaalka hantida dawlada iyo   in si haboon loo soo ururiyo dhamaan dakhliga iyo cashuuraha deegaanka  wasiirka ayaa tilmaamay kulankan ujeedadiisu tahay sidii looga midho dhalin lahaa  jihooyinka  qorshaha dakhliga deegaanka ee sanad miisaaniyeedka 2010TI iyo doorka ay ku leeyihiin hirgalintiisa cududa shaqaalaha xafiisyada heer deegaan.

Dhankiisa maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi  ayaa ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankan isaga oo sheegay in ay tahay sidii loo dar dargalin lahaa meelmarinta iyo fulinta qorshaha dakhliga heer deegaan ee sanadka cusub islamarkaana loo baahan yahay in masuuliyiinta waaxaha xisaabaadka iyo qorshaynta xafiisyada heer deegaan in ay sidii loogu talagalay u meelmariyaan fulinta qorshahan si loo gaadho natiijadiisa.

 

 

Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Deeq Raashin Iyo Daawooyin Isugu Jira Gaadhsiiyay Bulshada Ku Dhaqan Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Gobolka Dhaawa

$
0
0

Tuulada Haar Jano(Cakaaranews) Arbaco 19ka July 2017.Ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa sanadahii ugu danbeeyay ka shaqaynayay horumarka deegaanka kadib markay meel saaraan cadowgii shacabka ee nabadiidka ahaa ee UBBO islamarkaana bilaabay inay ka shaqeeyaan horumarka qaybihiisa kala duwan sida jidadka, Daawaynta xoolaha iyo qodida beeraha.

Hadaba ciidanka gaarka ah ee deegaanka ayaa deeq raashin ah oo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta xoolaha gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka dhaawa.

Mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah ee liyuu boliceka ee waday deeqdan raashinka ah ayaa sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay ay deeqdan raashinka ah ka qaybinayeen degmooyinka gobolka dhaawa sida hudhat iyo mooyaale islamarkaana ay deeqadn ka koobantahay raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta duunyada. Waxayna mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah deegaanka ee qaybinayay raashinkan intaa ku dareen in ay raashinka ku bixinayaan sida bulashadu u kala taagdarantaahay iyagoo mudnaanta siinaya dadka da,da ah. Sidoo kale waxay mas;uuliyiintu intaa ,u dareen inay deeqdan raashinka ah wada gaadhsiin doonaan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka dhaawa.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka dhaawa ee la gaadhsiiyay deeqdan raashinka ah oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin deeqdan raashinka ah ee uu ciidinka liyuu boliceku soo gaadhsiiyeen,islamarkaana ay bogaadiyeen deeqdan raashinka iyo daawada isugu jira ee ciidanku deegaanku mushaarkooda kasoo jareen.

Sikastaba ha ahaatee deeqda ay ciidanka gaarka ah ee deegaanku gaadhsiiyeen bulashada deegaanka ayaan ahayn midi ugu horaysay balse marar badan kasoo qaybiyeen gobolada deegaanka uu kakoobanyahay islamarkaana ay sii gaadhsiin doonaan goobaha kale ee udhiman.

Shir Qiimayn Ah Oo Kusaabsan Mashruuca UPSNP Oo Kadhacay Xaf-Maaliyada iyo Hor-Dhaqaalaha DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 19ka July 2017.Kulan lagu qiimaynayay waxqabadkii 6dii bilood ee u danbaysay ee mashruuca shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada ee maamul magaalooyinka ( Urban PSNP) ayaa ka furmay hoolka shirarka ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI.

Shirkan ayaa Waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed , masuuliyiinta wakaalada shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada magaalooyinka oo uu ka mid yahay maareeyaha wakaalada shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada MM jigjiga mudane cabdilaahi cabdi cilmi, masuuliyiin ka socday heer faderaal iyo masuuliyiinka socday xafiisyada heer deegaan ee ay baw-wadaagta yihiin mashruucan.

Hadab, Shirkan qiimaynta ah ayaa Waxaa shir gudoon ka ahaa islamarkaana ugu horayntii ka hadlay Wasiirka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka loo hirgaliyay mashruucan isaga oo sheegay in uu mashruucani kamid yahay tubaha iyo xeeladaha loo marayo tir tirida saboolimada islamarkaana kor loogu qaadayo ilaha  shaqo abuurka magaalooyinka. Wasiirka ayaa intaa kudaray  in ilaa iyo wakhtigii la hirgaliyay mashruucani uu guulo wayn ka soo hooyiyay shaqo abuurka magaalooyinka gaar ahaan magaalada jigjiga. Wuxuuna carabka kudhuftay in shirkan lagu soo bandhigayo warbixinta waxqabadkii 6da bilood ee mashruuca wixi qabsoomay, waxa  aan qabsoomin iyo sababta ayna u qabsoomin.

Dhanka kale, Maareeyaha Wakaalada Shaqo Abuurka iyo Damaanad-qaadka Cuntada MM Jigjiga mudane Cabdilaahi Cabdi Cilmi ayaa soo bandhigay warbixinta waxqabadka mashruucan ee 6dii bilood ee ugu danbeeyay. Wuxuuna  sheegay in mashruuci isugu jiro laba waji oo kala ah taageerada tooska ah ee uu gaadhsiiyo dadka tan yarta ah iyo abuuritaanka illaha shaqada maareeyaha ayaa intaasi ku daray in mashruucani  shaqo abuur u sameeyay 5,000 oo qof oo isugu jira 4800 ah dadka shaqo abuurka loo sameeyay ee ka faa’iidaysanaya mashruucan halka ay 800 qofna yihiin kuwa taageerada tooska ah la siiyo ee ah dadka danyarta ah.

Dhankooda masuuliyiintii ka socotay heer faderaal oo ah masuuliyiin u kuurgalayay geedi socodka mashruucan iyo waxqabadkiisa ayaa iyaguna 6dii bilood ee udanabysay soo bandhigay dhinacyada jilicsan ee mashruuca iyo waliba dhinacyada adag ee kudayashada leh, taasoo ladhihi karo in deegaanka soomaaidu uu meel hore kaga jiro waxqabadka mashruuca ee magaalooyinka  dalka.

Ugudanbayna, shirkan qiimaynta ah ayaa lagu kalaqaatay talobixino, goldaloolo lasaxayo iyo waliba dhiirigalin in lasii adkeeyo dhinacyadii adakaa ee shaqooyinka laqabtay mashruuca.


Inaa-lilaahi Wa inaa-Ilayhi Raajicuun.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaca 19ka July 2017. Inaa-lilaah wa inaa ilayhi raajicuun waxaa maanta ku geeriyooday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga allah ha u naxariistee Marxuum abwaan Aadan Sheekh Abaadir oo kamid ahaa abwaanada deegaanka. Waxayna XDSHSI iyo xukuumada DDSI   tacsi tiiraanyo leh u direen ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaanba xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI ee uu ka geeriyooday marxuumku . Waxayna marxuumka illaahay uga baryeen in uu jano fardowsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan umada uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan kasiiyo.

Hadaba allah ha unaxariistee Marxuum abwaan Aadan Sheekh Abaadir oo  maanta ku geeriyooday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa ahaa abwaan kamid ah abawaanada deegaanka islamarkaana kasoo qaybqaatay halgan faneedkii hal abuur ee kooxaha fanka DDSI. Wuxuuna abwaanku ifka kaga tagay hal xaas iyo 8 caruur ah oo kala ah 3 wiil iyo 5 gabdhood.

 

Afdam Iyo 413 Qof Oo Dib Uhelay Aragoodii Indhaha.

$
0
0

Afdam(Cakaaranews) Khamiis 20ka July 2017. Waxaa si rasmi ah lasoo gabagabeeyay ololihii qaliink iyo daawaynta indhaha oo ay Bulshada Kunool  Degmada afdem  iyo nawaaxigeeda Ee Gobolka sitti kasocdey, Kaas oo bulshadu Kafaaiidaysanayeen adeegani qalniinka oo ay Bogaadiyeen islamarkaana Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa Waxaa lasoo gabagebeeyay ololihii qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada afdem iyo nawaaxigeeda ee  gobolka sitti, iyadoo maalmihii udanbeeyayba kasocday  adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.

Hadaba Hogaamiyaha kooxdan wareegta ee qalitaanka indhaha iyo daawaynta bilaashka ah ee DDSI mudane Cabdulaahi Xambali  ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha lasoo gabagabeeyay  islamarkaana loo adeegay bulsha dhan 413 qof oo isugu jira 218 qof oo laga daaweeyay indhaha iyo 83 qof oo lagu sameeyay qaliin indhaha ah, halka 112 qofna lasiiyay muraayadaha indhaha ee araga saxa, Wuxuuna intaa kudaray inay sidii loogu talagalay usoo gabagabeeyeen ololahan qaliinka iyo daawaynta indhaha. Uganasii gudbi doonaan degmada gota biki ee isla gobolka sitti.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada afdam   iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

 

Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Barnaamijka Halbeega Waxqabadka Isku Dheelitiran Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 20ka, July, 2017. Waxaa lagu soo gabagabeeyay caasimada DDSI ee jigjiga tababar uu soo diyaariyya xafiiska caafimaadka DDSI oo ku saabsan hirgalinta barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheelitiran balanced score card  (BSC).

Tababarkan oo socday muddo 8 maalmood ah ayaa waxaa loo hayay madax xafiiseedyada caafimaadka degmooyinka deegaanka iyo maamul magaalooyinka DDSI iyo maareeyayaasha xarumaha caafimaadka ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI waxaana soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI.

Waxaana soo xidhitaankiisii ka hadlay ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna gadhwadeenka geedi  socodka qorshaynta iyo dabagalka  xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaanle Xasan  oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu lahaa tababarkan  isaga oo sheegay in si looga midha-dhaliyo  hadafka iyo himilada istaraatajiyadaha caafimaadka loo baahan yahay  hirgalina  adeeg caafimaad oo  ku saleysan baahida iyo rabitaanka bulshada  taasi oo ah si loo hanto natiijada yoolalka horumarka siyaasada caafimaadka islamarkaana la  hirgaliyo qorshayaasha iyo barnaamijyada u dajisan deegaanka iyo dalkaba gaar ahaan barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheelitiran (BSC)  oo daba  socday barnaamijkii dib u hindisida geedi socodka shaqada ee ( BPR) wuxuuna ku simaha wasiirka caafimaadku  tilmaamay in uu barnaamijkan halbeega waxqabadka isku dheelitiran yahay mid tilmaamaya istaraatajiyadaha tabaha iyo xeeladaha lagu gaadhayo hadafka iyo himilada xafiisaka caafimaadka  wuxuuna ku booriyay xubnahan qaatay tababarkan  in ay sidii loogu talagalay u meelmariyaan cashiradii ay ka barteen mudadi uu socday tababarku si loogu midho dhaliyo ujeedooyinka tababarkan.

Dhankooda xubnihii qaatay tababarkan oo la hadlay warbaahinta deegaanka  ayaa sheegay in ay fahan buuxa ka qaateen hanaanka loo taabo galinayo barnaamijkan halbeega waxqabadka isku dheelitiran ee afka qalaad loo yaqaano balanced score card (BSC) islamarkaana ay sidii loogu talagalay u hirgalinayaan marka ay ku noqdoon goobtii shaqada. 

Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah Oo Loo Sameeyay Qurba Joogta DDSI Ayaa ka Dhacday jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),khamiis,20ka July,  2017.  Xaflad hadhimo sharafeed ah oo loo sameeyay qaarka mid ah qurba joogta DDSI gaar ahaan  ka soo jeeda gobolka jarar ayaa ka dhacday huteelka nogob ee caasimada Deegaanka ee  magaalada jigjiga.

Waxaana ka soo qaybgalay xafladan masuuliyiin ay ka  yihiin  wasiirka xafiiska gaadiidka, ganacsiga iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha  XDSHSI  mudane khadar cabdi  ismaaciil, gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo  qurba joogta u dhalatay deegaanka ee ka soo jeeda gobolka jarar  ee loo sameeyay hadhimo sharafeedka oo ka kala yimiday qaaradaha aduunka iyo waliba  qaaradaha  ganacsato iyo  odayaasha deegaanka.

Xafladan hadhimo sharafeedka ah oo soo diyaariyay  kuna casuumay qurba joogtan ganacsate Xuseen Ciise oo ka mid ah ganacsatada DDSI  ayaa ugu horayntii ka hadlay wasiirka ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xurunta dhexe ee XDSHSI  mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa ugu horayntii uga mahad celiyay qurba joogta DDSI kaalinta ay ka gaysanayaan taaba galinta  isbadalka horumarineed ee deegaanka ka taaba galay  isaga oo ka warbixiyay sida DDSI ay uga go’antahay xukuumada DDSI  sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay qurba joogta deegaanka wasiirka ayaa intaasi ku daray fursadaha maalgashi ee uu deegaanku hodanku yahay in ay qurba joogta DDSI ka faa’iidaystaan islamarkaana ay maalgashadoon dhulkooda hooyo,

Dhankiisa gudoomiyaha gobolka jarar  mudane Cabdi  Cali Mataan ayaa soo dhaweeyay qurba joogta DDSI ee ka soo jeeda gobolka jarar imaatinka ay yimaadeen deegaanka si ay u arkaan isbadalka horumarineed ee deegaanka sida xawliga ah uga taaba galay isaga oo sheegay in sanadihii ugu danbeeyay laga hirgaliyay gobolka jarar mashaariico kala duwan oo dhinaca horumarka ah mashaariicahaasi oo waxwayn ka dabalay kor u qaaditaanka  nolosha bulshada gobolka jarar islamarkaana loo baahan yahay in ay maalgashadoon qurba joogta DDSI ee ka soo jeeda gobolka jarar  in ay  maalgashadaan gobolkooda iyo guud ahaanba deegaanka intiisa kale maadaamo oo uu deegaanku qani ku yahay fursadaha maalgashiga

Dhankooda qurba joogtan loo sameeyay hadhimo sharafeedka ayaa bogaadiyay waxqabadka xukuumada DDSI ee sanadihii ugu danbeeyay laga hirgaliyay deegaanka  gaar ahaan sida ay xukuumada DDSI diirada u saartay qorshayaasha muhiimka u ah wax ka badalka bulshada xoolo dhaqatada iyo xoolo dhaqato beeralayda iyo hirgalinta hanaanka maamulka saxarka tiran iyo horumarinta magaalooyinka waxayna balan qaateen in ay si buuxda uga qaybqaadanayaan hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka islamarkaana maalgashanayaan deegaankooda.

Xafiiska Shaqaalaha Iyo Arimaha Bulshada DDSI Ayaa 40 Xubnood Oo Naafo Ah Ku Wareejiyay baaskiilo ay ku socdaan

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiisa, 20ka, July , 2017.  xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI oo ka duulaya taaba galinta qorshayaasha u dajisan xafiiska ee ku salaysan ka jawaabida baahiyada bulshada gaar ahaan kuwa qaba baahida gaarka ah ayaa maanta ku wareejiyay 40 xubnood oo ah naafada ku dhaqan  caasimada deegaanka ee jigjiga qalabka baaskiilada ay ku soconkaraan xubnaha naafadu kuwaasi oo isugu jira kuwa ardaydu ku tagi-karaan waxbarashadooda iyo kuwa dadka waawayn loogu talagalay.

Haddaba, wasiirka xafiiska shalaaha iyo arimaha bulshada DDSI marwo Kaamil Axmed Nuur oo ku wareejisay xubnahan naafada ah qalabka ayaa xafiiskeeda kula hadashay warbaahinta deegaanka waxayna sheegtay in xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDSI oo kaashanaya xukuumada DDSI uu wado dadaal xoogan oo kor loogu qaadayo ka jawaabida baahida bulshada qabta baahida gaarka ah wasiirka ayaa intaa ku dartay in uu xafiisku sanadkan xooga saarayo dhismaha xarumo lagu tayactiro qalabka ay adeegsadaan dadka qaba baahida gaarka ah gaar ahaan xubnaha naafada ah iyo goobo lagu sameeyo gulaha artafiishaalka ah/ aan caadiga ahayn.

Dhankooda xubnihii lagu wareejiyay qalabkan baaskiilada ah ayaa siwayn ugu mahad naqay xukuumada DDSI iyo xafiiskan oo gaadhsiiyay qalabkan waxayna sheegeen in ay kaalinwayn ka qaadayo qalabkani baahidii dhinaca socodka ah ee ay qabeen.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>