Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Kooxda Kubada Cagta Ee Gobolka Dollo Oo Gashay Kaalinta 3aad

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 18ka August 2017. Tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka ee kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa waxaa maanta kaalinta 3aad wada ciyaaray kooxda gobolka dollo iyo kooxda mm wajaale.

Hadaba ciyaartan  xiisaha lahayd ee dhexmartay kooxda gobolka Dollo iyo kooxada mm wajaale  oo ay tageero aad utira badan soo buux dhafiyeen garoonka ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay 2-1  oo ay guushu ku raacday kooxda gobolka Dollo islamarkaana ay ku noqdeen kooxda 3aad ee tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada iyo mm deegaanka.

Sikastaba ha ahaatee, tartanka ciyaaraha kala duwan ee ka socda xarunta deegaanka ayaa maraya gabagabo islamarkaana ay labada kooxood ee gobolka Daawa iyo Sitti ay wada ciyaari doonaan kulanka kaga danbaysta finaalka.


Saraakiisha Ciidamada Booliska Oo Dhir Beeris Ku Sameeyay kuliyada Tababarka ciidanka Ee Shaalaqe Mahad Soofe

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Sabti 19ka August 2017.Saraakiisha ciidamada booliska ayaa 400 oo geed ku beeray kuliyada tababarada ciidanka ee shaalaqe mahad soofe, halkaas oo ay si wada jir ah dhirta ugu beerayeen saraakiisha kaladuwan ee booliska DDSI iyo waliba ciidamada tababarku u socdo ee ku xaraysan kuliyada.

Hadaba, komishineerka Komishinka Booliska DDSI mudane Farxaan Daahir Barkhadle oo kasooqaybgalay dhirbeeristan ayaa sheegay in ololahani yahay mid dhir beeris ah islamarkaana ay saraakiisha ciidamada boolisku si wada jir ah dhir ugu beerayeen kuliyada tababarada ciidanka ee shaalaqe mahad soofe. Wuxuuna intaas kudaray in dhir beeristani ay qayb kaqaadanayaso bilicda kuliyada.

Dhankooda saraakiishii kasooqaybgashay dhirbeeristan oo iyana dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in maanat 400 oo geed kubeereen kuliyada tababarada ciidanka ee shaalaqe mahad soofe, waxayna tilmaameen in ka ciidan ahaan dhankooda ay si balaadhan uga qaybqaadanayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka cagaaran.

Iskusoowada duuboo, waxaa xusid mudan in baryahan ay si balaadhan uga socoto ololaha dhir barista iyo nadaafada ee caasaimada DDSI ee magaalada Jigjiga.

Kooxda Gobolka Sitti Oo Ku Guulaysatay Koobkii Tartanka Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo MM Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 19ka August 2017.  Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagusoo gabagabeeyay koobkii tartanka kubada cagta ee gobolada iyo mm deegaanka oo ay finaalka isugu yimaadeen kooxda gobolka sitti iyo kooxda gobolka Daawa.

Hadaba ciyaartan finaalka ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta  sare ee xukuumada DDSI oo ugu horeeyo afhayeenka goloha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq , Madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase,Wasiir kuxigeenka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan Khayre, qaar kamid ah golaha kaabaneega, agaasimayaasha xafiisyada heer deegaan, taageerayaasha labada kooxood iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan xarunta deegaanka.

Hadaba ciyaartan  xiisaha lahayd ee dhexmartay kooxda gobolka Sitti iyo kooxada kooxda gobolka daawa  oo ay tageero aad utira badan soo buux dhafiyeen garoonka casriga ah ee magaalada jigjiga islamarkaana ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar wanaag ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbaro 0-0 ah. Waxaana ladhigay rigoore  oo ay guushu ku raacday kooxda gobolka Sitti islamarkaana ay ku qadeen koobkii tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada iyo mm deegaanka.

Ugu danbayna waxaa la guda galay abaalmarintii kooxaha kaalamaha hore galay oo ay halkaas abaalmarinta ku gudoonsiiyeen mas’uuliyiin uu ugu horeeyo afheenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax iyo Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase islamarkaana ay kula dardaarmeen kooxihii kaalmaha hore galay oo ay ugu horayso kooxda gobolka sitti inay halkaas dadaalkooda kasii wadaan si ay ooga qaybgalaan tartamada dalka iyo kuwa heer caalam.

Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah kooxda gobolka sitti ee ku guulaysatay koobkan oo sheegay inay aad oogu faraxsan yihiin koobkan ay ku qaadeen iyadoon hal ciyaarna lagabadinin islamarkana ay dadaalkooda halkaas kasii wadi doonaan.

Meles-Park Iyo Ololo Balaadhan Oo Dhir Beeris Ah Oo Kadhacay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 19ka August 2017.Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadhacay ololo balaadhan oo isugujira dhir-beeris iyo soobandhig carwo-horumarineed islamarkaana lagu xusayo xasuustii Ra[isal-wasaarihii hore ee aragtida dheeraa mudane Meles Zenewi.

Hadaba, dhirbeeristan iyo soo bandhigida carwo-horumarineedan ayaa laguqabtay xarunta cagaaran ee lagu magacaabo Meles Park ee magaalada jigjiga. Waxaana kasooqaybgalay masuuliyiinta deegaannka oo uu ugu horeeyo Afhayeenka Golaha Xildhibaanada ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed-rashiid Isaaq, Golaha wasiirada deegaanka, masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga iyo waliba shaqaalaha DDSI. Iyadoo tanina ay tahay xuska maamuuska sanadguurada 5aad ee kasoowareegtay geeridii Raisal-wasaarihii hore ee Dalka mudane Meles Zenewi. Islamarkaana lagu xusayo argtiyadiisii iyo yoolashiisii ku aadana horumarka cagaaran.

Sidookale, soobandhiga carwo horumarineeda ayaa iyana ahayd mid lagu soo bandhigayo guulaha horumarineed ee laga gaadhay dhinacyada horumarka, nabadgalayada iyo maamulka suuban. Taasoo lasoo bandhigay 5tii sano ee udanbaysay iyo waliba sawiro ka turjumaya xaaladii xumayd ee uu deegaanka iyo dalkuba soomaray.

Iskusoowada duuboo, ololahan dhir beerista iyo soobandhiga carwo horumarineedan ayaa ah mid lagu xasuusanayo yoolashii iyo hadafyadii Raisal-wasaarihii hore ee dalka JDFI mudane MelesZenewi oo ahaa hogaamiye aragti-dheer.

Dhalinyarada MM Godey Oo Lagu Wareejiyay Lacag Dhan 40 Milyan Oo Birr

$
0
0

Godey(Cakaaranews) Axad 20ka August 2017. Saboolnumadu waa cadawga ugu xun ee bini aadamka Waxayna dumisaa mustaqbalka iyo hamiga toosan ee qof lee yahay Si looga baxa taasna xukuumada DDSI iyo ta fadaraalkuba waxay wadaan dadaalo lagaga hortagayo saboolnimda, Dhalin yaradana loogu abuurayo fursado shaqo oo ay ku helayaan manfac ku filan wadankana wax ugu qabtaan.

Hadaba 740 dhalinyaro ah oo ku nool magaalada godey kana kooban 69 iskaashato ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay lacacago ay ku shaqaystaan oo dhan 40 miliilon oo birr. Waxaana ku wareejiyay masuuliyiin ay kamid ahaayeen wasiir ku xigeen xafiisak maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale, wasiirka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan, gudoomiyaha gobolka shabeelle mudane farxaan cabdi maajuun

Waxaana Ugu horayn dhalinyartan la lahadlay Wasiirku xigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale  oo sheegay dhalinyartan iskugu xidhan iskaashatooyinka ee lasiiyay lacagahan looga baahan yahay inay  noqdaan kuwo wax soo saar leh oo ku tiirsanaada muruqooda waxay kula soo baxaan. Wuxuuna masuulku kula dardaarmay dhalintan in loo baahan yahay inay  ka midha dhaliyaan yoolasha iyo qorshayaasha udajisan xukuumada faderalka iyo tan deegaankaba islamarkaana la doonayo inuu dalku kamid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay

Geestoodana waxaa iyaguna hadallo dardaaran iyo gubaabin isugujira kasoo jeediyay wasiirka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan iyo gudoomiyaha gobolka shabeelle mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo sheegay in dhalinyartan la gudoon siiyay lacagaha looga baahan yahay inay ka faaiidaystaan fursadan qaaliga ah ee ay ka heleen xukuumadooda suuban islamarkaana ay lacagahan u isticmaalaan nidaamkii la isugu xidhay ee iskaashata walba soo diyaarsatay kana keenaan natiijo wax ka ool ah. Waxayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in fursadan dahabiga ah sidii loogu talagalay looga faaiidayto .

Sidoo kale waxay masuuliyiintu ku wareejiyeen iskaashatooyinka dhinaca beeraha ka shaqaysan doona dhul beereedkii ay ku beeran lahaayeen wax soo saarka ay shaqadiisa bilaabayaan, isalmarkaana laga caawin doono midhihii ay ku beeri lahaayeen iyo qalabkiiba.

Ugu danbayna  Dhalinyaradan lagudoonsiinayay lacagtan loogu abuurayo fursadaha shaqo oo dareenkooda cabirayay  ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin kana midho dhalindoonaan hadafka xukuumada u hurtay intan oo lacag ah inay shaqo ugu abuurto iyada oo ka fikiraysa noloshooda iyo sidii ay u noqon lahaayeen dad wax soo saar leh oo kufilnaada noloshooda iyo tan bulshada deegaanka.

Sikastaba ha ahaatee Qorshahan shaqo abuurku kuma eka oo kali ah dhalin yarada magaalada godey ee dhamaan,dhalinyarada bilaa camalka  ah ee ku dhaqan deegaanka oo dhan ayaa looga faaiideynayaa islamarkaana ay  xukuumadu ugu talagashay in ay ku maalgaliso malaayin lacag ah si loo jabiyo cadawga kali ah een lee nahay oo ah saboolnimada.

Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta Waraabka Iyo Dooxooyinka DDSI Oo Sheegay Guulaha Laga Gaadhay Dhinaca Dib U Dajinta Bulshada.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 20ka August, 2017. Wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Xasan Cabdiraxmaan Aadan oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in guulo mug leh laga gaadhay qorshihii sanadka 2009TI ee dhinaca dib u dajinta bulshada xoolo dhaqatada ahayd ee loo badalay xoolo dhaqato beeralay iyo taaba galinta qorshaha hirgalinta mashaariicaha horumarka waara ee deegaanka  Sustainable Development Goals  (SDG)

Wasiirka ku xigeenka  ayaa sheegay in qorshihii u yaalay xafiiska  sanadka 2009TI ee la soo dhaafay laga soo hooyay guulo waawayn oo gashi u noqday  bulshada Deegaanka taasi oo la dajiyay ayuu yidhi wasiir ku xigeenka sanadkan 2009TI, qaysas dhan 6,825 qays   kuwaasi oo markii hore ahaa bulsho reer guuraa ah. Balse markii  ay xukuumada DDSI u samaysay dib u  dajint isbadal horumarineed lagu sameeyay hab nololeedkii bulshada  lagana dhigay bulsho xoolo dhaqato beeralay ah kana  Raystay Noloshii adkayd ee reer-guuraaga ahayd islamarkaana   ka   faa’iidaysanaya adeegyada kale ee aas aasiga ah ee ay xukuumada DDSI  hirgalisay sida:- waxbarashada, caafimaadka, xarumaha xanaanada iyo helitaanka  biyaha nadiifta kuwaasi oo laga  hirgalisay goobaha laga sameeyay dib u dajinta.

Dhinaca kale wasiirka ku xigeenka  ayaa tibaaxay hirgalinta mashaariicaha waaweyn ee horumarka waara (SDG)  gaar ahaan  mashaariicaha waawayn ee la dhamays tiray ee ay ka midka yihiin mashaariicaha waraabka beeraha ee baka, birqod, goomaar, wijiwaaji, maraacaato iyo mashaariicaha kale ee ah  buundada waangay, mashaariicaha  biyo galinta xaaqo, qabribayax, harta sheekha,  birqod, gunagada, buundada soora iyo buundooyin kale oo muhiim u ah isku socodka bulshada degmooyinka deegaanka ee hore u kala xidhnaan jiray.

Ugu danbayntii wasiirka ku xigeenka  ayaa sheegay in xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI xooga saarayo ka midho dhalinta  dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto taaba galinta   istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee lagu tir tirayo sabaalnimada   kuwaasi oo ay  sal u yihiin hirgalinta mashaariicaha horumarka waara ee SDGga, hirgalinta qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha wajigiisa 2aad ee (GTP2) ee dalku kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay iyo waliba hirgalinta qorshaha ah isku filnaan shaheena waan soo ceshankarnaa.

 

 

Maareeyaha kuliyada Waxbarashada Macalimiinta ee MM Qabridahar Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Kuliyada

$
0
0

Qabridahare(cakaaranews)Isniin 21ka August 2017.Maareeyaha kuliyada waxbarashada macalimiinta ee magaalada qabridahar mudane Maxamuud Cabdiqani Axmed oo kawarbixiyay waxqabadka kuliyada ayaa sheegay  in ilaa iyo intii kuliyadu shaqada bilawday ay ka qalinjabisay guud ahaan Macalimin tiradoodu kor u dhaafayso 1500 oo macalin islamarkaana ay wakhti xaadirkan waxbarashada xagaaga kujiraan ardaydii xiliga xagaaga oo tiradoodu ka badantahay 1000  arday oo isugujira  macalimiinta 10+1 ee looyaqaano TTI iyo macalimiin ABE ahaa oo ugudbaysa TTI.

Hadaba, maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kuliyadan waxbarashada macalimiinta ee mm qabdiradahar ay shaqada bilowday 2006 T.I islamarkaana ardayda ka qalinjabisay ay kala yihiin sidan macalimiinta heer ka diplomaha oo ah  58 arday oo qalinjabisay 2008 iyo 2009 TI. Sidookale Macalimiinta loo yaqaano Accelarated 10+1 ama TTI ee kaqalinjabisay ayaa iyana tiradoodu dhantahay 1127  macalin kuwaasoo 570 macalin oo kamid ahi ay qalinjabisay 2007 T.I meesha  557 macalina ay qalinjabisay 2008 T.I. sidookale maareeyaha ayaa xusay in 2007 T.I ay  iyana 345 macalin oo ah macalimiinta reerguuraaga ee looyaano ABE  ay ka qalinjabisay kuliyada.

Wuxuuna carabka kudhuftay in wakhti xaadirkan waxbarashadii xagaaga ee summer programku  u socdo macalimiin cusub oo ah macalimiinta accelerated (10+1) iyo kuwo Upgrade ah Oo tiradoodu dhantahay 1060 macalin.

Sidookale, maareeyaha ayaa tilmaamay in nidaamka baris barasho ee kuliyadu uu siwanaagsan usocdo islamarkaana ay dhamaystiranyihiin adeegyadii waxbarasho walaw ay jiraan adeegyo yaryar oo ka maqan kuliyada islamarkaana ay Rajaynayaan in durba ay dhamaystirmaan sanadkan.

Ugudanbayna, qaarkamid ah ardayada macalimiinta ah ee kuxaraysan kuliyada oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in nidaamka baris barasho ee kuliyadu uu aa dufiiicanyahay islamarkaana ay  u mahadcelinyaan xukuumada DDSI iyo walib maamulka Kuliyada wabarashada macalimiinta ee qabridahare.

Wakaalada Hor- Khay- Biyaha Ee MM Qabridahar Oo Haamaha Yaryar Ee Biyaha Nadiifiya U Qaybiyay 600 Oo qoys

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Isniin 21ka August 2017.Maareeyaha wakaalada Hor/Khay-Biyaha MM Qabridahar mudane Maxamed Isaaq Digaale ayaa 600 oo qoys oo kamid ah qoysaska kunool 10 ka xaafadood ee magaalada u qaybiyay haamaha nadiifiya biyaha cabitanka ah kuwaasoo ah haamo yaryar oo mugoodu qaadi karo 12 Liter oo Biyo ah islamarkaana halkii saac ee kastaba 2 Literr oo biyo ah nadiifinaysa jeermiskiina kasaaraysa.

Hadaba, Maareeyaha wakaalada Horumarinta Khay- Biyaha ee MM Qabridahar mudane Maxamed Isaaq Digaale oo kahadlay qalabkan uu gudoonsiinayo qoysaska ayaa sheegay in qalabkani yahay mid aad muhiim u ah islamarkaana ay u qaybinayaan 600 oo qoys oo kudhaqan magaalada qabridahare. Wuxuuna intaas kudaray in qalabkani yahay haamo yaryar oo isku gudajira islamarkaasna aalad yar oo biyaha nadiifiya dhaxda kuleh kadibna biyaha lagu shubay hanta kore usii gudbinaya haanta hoose isagoo kadilaya wixii jeermis ahaa biyiihiina nadiif kadhigay. Wuxuuna tilmaamay in haantu ay qasabad yar hoosta kuleedahay oo biyaha lagaga shubanayo ama lagaga cabayo galas. Halkiisaac ee kastana 2 liter oo biyo ah nadiif kaga dhigaysa.

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa qoysaskii qaatay qalabkan kula dardaarmay in maadaama oo si practical ah lootusay qalabkan iskuxidhkiisa iyo sida loo isticmaalayo ay uga faa’iidaystaan sidii loogu talagalay. Isagoo carabka kudhuftay in dhamaan qoysaskan qaatay ay ka badbaadayaan xanuunada ay keeni karaan biyaha jeermiska leh ama aan nadiifta ahayn.

Ugudanbayna qoysaskii qaatay qalbkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in aad ugu mahadcelinayaan maamulka magaalada qabridahar gaar ahaan wakaalada biyaha MM Q/dahar ee u qaybisay haamahan casriga ah ee loogu talagalay inay nadiifiyaan biyaha cabitaanka. Waxayna balan qaadeen in sidii loogu talagalay ay uga faa’iidaysanayaan.


Xafiiska Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha DDSI Oo Kulan La Yeeshay Kooxda Kubada Cagta Ee Warbaahinta Deegaanka Iyo Kooxda Kubada Cagta Ee Kooxaha Fanka DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 21ka August 2017. koob loogu magac daray isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa oo ay ku tartamayaan kooxda ciyaaraha kubada cagta ee warbaahinta iyo kooxda fanaaniinta DDSI ayaa maalinta jumcaha ka dhaci doona garoonka kubada cagta ee magaalada jigjiga.

Haddaba xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI oo kulan la yeeshay labadan kooxood ee ku tartamaya koobka loogu magic daray isku filnaanshaheena waan so ceshankarnaa ayaa waxaa ugu horaynt ka hadlay wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan oo sharax dheer k bixiyay shuruudaha ciyaaraha kubada cagta silamarkaana usheegay labadan kooxood inay si wanaagsan uwada ciyaaraan maadaama ciyaartani tahay ciyaar saaxiibtinimo. Wuxuuna mas’uulku intaa ku daray in kooxahan looga baahan yahay inay halkaas kasii wadaan ciyaaraha si ay uhelaan caafimaad iyo khibrad ciyaareedba.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah ciyaartoyda labada kooxood oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin ciyaartan saaxiibtinimo ee ay wada ciyaarayaan labadan kooxood maalinta jumcaha ah.

 

 

MW JDFI Dr Mulatu Teshome Oo Xuska Maalinta Ciidanka Booliska Dalka Abaalmarin Gudoonsiiyay Ciidanka Booliska DDSI

$
0
0

Addis ababa(Cakaaranews) Talaado 22ka August 2017. Waxaa xarunta dalka ee magaalada addis ababa gaar ahaan madasha shirarka ee Miliniyaam adharaash lagu xusay munaasabada xuska maalinta ciidanka booliska dalka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin uu ugu horeeyo madaxwayanaha JDFI mudane Dr Mulatu Teshome, Mas’uuliyiinta ciidanka booliska ee dalka, Komishineerada deegaanada iyo labada ismaamul magaalo ee dalka iyo marti sharaf kale.

Hadaba munaasabada xuska maalinta ciidanka booliska dalka oo lagusoo bandhigayay waxqabadka ciidanka booliska dawlad deegaanada dalka ayaa wuxuu madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu Teshome  abaal marin ku gudoonsiiyay ciidanka booliska dawlad deegaanka soomaalida itoobiya oo uu ka gudoomay komishineerka komashinka booliska DDSI mudane Farxaan Daahir Barkhadle. Iyadoo madaxwaynaha dalku uu ku amaanaya booliska DDSI sugida amaanka, Taabagalinta horumarka deegaanka,ka qaybqaadashada mashruuca biyo-xidheenka wabiga Abay iyo hirgalinta xidhiidhka udhaxeeya booliska iyo bulshada.

  

MM Qabridahar Iyo Shaqo Abuurka Dhalinyarada

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Arbaco 23ka August 2017.Kadib markii xukuumada DDSI ay qaadatay talaabooyinka lagu tirtirayo saboolnimada islamarkaana  shaqo abuurka loogu samaynayo dhalinyarada deegaanka ayaa waxaa baryahanba maamul-magaalooyinka deegaanka kasocday shaqo abuurka dhalinyarta ee lagu siinayay lacagihii ay kusamaysan lahaayeen iyo waliba dhulkii. Iyadoo maalmahana  MM-Qabridahar ay kasocdeen abaabulo iyo tababaro kaladuwan oo loohayay iskaashatooyinka dhalinyarada ah, taasoo ay si wada jir ah ugu hawlanaayeen Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale oo ay waheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey iyo waliba Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta (TVET)

Iskaashatooyinka dhalinyarada ah ayaa kadib markii tababaro kaladuwan lasiiyay oo ku aadan cilmiga iyo shuruucda shaqadooda ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay aduun lacageed oo dhan 40 milion oo birr. Islamarkaana gacanta laga saaray dhalinyar tiradoodu kudhawdahay 700 oo xubnood oo isugu jira Rag iyo Dumar. Iyadoo iskashatooyinkaninna ay dhanyihiin 65 iskaashato oo  intooda badan ay ku qotamaan naaxinta xoolaha iyo waxsoosaarka beeraha walaw ay kujiraan iskaashatooyinka warshadaha yaryar.

Hadaba, kahor intaan lacagta lasiinin dhalinyarta ayaa waxaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa usoojeediyay dhalinyarada Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale  oo sheegay in sanadihi ugu danbeeyay uu dalkeenani itoobiya qaatay jihooyin horumarineed oo ku aadan bulshada,  gaar ahaan sidii dhalinyarta shaqo abuur loogu samayn lahaa maadaama oo bulshada dalkeenan itoobiya ay tahay 70% dhalinyar. Wuxuuna intaa kudaray wasiir-kuxigeenku in shaqo abuurka dhalinyartu ay tahay tubaha ugu muhiimsan ee lagaga qalinjabinayo saboolnimda. Wuxuuna kubooriyay in iskaashatooyinkani ay kasoodhalaan waxsoosaarkooda oo ay noqdaana kuwo natiijo kakeena shaqooyinkoodaas.

Sidookale, waxaa iyaguna hadallo dardaaran iyo gubaabin isugujira kasoo jeediyay wasiirka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan iyo gudoomiyaha gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in dhalinyartan la gudoon siiyay lacagaha looga baahan yahay inay ka faaiidaystaan fursadan qaaliga ah ee ay ka heleen xukuumadooda suuban islamarkaana ay lacagahan u isticmaalaan nidaamkii la isugu xidhay ee iskaashata walba soo diyaarsatay kana keenaan natiijo wax ka ool ah. Waxayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in fursadan dahabiga ah sidii loogu talagalay looga faaiidayto .

Kadibna, masuuliyiintii heer deegaan, Heer-Gobol iyo Heer Maamul magaalo ayaa si quruxbadan ugu wareejiyay iskaashatooyinkan lacagihii loogu talagalay midkasta iyadoo maslaxa loogu yeedhayay marba hal iskaashato, kadibna lagu wareejinayay

Sidookale, waxay masuuliyiintu ku wareejiyeen iskaashatooyinka dhinaca beeraha ka shaqaysan doona dhul beereedkii ay ku beeran lahaayeen wax soo saarka ay shaqadiisa bilaabayaan, islamarkaana laga caawin doono midhihii ay ku beeri lahaayeen iyo qalabkiiba.

Ugudanbayna, dhalinyaradan la gudoonsiinayay lacagtan loogu abuurayo fursadaha shaqo oo dareenkooda cabirayay  ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin kana midho dhalindoonaan

 

 

 

Qurba Joog U Dhalatay DDSI Oo Agab Caafimaad Ku Wareejiyay Xafiiska Caafimaadka DDSI

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 24ka August, 2017. Xaflad lagula kala wareegayay agabka caafimaadka   noocyadiisa kala duwan oo ay qurba joog u dhalatay DDSI ka soo iibiyeen dalka dibadiisa ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee huteelka ZM ee caasimada deegaanka.

Waxaana ka soo qaybgalay xafladan lagula kala wareegayay agabkan caafimaadka masuuliyiin Ka kala socotay xafiiska caafimaadka DDSI, xafiiska arimaha haweenka DDSI, wakaalada xidhiidhka  qurba joogta DDSI ururka horumarinta somalida itoobiya, wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntooyinka DDSI, xubnaha qurba joogta  DDSI ee waday agabkan iyo marti sharaf kale.

Waxaana furitaankii xafladan ugu horayntii ka hadlay ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna gadhwadeenka geedi socodka qorshaynta xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaanle  Xasan oo ugu horayntii u mahad celiyay qurba joogtan soo gaadhsiiyay deegaanka agabka caafimaadka noocyadiisa kala duwan wuxuuna sheegay in qalabkan caafimaadka ee ay keeneen qurba joogtani kaalin mug leh ka qaadan doona dar-dargalinta adeegyada caafimaadka wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay ururka haweenka jaaliyada DDSI ee wadanka Finland ee xarunta caafimaadka ka hirgaliyay caasimada gobolka Qoraxay  islamarkaan maanta keenay qalabkii ay ku shaqayn lahayd xarunta caafimaadka sidoo kale waxa uu u mahad celiyay masuulku jaaliyada DDSI ee wadanka dheermak ee soo gaadhsiiya deegaanka qalab caafimaad isaga oo intaasi ku daray in ay gaadhsiindoonaan goobihii loogu talagalay qalabkan

Dhankooda waxaa ka hadlay xafladan wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud haybe iyo maareeye ku xigeenka ururka horumarinta soomalida itoobiya mudane Cabdilaahi Maxamed Cabdi kuwaasi oo si mug leh ugu mahad celiyay qurba joogtan soo gaadhsiiya deegaanka qalabka caafimaadka waxayna ka warbixiyeen kaalinka balaadhan ee ay qurba joogta u dhalatay deegaanku ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka deegaanka iyaga oo ku booriyay qurba joogtan in ay sii wadaan dadaalka ay kaga qayb qaadanayaan hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee DDSI.

Dhankooda qurba joogtan u dhalatay deegaanka ee ka kala socotay jaaliyada DDSI ee wadanka dheermarki iyo ururka haweenka ee jaaliyada DDSI ee wadanka Finland oo ahaa kuwa deeqdan agabka caafimaadka waday oo  ka hadlay xafladan ayaa sheegay in ay markasta garab taagan yihiin xukuumada DDSI islamarkaana si mug leh uga qayb-qaadanayaan dadaalka loogu jiro taaba galinta qorshayaasha horumarineed ee DDSI waxayna sheegeen in ay qalabkan caafimaadka  oo ay ka soo iibiyeen dalka dibadiisa ugu talagaleen in ay kaga qayb-qaataan dadaalka ay xukuumada ugu jirto tayaynta adeegyada caafimaadka.

Ugu danbayntii waxaa xafladaasi shahaadooyin sharaf lagu gudoonsiiyay xubnihii jaaliyadaha DDSI ee soo gaadhsiiyay deeqdan agabka caafimaadka deegaanka

Kulan Ku Saabsanaa Hogaaminta Sare Ee Maaraynta Caafimaadka Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 24ka August 2017. Tababarkan oo uu soo diyaariya xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa  kasoo qaybgaleen geedisocodyada xafiiska caafimaadka iyo bah-wadaagtiisa islamarkaana ujeedadiisu ahayd hogaaminta sare ee maaraynta caafimaadka iyo kor uqaadida tayada caafimaadka iyo maamulka suuban. Iyadoo tababarkan lasiinayay hogaaminta caafimaadka islamarkaana lagu kobcinayay garaadkooda aqooneed si ay guulo koogasoo hoyiyaan adeegbixinta dhinaca caafimaadka ee lasiinayo bulshada.

Hadaba tababarkan oo ka koobnaa afar waji islamarkaana lasiinayay hogaaminta xafiiska caafimaadka iyo bah-wadaagtiisa ayaa wajigan oo ahaa kii udanbeeyay waxaa xidhitaankiisii ka hadlay ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna gadhwadeenka geedi socodka qorshaynta xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaanle  Xasan oo hogaamintan  ku booriyay inay cashirada ay qaateen guulo wax ku ool ah ka keenaan isbadal balaadhan ka muujiyaan dadaalada kor loogu qaadayo adeeg bixinta caafimaadka ee lagu xakamaynayo cudurada faafa. Wuxuuna masuulku intaa ku daray in koox walba loo baahanyahay inay ka midha dhaliyaan mawdiicii loo dhiibay ee fahanka buuxa lagasiiyay.

Ugu danbayna waxaa kulan fikirkooda ka dhiibtay laguna abaal mariyay qaar kamid ah xubnihii ka qaybgalayaasha ahaa islamarkaana sheegay inay ficil ku muujin doonaan cashiradii ay ku qaateen kulankan.

Tababar Ku Saabsan Kobcinta Awooda Fulineed Ee Hay’adaha Cadaalada Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),jumce, 25ka August, 2017. tababar ku saaban sidii kor loogu qaadilahaa kobcinta awooda fulineed ee  hay’adaha cadaalada degmooyinka deegaanka oo loo qabtay 375 xubnood oo ka socda 15 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka ayaa ka furmay caasimada deegaanka ee jigjiga.

Tababarkan ay   soo diyaarisay maxkamada guud ee DDSI  ayaa waxaa furitaankiisii  ka hadlay gudoomiyaha  maxkamada guud  DDSI mudane ugaas  Cabdilaahi  Maxamuud Cabdi oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarku wuxuuna sheegay in dulucdiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa awooda fulineed ee hay'adaha  cadaalada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka si loo xoojiyo  ilaalinta xuquuqaha  sharciga caruurta uu siiyay dastuurkeenu gudoomiyaha ayaa sheegay in guulo waawayn deegaankeenu ka gaadhay taamyeelida ilaalinta  xuquuqaha aadamaha iyada oo   ahmiyada gaar aha la siiyay ilaalinta xuquuqaha  haweenka iyo caruurta. Gudoomiyaha ayaa ku booriyay xubnahan tababarka loo furay in ay ka faa’iidaystaan cashirada la dhigayo mudada uu tababarku socdo.

Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii tababarkan gudoomiye ku xigeenka maxkamada guud ee DDSI  mudane Axmed Maxamed Shukri oo ka warbixiyay dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto taaba galinta, ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee lagu gaadhayo wamada dhaqaalahoodu iyo  xaqiijinta sarraynta sharciga intaba  si ay muwaadiniinta bulshadu si buuxda   u helaan xuquuda garsoor ee uu dastuurku siiyey sidoo kalana adeegyada ay bixinayaani  hay’adaha cadaaladu noqdo  mid  firfircoon, casri ah isla markaasna leh ka gun-gaadhid ay si dhab ah u taaban karto bulshada gaar ahaan xuquuqaha caruurta wuxuuna ku booriyay  gudoomiye ku xigeenku in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan xubnahan loo furay tababarka si looga guul gaadhoo ujeedooyinka laga leeyahay tababarka. 

Masuuliyiin Sare Oo Soo Kormeeray Xarumaha Ganacsiga iyo Wax Soo saarka Iskaashatooyinka Dhalinyarada MM jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),jumce, 25ka August, 2017. Masuuliyiin sare sare oo ay hogaaminayeen afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane maxamedrashiid isaaq, wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane khadar cabdi ismaaciil  masuuliyiin heer deegaan ah iyo gudiyada joogtada ah ee xafiiska golaha xildhibaanada DDSI iyo masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga ayaa soo kormeeray geedi socodka shaqo ee iskaashatooyinka dhalinyaradii  magaalada jigjiga ee dhawaan shaqo abuurka ay u samaysay xukuumada DDSI.

Masuuliintan ayaa si wada jir ah soo kormeeray  xarumaha  ay iskaashatooyinku ka wadaan ganacsiga noocyadiisa kala duwan iyo wax soo saarka beeraha sida xarumaha naaxinta xoolaha, xarunta wax soo saarka digaaga iyo waliba iskaashatooyinka ku hawlan wax soo saarka beeraha. Iskaashatooyinkaasi oo goobo ka haboon naaxinta xoolaha iyo wax soo saarka beeraha looga sameeyay tuleedka caasimada deegaanka ee jigjiga.

Afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedada booqashadan masuuliyiintu tahay sidii ay u soo indha indhayn lahaayeen geedi socodka ganacsiga iyo wax soo saarka iskaashatooyinka dhawaan xukuumada DDSI u samaysay shaqo abuurka si loo tir tiro saboolinada loona gaadha wadama shaqaalahoodu meel dhexaadka yahay iyo isku filnaansho afhayeenka ayaa sheegay in durba uu fiican marayo ganacsiga iskaashatooyinka dhalinyarada ah iyo wax soo saarka beerahoodu iyada oo si casriga looga faa’iidaysanayo ganacsiga xoolaha iyo wax soo saarka beeraha oo ah nidaam casriya

Dhankooda wasiirka xafiiska xirfadaha tababarada iyo farsamooyinka DDSI mudane Naasir Xasan, madaxa xafiiska golaha Xildhibaanada DDSI mudane Axmedyaasiin Cabdi khaliif iyo  ku simaha maayirka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane fadxi shukri oo ka hadlay warbaahinta deegaanka  ayaa sheegay in iskaashatooyinka dhalinyarada ee dhawaan loo sameeyay shaqo abuurku ka mid  yihiin qorshayaasha, istaraatajiyadaha iyo jihooyinka lagu tir tirayo saboolnimada qaybna ka yihiin xirfadaha dhiig joojinta saboolnimada iyo hirgalinta qorshaha ah  waan soo celinkarnaa isku filnaanshaneena.

Gabagabadii kormeerkan  ayaa waxay masuuliyiintii iyo gudiyada kala duwan ee xafiiska golaha xildhibaanada  DDSI halkaasi ku iibsadeen  qofkiiba hal neef oo ADHIGA  io  UKUNTA  digaaga maadaama ay soo dhawdahay munaasabada wayn ee ciidal odxada   


Tababar ku Saabsan Siyaasadaha Iyo Istaraatijiyadaha Horumarinta Warshadaha Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 25ka, August 2017. Tababar ujeedadiisu tahay siyaasadaha  iyo istraatijiyadaha horumarinta warshadaha islamarkaana uu soo agaasimay xafiiska Ganacsiga, Gaadiidka iyo Warshadaha DDSI ayaa si habsamileh uga qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Haddaba, tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka socday xafiisyada kaladuwan ee ay bahwadaagta yihiin xafiiska ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay wasiirka xafiiska Ganacsiga, Gaadiidka iyo Warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga ee xarunta dhexe ee XDSHSI  mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo sheegay in siyaasada guud ee horumarinta dalkeenu ay tahay mid kusalaysan horumarinta beeraha ee looga gudbayo warshadaynta ama warshadaha. Wuxuuna intaa kudaray in xukuumadau ay ahmiyad balaadhan siisay dhanka warshadaha islamarkaana ay samaysay jawigii ku haboonaa. Xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiskana looga baahanayahay in ay doorkooda kaga aadan ay kaqaataan ee dhinaca hirgalinta iyo ka midho dhalinta siyaasada iyo istaartijiyadaha horumarinta warshadaha.wasiirka ayaana kula dardaarmay xumnihii kasooqaybgalay tababarkan in inta uu socdo casharku ay si fiican uga faaiidaystaan tababarka.

Sidookale, Wasiir-Kuxigeenka Xafiiska Ganacsiga, Gaadiidka iyo Warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri  ayaa isna dhankiisa halkaasi kusoobandhigay hadalo muhiim ah islamarkaana sharaxaado kala duwan kabixiyay ujeedooyinka tababarkan. Wuxuuna  soo bandhigay siyaasada dheer ee dalkeenu u dajiyay horumarinta warshadaha si wax soo saarka beeraha loogu hago warshadaha iyadoo cashirada halkaasi lagu soo badhigayay ay dhamaantood ku qotameen isku jaangoynta khayraadkeena, wax soo saarka beerah ka faa’iidaysiga xoolaha iyo adeegyada horumarineed islamarkaana ay lagamamaarmaan tahay in aan xooga saarno horumarinta sactarka warshadaha. Si wadankeenu uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdehaaxdka yahay.

Ugudanbayntii, waxaa xusid mudan in xukuumada DDSI ay sanadihii ugu danbeeyay dadaal xoogan u gashay sidii buslahda deegaankU u noqon lahaayeen kuwa si bahsimi leh uga faa’iidaysta khayraadka beeraha iyo xoolaha. Si  taasi  loo gaadhana waxay xukuumada DDSI samaysay shaqo abuur abuur blaadhan isamarkaana bulshada qaybaheeda kala duwan ay noqdaan kuwo waxsoosaar leh si looga baxo saboolnimada.

 

Tababar Loo Qabtay Hay’adaha Cadaalada Gobolka Doolo Oo Ka Furmay Wardheer.

$
0
0

Wardheer,(cakaaranews), sabti, 26ka August,2017.  tababar ku saaban sidii kor loogu qaadilahaa kobcinta awooda fulineed ee  hay’adaha cadaalada iyo  sidii loo xoojin lahaa   ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta ee uu siiyay dastuurku dalkeenu iyo kan deegaanku oo loo qabtay  degmooyinka gobolka Doolo  ayaa ka furmay caasimada Gobolka Doolo ee Wardheer.

 

Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay maxkamada guud ee DDSI ayaa waxaa furitaankiisii  ka hadashay gudoomiye ku xigeenka maxkamada guud ee DDSI marwo Samsam Xaaji Maxamed oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarku  iyada oo sheegtay   in uu yahay tababar loo qabtay hay'adaha cadaalada  sida garsoorka, xeer ilaalinta, booliska iyo shareecada ee degmooyinka gobolka doolo kaasi oo ay  ujeedadiisu  tahay sidii kor loogu qaadilahaa awooda fulineed ee hay'adaha  cadaalada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka si loo xoojiyo  ilaalinta xuquuqaha  sharciga caruurta uu siiyay dastuurkeenu gudoomiyaha ku xigeenka  ayaa sheegay in guulo waawayn deegaankeenu ka gaadhay taamyeelida ilaalinta  xuquuqaha aadamaha iyada oo   ahmiyada gaar aha la siiyay ilaalinta xuquuqaha  haweenka iyo caruurta waxay  ku boorisay Gudoomiye ku xigeenku  xubnahan tababarka loo furay in ay ka faa’iidaystaan cashirada la dhigayo mudada uu tababarku socdo si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga leeyahay tababarkan.

Kulan Wadatashi ah Oo Lagaga Hadlayay Nidaamka Maamulka Maaliyada Oo Kaqabsoomay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 26ka August 2017. Kulan wadatashi ah oo uu soo agaasimay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen waasiirada, maareeyayaasha, agaasimayaasha geedisocoyada qorshaynta iyo xisaabaadada heerdeegaan, ujeedadiisun tahay nidaamka maamulka maaliyada iyo waliba barnaamijka maaliyadeed ee natiijo kusalaynta ayaa si habsamileh uga dhacay Hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in ujeedada shirkani yahay mid wadatashi ah islamarkaana kuqotama sidii loo xooin lahaa nidamka maaraynta maaliyadeed ee public fanincial management (PFM). Kaasoo ah nidaam kusifoobay cadcadaan iyo islaxisaabtan islamarkaana larabo in aan kaga midho dhalinno yoolasha qorshaheena Kobaca iyo Isbadalka Dhaqaalaha wajigiisa 2aad (GTP2) ee dalkeenu ku higsanayo kamid noqoshaha wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday ''iskufilaanshaheenii waan soo ceshan karaa''.

Kadibna, kulankan ayaa si habsami leh u sii socday iyadoo lagu soo bandhigayay warbixino kusaabsan nidaamka maamulka ee maaliyadaha heer deegaan islamarkaana ay masuuliyiinta kasooqaybgashay ay ksoojeedinayeen talo bixino gashi unoqon kara nidaamka maamulka maaliyadeed iyo waliba. Iyo waliba odhaahyo badan oo dhiirigalinaya shaqaalaha iyo masuuliyiinta xafiiska maaliyada iyo Hor-dhaqaalaha DDSI. Taasoo ahayd in hay;ad kasta oo dawli ahi ay doorkeeda kaqaadato tayaynta iyo sii xoojinta nidaamka maamulka maaliyada iyo waliba barnaamijka natiio kusalaynta.

Ugudanbayna, masuuliyiintii kasooqaybgashy kulankan ayaa bogaadiyay islamarkaana sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin. Waxayna tilmaameen in doorkood kaga aadan ay kaqaadanaan xoojinta iyo tayaynta nidaamka maamulka hantida iyo waliba raacida shuruucda iyo bayaanada ku aadan nidaamka.

 

 

 

 

Koobka 15 Jirada Dalka Ee COCACOLA CUP Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 27ka August 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si rasmi ah ooga furmay koobkii dhalinyarada 15da ah ee dalka ee  COCACOLA CUP.

Hadaba koobkan dhaliyaradad 15da ah ee dawlad deegaanada dalka iyo ismaamul magalooyinka  oo ay deegaan walba  ku tartamayaan 22 kooxood oo ka kooban wiilal iyo gabdhaba ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed  Dalmar oo sheegay inuu tartankan yay mid muhiim ah islamarkaana keenaya is dhexgal dhalinyarada dalka ah .

Dhanka kale waxaa isanan dhankisa ka hadlay Wasiirka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan khayre oo sheegay inuu koobkan yahay koobkii dhalinyarata 15tan jirada ah ee DDSI islamarkaana ay ku tartamayaan 22 kooxood. Wuxuuna mas’uulku kula dardaarmay inay dhalintu ilaaliyaan anshaxa ciyaarta mudada uu socdo koobku.

Ugu danbayna waxaa koobkan 15 jirada dalka lagu furay labada kooxood ee kooxda 15 jirada DDSI iyo kooxda 15 jirada Deegaanka oromiya waxayna 6-0 guushu ku raacday kooxda 15 jirada DDSI.

Tababar Loo Qabtay Hay’adaha Cadaalada Ee Gobolka Afdheer

$
0
0

Hargeele(Cakaaranews) Isniin 28ka August 2017. tababar ku saaban sidii kor loogu qaadilahaa kobcinta awooda fulineed ee  hay’adaha cadaalada iyo  sidii loo xoojin lahaa   ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta ee uu siiyay dastuurku dalkeenu iyo kan deegaanku oo loo qabtay  degmooyinka gobolka afdheer ayaa ka qabsoomtay magaalada hargeele ee xarunta gobolka afdheer.

Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay maxkamada guud ee DDSI ayaa waxaa furitaankiisii  ka hadalay kusimaha gudoomiyaha gobolka afdheer ahna madaxa arrimaha xisbiga ee gobolka afdheer mudane Cabdulaahi Maxamed Xuseen iyo Madaxa xafiiska maamulka garsoorka maxkamada guud ee DDSI mudane Axmednuur Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarku  iyaga oo sheegay   in uu yahay tababar loo qabtay hay'adaha cadaalada  sida garsoorka, xeer ilaalinta, booliska iyo shareecada ee degmooyinka gobolka afdheer kaasi oo ay  ujeedadiisu  tahay sidii kor loogu qaadilahaa awooda fulineed ee hay'adaha  cadaalada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka si loo xoojiyo  ilaalinta xuquuqaha  sharciga caruurta uu siiyay dastuurkeenu.

Waxayna mas’uuliyiintu intaa kudareen  in guulo waawayn deegaankeenu ka gaadhay taamyeelida ilaalinta  xuquuqaha aadamaha iyada oo   ahmiyada gaar aha la siiyay ilaalinta xuquuqaha  haweenka iyo caruurta. Iyagoo tababar qaatyaasha   ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan cashirada la dhigayo mudada uu tababarku socdo si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga leeyahay tababarkan.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>