Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo Lakulmay Suldaanka Guud Ee Isaaq

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Khamiis, 1da September 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arrimaha bulshada DDSI mudane Axmed Maxamed Koore ayaa galabta kulan layeeshay suldaanka guud ee Isaaq Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo xubno uu hogaaminayay.

Hadaba madaxwaynaha iyo suldaanka-guud ayaa kawada hadlay dhinacyada horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban ee deegaanka kahanaqaaday iyo sidii loo sii xoojin lahaa islamarkaana sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen kaalinta kaga aadan .

Dhanka kalana, xubnihii wehelinayay suldaanka oo ay kamid ahaayeen suldaaan aadan xasan, caaqil cabdirisaaq maxamed askar, caaqil cabdi muuse, oday cabdi maxamuud iyo mudane cabdi aadan cali oo kulankan kahadlay ayaa dhamaantood xaqiijiyay horumarka iyo nabadgalyada kataabagashay DDSI islamarkaana balan qaaday inay dhankooda ka adkaynayaan sii xoojinta horumarka iyo nabadgalyada deegaanka. Waxayna madaxwaynaha uga mahadceliyeen qaabilaada iyo soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay.

Kulankan ayaana kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyo sidii loo sii adkayn lahaa horumarka iyo nabadgelyada deegaanku gaadhay.


Raysal Wasaaraha Dalka Oo Furay Shirwaynihii 4aad Ee Dhalinyarada Dalka.

$
0
0

Adisababa(cakaaraanews) khamiis,1da September 2016. Waxaa ka furmay caasimada dalka ee Adiisababa shirwaynihii 4aad ee dhalinyarada  dalkeena itoobiya kaasi oo ay   ka soo qayb-galeen 3,000 oo ah wakiilada  dhalinyarada ka socda  deegaanada dalka iyo 2da  ismaamulada magaalooyink ee dalka.

Shirwaynaha 4aad ee dhalinyarada dalka ayaa waxaa furay Raysal wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Dessalegn. Wuxuuna sheegay in ay dhalinyarada dalku tahay  udub dhexaadka isbadalka koboca dhaqaalaha  dalka ee lagu cidhib tirayo saboolnimada loogana baahan yahay in ay si fir-fircoon uga qayb qaataan fulinta istaraatajiyadaha siyaasadeed, dhaqaale iyo  dimuqoraadiyadeed ee dalka u dajisan. Raysal wasaaraha ayaa sharax dheerka bixiyay doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin hirgalinta  hawlaha horumarka, nabadgalayda iyo maamulka suuban.

Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JDFI mudane Rudwaan Xuseen  ayaa  ka warbixiyay qorshayaal  ku salaysan xidhmaha horumarinta  dhalinyarada dalka  wuxuuna sheegay in shirwaynahani yahay mid sii xoojinaya ka   midha-dhalinta hadafka iyo himilada dalka.

Shirwaynahan ayaa waxa ka hadlay wakiilada dhalinyarada deegaanada dalka. waxayna sheegeen in ay deegaanada ay ka socdaan ka jiraan horumar balaadhan iyo fursadaha shaqo  abuurka loogu samaynayo  dhalinyarada loona baahan yahay in la sii adkeeyo. Waxayna sheegaan in ay dhalinyaradu ka soo baxayaan waajibaadka ka saaran hirgalinta istaraatajiyadaha horumarineed ee u dajisan dalka.

Shirwaynaha ayaa waxaa DDSI uga qaybgalay 100 dhalinyaro ah, oo ay  hogaaminayeen  wasiirka  dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile iyo  wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan.  

Qiimayn iyo Tafatirid Lagu Samaynayay Buugaag Loo Qoray Mashruuca WASH

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Sabti 3da September 2016. Qiimayn iyo tafatirid uu soo agaasimay geedisocodka horumarinta manhajka, cilmibaadhista iyo qiimaynta ee xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana lagu qiimaynayay buug ay waaxdu u qortay mashruuca WASH ee ku qotama nadaafada biyaha iyo faayo dhawrka looguna talagalay dugsiyada deegaanka ayaa ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Xafiiska Waxbarashada DDSI.

Hadaba, tafatirida iyo qiimaynta buugta oo ay samaynayeen khabiiro laga soo kala xulay xafiiska waxbarashada, Biyaha Iyo Caafimaadka DDSI kaasoo socoday mudo 2 maalmood ah ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Agaasinka Horumarinta Manhajka, Cilmibaadhista iyo qiimaynta mudane Cabdulaahi idiris oo ugu horayn umahadceliyay dhamaan kaqaybgalayaasha qiimaynta buugaagtan ee kakala yimid xafiisyada kale duwan ee bahwadaagta ah iyo khabiiradii soo turjumay soona taftiray. Wuxuuna intaa kudaray in buugtan ay turjumeen khabiiro isku dhaf ah oo u badan xafiiska waxbarashada DDSI. Kadibna ay tafatireen khabiiro kale oo isla xafiiska ah tanina ay tahay qiimayntii ugu danbaysay ee buugaagta.

Wuxuuna agaasinku xusay  in kaqaybgalayaashu ay sifiican usoo dhigeen wixii talo bixin ahaa ee buugtan lagu soodari lahaa ama laga reebi lahaa. Wuxuuna balan qaaday in lagu darayo dhamaan talo bixinada fiican ee ay soojeediyeen khabiiradu kadibna lasoo daabaci doono buugta oo labadiyay.

Sidookale, Sandheere Maxamed Xuseen oo kamid ahaa khabiiradii gacanta kuhayay buugta ayaa  sheegay in buugtani ay tahay buugaag loogu talagalay gudiyada nadaafada iyo faayodhawrka dugsiyada gaar ahan dugsiyada uu ka shaqeeyo mashruuca WASH. Wuxuuna intaa kudaray in buugtan ay tahay buugaag faaiido badan  u yeelan doonta ardayda dugsiyada iyo waliba bulshada inteeda kale. Kaalin wayna ay kaqadan ilaalinta nadaafada biyaha iyo faayo dhawrka.

Ugudanbayna waxaa iyana dareenkooda kahadlay khabiiradii kasoo qaybgashay qiimaynta buugta ee ka kala yimid xafiisyada ayaa sheegay in buugaagtan sifiican loo qoray loona tafatiray islamarkana ay dhankooda sifiican uga talo bixiyeen buugaagtii loo qaybiyay.

Xaflada Xadhig kajarka Dhismaha Dabaqa EEPC l

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Sabti 3da september 2016. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana Xadhiga lagagajarayay dhismaha xarunta cusub ee quwada korontada itoobiya laanteeda deegaanka( EEPC ) ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heerdeegaan ah oo uu uga horeeyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, mayorka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud Axmed, mas'uuliyiin heerfederal ah oo uu horkacayo maareeyaha guud ee wakaalada quwada korontada JDFI mudane Goosaaye Mingist iyo waliba masuuliyiinta kaladuwan ee qaybinta quwada korontada itoobiya laanta jigjiga oo uu ugu horeeyo mudane Marahawi guyoelow, shaqaalaha xarunta EEPC I iyo marti sharaf kale. Hadaba xafladan ayaa waxaa ugu horayn Furay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay inay aad oogu faraxsantahay xafladan Xadhiga lagaga jarayo fooqan  xafiisyada kala duwan ee quwada korontada itoopiya laanteeda deegaanka Waxayna madaxwayne kuxigeenku intaa ku dartay inay xafiisyadani wax katari doonaan baahida adeega bulshada tasoo Cidhiidgi kajiray.

Ugu danbayna waxaa iyana dhankoodo ka hadlay qaar ka mid ah shaqaalaha quwada korontada itoobiya Laanteeda jigjiga oo sheegay inay aad  ugu faraxsanyihiin dhismahan xafiisyada ah ee xadhiga laga jiray Wax badana ka caawin doona iyadoo waxaaha shaqaalaha oo dhan ay helayaan meel ay ku shaqayn Karaan. Sikastaba ha ahaatee dhismahan wayn ee maanta xadhiga laga jaray ayaa kamid ah Dhismayaasha horumarineed ee ka socda deegaanka.

 

 

 

 

 

 

 

Kulan Wadatashiya Oo Ka Dhacay Degmada Galaadi

$
0
0

Galaadi,(cakaaranews), Sabti, 3da September, 2016.  Waxaa ka dhacay degmada galaadi ee Gobolka Doolo kulan balaadhan oo lagaga  tashanayey  dar dargalinta fulinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta Gobolka Doolo, maamulka degmada Galaadi iyo qaybgala kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Galaadi iyo tuulooyinka hoos yimaada degmada galaadi  sida odayaasha, dhalinyarada iyo haweenka.

Kukankaa ayaa  waxaa ugu horayntii ka hadlay  gudoomiyaha gobolka Doolo mudane Maxamuud Cali Axmed  oo sheegay in ay ujeedada kalankani tahay sidii  loo  sii xooji lahaa dar-dargalinta  hawlaha horumarka nabadgalyada maamulka suuban iyo guud ahaanba fulinta barnaamijyada arimaha XDSHSI.gudoomiyaha ayaa sharax dheer ka bixiyay kaalinta ay qaybaha kala duwan ee bulshadu ,ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban.

Waxaa kale oo ka hadlay kulankaasi madaxa arimaha XDSHSI Gobollka Doollo mudane Jaabur Shugri wuxuuna ka warbixiyay  istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha u dajisan XDSHSI  ee ka salaysan tir tirida saboolnimada iyo hirgalinta koboca dhaqaalaha iyo  tabaha  fulineed ee lagu hirgalinayo qorshayaasi. Masuulka  ayaa tilmaan ka bixiyay  qaybaha kala duwan ee bulshada doorka ay ku leeyihiin hirgalinta hawlahaasi.

Dhankiisa ku simaha gudoomiyaha degmada Galaadi mudane Muxiyadiin Maxamuud Sullub oo ka hadlay kulankaasi ayaa ka warbixiyay horumarka balaadhan ee ka hirgalay degmada Galaadi iyo doorka ay ku leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshadu hirgalintiisa. Wuxuna sheegay in loo baahan yahay sii xoojinta iyo dar-dargalinta fulinta qorshayasha dajisan

Qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa soo dhaweeyay kulankan lagu dar-dargalinayo horumarka iyo arimaha xisbiga waxayna hoosta ka xariiqeena in ay dhankooda sii xoojinayaan dadaalka ay kaga qayb qaadanayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban.

 

 

Munaasabad Casho-sharaf ah Oo Loo Qabtay Ciidanka Qaranka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti, 3da September 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo janaraalka ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari General Abraham Woldemariam ayaa munaasabad casho sharaf ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay usameeyay saraakiil laga soo xulay dhamaan ciidamada difaaca qaranka oo kakooban 200 oo xubnood. Kuwaas oo uu usoo dhamaaday tababarka hogaaminta ciidamada oo ay mudo 10 bilood ah qaadanayeen.

Hadaba munaasabadan casho-sharafta ah oo kadhacday banaanka iyo waliba gudaha hoolka sayid maxamed cabdille xasan  ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha wasiirada, mas’uuliyiinta ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari oo uu horkacayo general Abraham woldemariam, mas’uuliyiinta ciidanka liyuu booliska oo uu hormuud u yahay janaraal Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, mas’uuliyiinta hay’adaha  amniga ee deegaanka, xubnihii tababarka qaatay iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horayn munaasabadan casho-sharafta ah furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo general Abraham Woldemariam-janaraalka ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari.

Casho kadibna, waxaa lagalay gudaha hoolka sayidka. Halkaas oo ay kooxaha fanka iyo suugaanta ee deegaanka iyo waliba kooxda madadaalada ee ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari ay wacdaro bandhig faneed ah oo xiiso badan aadna loogu riyaaqay kadhigeen.

Ugudanbayna, munaasbadan ayaa kusoo gabagabawday jawi wanaagsan oo ay farxad balaadhani kudheehan tahay.

 

MW CMC Oo Kaqaybgalay Xaflada Qalinjabinta Macalimiinta

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Axad 4ta September 2016. Xaflada qalinjabinta macaliimiinta oo ay  kasoo qayb galeen masuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mowliid Haayir Xasan ,maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta DR cabdimajiid Xussen mudane Maxamuud Axmed Nuur,qaar ka mid ah kabaneega deegaanka,odayaasha, qurbajoog, iyo marti sharaf kale, ayaa si meeqaam sare leh ugu qabsoomay hoolka shirarka sayid maxamed cabdule xasan.

Hadaba xafladan ayaa waxaa ugu horayn furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo u hambalyeeyay ardayda qalinjabinaysay kuna dhiiriyay inay kaalintooda macalinimo si fiican uga soo baxaan soona saaraan arday anshax iyo tayo leh. waxa kaloo madaxwaynuhu u mahad celiyay maamulka iyo macalimiinta kuliyada oo runtii marwalba kasoo baxa kaalintooda. Ugu danbayna wuxuu madaxwaynuhu ardayda kula dardaarmay in sidii wax loo baray  ay u baraan ardayda ay macalimiinta u noqonayaan.

Dhanka kale waxaa isna ka hadlay xaflada madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarshada mudane mowliid haayir Xasan oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay ardaydan qalinjabinaysa. Wuxuuna madaxwayne ku xigeenku intaa ku daray inay ka caawinayaan kaalinta uu xafiiska waxbarashadu ku leeyahay cududa shaqaale ee macalimiinta.

Ugu danbayna waxaa si faahfaahsan uga warbixiyay munaasabada qalinjabinta macalimiinta maareeyaha kuliyada macalimiinta Dr. Cabdimajiid Xusseen mudane Maxamuud Axmed Nuur oo sheegay in ardayda qalinjabinaysa ay tiradoodu tahay 949 arday oo isugu jira heerarka kala duwan ee Diploma, TTI iyo KG  oo 186 kamid ahna yihiin dhadig. waxaana halkaas abaal marino kaladuwan lagu gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore galay.

Sidoo kale waxaa iyana dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah ardaydii qalinjabinaysay oo sheegay inay qalinjabinta maanta aad ugu faraxsan yihiin iyagoo balanqaaday inay si wadaninimo lehna ugu shaqayn doonaan shacabkooda.    

 

Kal-fadhiga Golaha Kabineega DDSI Oo Furmay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) isniin, 5ta September 2016. Waxaa subixii hore ee saaka hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha kafurmay kalfadhigii caadiga ahaa ee golaha kabineega DDSI oo uu hogaaminayay madaxwayne CMC.

Hadaba kal-fadhigan ayuu madaxwaynuhu ugu horayn usoo bandhigay golaha ajandayaasha lagaga wada hadlayo oo ahaa: sidii loo dardargalin lahaa fulinta qorshayaasha sanadka 2009TI iyadoo xooga lasaarayo dhinacyada xafiisyada horumarinta, iyo sii xoojinta adkaynta nidaamka shaqagalida dhamaan shaqaalaha xafiisyada kaladuwan ee deegaanka. Madaxwaynaha ayaana hadalka siiyay xubnaha golaha si ay uga doodaan qodobadan islamarkaana la isula ansixiyo.

Kadibna guriga oo si qoto-dheer ufalanqeeyay ajandayaashan ayaa wuxuu isla qaatay oo codbuuxana ku ansixiyay in ladardargaliyo fulinta qorshayaasha sanadkan cusub ee 2009TI islamarkaana dabagal joogta ah lagu sameeyo nidaamka shaqo-galida shaqaalaha xafiisyada si looga midho-dhaliyo qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha wareegiisa labaada. Kaas oo uu wadanku kaga baxayo saboolnimda islamarkaana kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.


MW CMC Oo U Ambabaxay Dhagaxbuur

$
0
0

Dhagaxbuur(Cakaaranews) Isniin, 5ta September 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti balaadhan ayaa saaka xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga socdaal dhulka ah uga ambabaxay dhanka xarunta gobolka jarar ee magaalada dhagaxbuur isagoo sii maray degmooyin iyo tuulooyin tiro badan oo hoos yimaada gobolka faafan iyo jarar islamarkaana kormeer kusii sameeyay mashaariico badan oo dhanka biyaha ah oo kasocday agagaarka tuulooyinka daadsan wadada dheer ee iskuxidha jigjiga iyo dhagaxbuur.

Hadaba ujeedada socdaalkan ayaa ah kormeer dhanka horumarinta waraabka ah oo lagu soo marayo meelo badan oo deegaanka kamid ah oo ay mashaariico balaadhani kasocdaan. madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa xili casar gaaban ah gaadhay xarunta gobolka jarar ee magaalada dhagaxbuur isagoo madaxwaynuhu booqday meelo kamid ah magaalada sida hospitalka islamarkaana badhtamaha magaalada shir kooban ugu qabtay shacabka.

Faah-faahinta wararka socdaalkan kalasoco wararka danbe ee www.cakaaranews.com

DDSI Oo Kaalmo Deg-deg ah Ugo’aamisay 5,000 Oo Kasoo Barakacday Deegaanka Axmaarada

$
0
0

Dhagaxbuur(Cakaaranews) Isniin, 5ta September 2016. Sida lawada ogsoonyahay dalka itoobiya  waxaa kasoo talin jiray maamulo boqortooyo kudhisan oo ay ugudanbeeyeen shuucigii dhargigu. Kuwaas oo shacabwaynaha dalka cabudhin iyo cadaadis ba’an kuhayn jiray. Waxaana hubaal ah in halgankii khadhaadhaa ee ay galeen ururka TPLF oo uu garab socday halgankii ururka axmaarada ee ANDMO uu dhalay EPRDF islamarkaana uu horseeday xuquuqaha sinaanta, dimoqraadiyada iyo cadaalada. Kaasoo lagu hantay dastuurka maanta aan haysano oo ah midka dhigaya in qawmiyad waliba afkeeda, diinteeda iyo dhaqankeeda iskumaamusho. Taasoo keentay in itoobiya ay maanta kajiraan deegaano ay qawmiyad waliba iskeed isu maamusho oo hoos yimaada dawlad federal ah oo loo siman yahay. Waana takeentay horumar laxaad leh iyo koboc dhaqaale oo uu wadanku kuhigsanayo inuu kaga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay. Sida uu caalamkuba kamarakacay.

Balse, waxaa jira dadkii dhargiga ee aragtida xumaa oo aysan marnaba ucuntamin halgankii lagu keenay nidaamka federalismka oo raba inay soo celiyaan nidaamkii dhargiga ee kiniisada looga talin jiray. Waxaana tusaale cad usoo qaadan karaa rabshadahan sharci darada ah ee ay kadanbayso dawlada shacbiya oo adeegsanaysa Onag iyo ginboot7.

Hadaba, calooshood ushaqaystayaashan rabshad oogayaasha ah ee ay kadanbayso shacbiya ayaa si ay ugu hirgasho inay meesha kasaaraan nidaamka federalismka ah waxaay bar-tilmaameedsadeen shacabka Tigray oo udub-dhexaad u ahaa federalismka iyagoo uga dan leh inay soo celiyaan cabudhiskii iyo cadaadiskii hore ee dhiig-miiratada.

Waxaana xaqiiqa ah in nidaamka federalismka ah ee wakhtigan xaadirka ah kahirgalay dalka itoobiya aysan jirin qawmiyad maamusha qawmiyad kale oo caydhiinka wax walba lagu qaybsaday. Tusaale ahaan shaqsi qawmiyad kale kasoo jeeda oo qawmiyad kale maamula habayaraatee majiro. Iyadoo ay sidaa tahay, ayaa waxay calooshood ushaqaystayaashani ku eedaynayaan qawmiyada Tigray inay jirto awood sare oo tigray. Taasoo ah xaqiraad cad oo been iyo barobagando lamaluuqay ah oo lagu weerarayo federalismka itoobiya iyadoo in kabadan 70kun oo kamid ah qawmiyada tigray ay kunafwayday halgankii khadhaadhaa e dhargiga islamarkaana 30kun oo laxaadkoodii kuwayday ay maanta joogaan.

Hadaba, xubnahan nabadiidka ah ee ay shacbiya dabada kawado oo jooga dalka iyo dibadaba waxay kamidaysan yihiin  far kufiiqa qawmiyada tigray iyagoo been abuur kasheegaya islamarkaana kutilmaamaya inay jirto nidaam ay qawmiyadaasi kaga sarayso qawmiyadaha kale. Taasoo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Sida lawada ogsoonyahayna, hay’adaha nabadgelyada ee dalka sida wasaarada gaashaandhiga, ciidamada difaaca qaranka iyo securityguba waxay 20kii sano ee lasoo dhaafay wadanka kahirgaliyeen amni buuxa iyagoo kadib markay meel saareen nabadgelyada dalka ay ilaa hada caawinayaan wadamada ay nabadgelyadaradu kajirto ee caalamka. Waxaana tusaale kaaga filan amaantii madaxwaynaha maraykanku uu usoo jeediyay ciidamada difaaca qaranka itoobiya oo uu ku amaanay sugida nabadgelyada dalka iyo caalamkaba iyadoo ay gaar ahaan hay’ada securityga JDFI ku amaanan tahay awooda, firfircoonida iyo kartida ay ku ogaadaan islamarkaana kaga hortagaan falalka lasoo maleego inta aanay wali dhicin. Waana mid shacabka dalku u ogyahay waxqabadkooda. Waxaana tusaale u ah dhacdadii udanbaysay oo saraakiil badani ay naftooda kuwaayeen.

Hadaba hadaan soo qaadano dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee kadhacay deegaanada axmaarada iyo oromada, waxaa si toos ah isusoo abaabulay naftanyaagii iyo timkatanyaagii aaminsanaa islawaynida axmuqnimada ah ee gabalkeedu dhacay iyo doqonimada xambaarsan axmuqnimada kuwaasoo raba inay nidaamka federalismka ah meesha kasaaraan.

Iskusoo wada duuboo, dhamaan qawmiyadaha itoobiya waa qawmiyado sharaf iyo ixtiraam mudan oo shaqsi xuna yeelan kara balse waxay qawmiyad kasta kamarakici geesinimadii, kartidii iyo ficilkii ay qawmiyada tigray heeryadii gumaysiga dhargiga kaga dulqaadeen shacab-waynaha dalka.

Waxaana xusid mudan in dhamaan horumarka aas-aasiga ah iyo kan kaabayaasha dhaqaaluhu ay kuyimaadeen halgankii iyo kartidii ay muujiyeen shacabka tigray oo ay waliba sabab u yihiin isbadalka maanta dalka kajira.

Si kastaba ha ahaatee, shir uu maanta kabineega deegaanku fadhiistay ayaa waxay kucanbaareeyeen beenta iyo barobagandada xaqiiqada kafog oo si meesha looga saaro nidaamka federalismka ah lagu beegsanayo qawmiyad. Waxayna carabka kudhufteen in ujeedada kadanbaysa ay tahay in nidaamka federalismka ah meesha laga saaro. Sidaadarteed, cid waliba sidaa ha ula socoto, hana ogaato in cid laga yeelayaa aysan habayaraatee jirin.

Kabineega deegaanka oo arintaa si wayn uga xumaaday islamarkaana canbaareeyay fikirka kadanbeeya in si axmuqnimo leh dadka loo soo barakiciyo ayaa go’aamiyay 10milyan oo deeq loogu talagalay in hoy dadkaa loogu sameeyo.

Dhanka kale, ganacsatada iyo maal-qabeenada deegaanka oo kacadhooday ficilka foosha xun ee lagula kacay shacabka tigray ee deganaa gonder oo la isugu daray hantidii oo laga boobo, dil iyo dhac ayaa kuhawlan sidii ay ucaawin lahaayeen dadka walaalahood ah ee lasoo barakiciyay.

Sidoo kale, kabineega ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay falalka foosha xun ee ay onag kagaysatay deegaanka oromiya ee ay naf iyo maalba kuhaligeen iyo waliba dhibaatada ay ginboot7 gaadhsiisay dadka axmaarada ah ee degan bahardar.

Ugudanbayna, kabineega ayaa sheegay in dastuurka dalka iyo nidaamka federalismka ah ee iyehadhig hormuudka utahay uu yahay wadada kali ah ee ay itoobiya, itoobiya kusii ahaan karto ama kusii jiri karto isagoo kabineegu hoosta kaxariiqay islamarkaana digniin culus udiray cid kasta oo iskudayda inay meel kaga dhacdo sharafta, dastuurka iyo sumcada dalka.

Waxayna XDSHSI, xukuumada DDSI iyo shacabkuba sheegeen inay sii wadi doonaan taageerida nidaamka federalismka ah ee ay hogaaminayso EPRDF iyo lahalganka cidii waxyeelo ku ah nidaamka. Sidoo kale, waxay shaaca kaqaadeen inay garab taagan yihiin shacabka tigray.

 

MW CMC Oo Qiimayn Usoo Xidhay Dakhliyada Iyo Maaliyadaha Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 5ta September 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kahor intuusan socdaalka ubixin saaka  qiimayn usoo xidhay madax xafiiseedyada dakhliyada iyo maaliyadaha deegaanka. Kuwaas oo ay qiimayn wadajir ah mudo 7, aad ah uhayeen mas’uuliyiinta wakaalada dakhliga DDSI, xafiiska maaliyada DDSI, xarunta dhexe ee XDSHSI iyo waliba xafiiska maamulka DDSI.

Wuxuuna madaxwaynuhu kuladardaarmay inay sii laba-jibaaraan fulinta iyo kamidho-dhalinta qorshayaasha uyaala wakaalada dakhliga iyo xafiiska maaliyada sanadka 2009TI, iyo waliba qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha jaanqaadkiisa 2, aad ee wadanku kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay laguna cidhibtirayo saboolnimada. Madaxwaynaha ayaana si guud ugu tilmaamay inay kudhaqamaan sharciga islamarkaana kafogaadaan sharci darada.

Dhankooda madax xafiiseedyadan ayaa balanqaaday hirgalinta qorshayaasha gabi ahaan iyo waliba kudhaqanka iyo ilaalinta saraynta sharciga.

MW CMC Oo Kulan Layeeshay Waxgaradka Dhagaxbuur

$
0
0

Dhagaxbuur(Cakaaranews) Talaado, 6da September 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo xalay uhoyday magaalada dhagaxbuur ayaa saaka kulan layeeshay odayaasha, haweenka, dhalinyarada iyo waxgaradka shacabka dhagaxbuur.

Hadaba,gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa madasha kulankan kusoo dhaweeyay madaxwaynaha. Wuxuuna madaxwaynuhu shacabka dhagaxbuur kalahadlay sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen dhanka beerashada dhulka si waxsoosaarka deegaanka iyo dalkuba sare ugu kaco maadaama ay xukuumadu maaliyad badan galisay dhanka horumarinta waraabka iyadoo udanaynaysa in bulshadu uga faaiidaysato dhanka tabaca beeraha.

Sidoo kale, madaxwaynaha ayaa dhibaatada kali ah ee deegaanka maanta kajirta kutilmaamay inay tahay saboolnimo gacan kusamays ah oo uu kadanbeeyo fikirka cidhiidhyan ee mashaqaystenimada maadaama uu deegaankeenu hodan kuyahay labada shay ee dunida ugu qaalisan oo ah dhul dihin oo beerasho kali ah ubaahan iyo biyo. Wuxuuna shacabka kuladardaarmay inay kabaxaan fikirka madhalayska ah ee mashaqaystenimada oo uu shaqsi kasta rag iyo dumar, culimo iyo caamo, ciroole iyo caana-nuugba ay subixii kusoo toosaan shaqo iyo maxaan maanta usoo kordhin karaa deegaanka.

Dhanka kalana, waxgaradka shacabka dhagaxbuur oo kahadlay madasha kulankan ayaa balanqaaday inay hoos ugu foorarsanayaan dhulka islamarkaana ay fikirka mashaqaystenimada ah uga gudbi doonaan shaqayste cad oo lagaga dayan doono.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan oo wali kasocda hoolka shirarka ee magaalada dhagaxbuur ayaa waxaa lagu jiraa hadaladii waxgaradka.

 

Socdaalkii Maanta iyo Mashaariicaha Waawayn

$
0
0

Q/dahar(Cakaaranews) Talaado, 6da September 2016. Kadib shirkii saaka ee dhagaxbuur ayay madaxwaynaha iyo waftigiisii balaadhnaa kubaqooleen wadada dheer ee laamiga qabridahar iyagoo tuulada sasabane uga leexday dhanka wadada jayga ah ee aada mashruuca biyo-xidheenka wayn ee waraabka beka.

 Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya waftigii balaadhnaa ayaa halkaa kusoo kormeeray qaab-shaqeedka mashruuca beka oo si habsami leh usocday. Halkaas oo uu madaxwaynuhu kuladardaarmay hawl-wadeenada mashruuca inay dadajiyaan islamarkaana laban-laabaan shaqada maadaama uu xiligii roobku dhawyahay.

Kadibna, waxaa socdaalkan lagu soo kormeeray mashaariicaha biyo-xidheenada waraabka ee goomaar iyo wijiwaaji oo si aad ah shaqo adag uga socotay. Waxaana looga sii gudbay mashruuca wayn ee waraabka maraacaato oo isagu xaal-xaalkii lagu jiro. Waxaana caawa loo dheelmaday magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.

Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Arimaha Haweenka

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Talaado 6da september 2016.Tabarbar uu soo agaasimay xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta oo ay kasoo qayb galeen dhamaan shaqaalaha arimaha haweenka iyo caruurta ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furay wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta marwo Raxma Maxamuud Haybe oo sheegtay in tababarkan ujeedadiisu yahay si loo saxo goldolo loo yinkii sanadkii 2008 TI, ayaa gudida maaraynta xafiisku waxay go aamiyeen in shaqaalaha xafiiska lasiiyo tababar lagu kobcinayo awoodooda fulineed iyo tooda farsamo iyo sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka aqooneed ee shaqaalaha.

Ugu danbayna wasiirada ayaa intaa ku dartay in tababarkani uu socon doono 4 cisho laguna qaadan doono cashiro kala duwan oo kusaabsan mabaadiida qorshaynta,diyaarinta hindisaha mashaariicda,siyaasada daryeelka caruurtaiyo kor uqaadida awooda haweenka.sidaadaraadeed waxaa la filyaa inay shaqaaluhu  isbadal shaqo muujiyaan sandadan soosocda.

MW Soomaaliya Oo Booqday Jaamacada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Khamiis 11ka August 2016. Madaxwaynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo waftigiisa oo uu horkacayo  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ahna wakiilka buuxa ee dawlda federalka itoobiya ayaa galabta booqday jaamacada jigjiga iyagoo xafiiskiisa kula-kulmay madaxwaynaha jaamacada Dr. Cabdicasiis.

Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu wax kawaydiiyeen madaxwaynaha jaamacada nidaamka shaqada ee jaamacada, tirada ardayda waxkabarata, waaxaha waxbarashada ay jaamacadu bixiso, nidaamka maamulka iyo shaqaalaha iwm.

kadibna madaxwaynaha jaamacada Dr. Cabdicasiis oo dhamaan su’aalahan uga jawaabay madaxwaynaha soomaaliya iyo waftigiisa ayaa sheegay in jaamacadu ay leedahay qaab dhismeed dhamaystiran oo kakooban hogaaminta jaamacada, maamulka miisaaniyada, maamulka shaqaalaha,  waxbarashada, macalimiin, shaqaale hoosaad iyo arday. Wuxuuna madaxwaynaha jaamacadu intaa ku daray in jaamacadu leedahay hogaamin sare oo gudi ama board kumaamusha oo uu gudoomiye kayahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, iyo in tirada guud ee ardayda waxkabarata jaamacadu ay tahay 21kun  oo arday oo barata culuumta kaladuwan ee degreega 1, aad iyo ka 2, aad iyadoo doctoratekiina bilawday meesha tirada shaqaaluhuna ay kor u dhaafayso 1,800 oo shaqaale kaladuwan ah. Wuxuuna madaxwaynaha jaamacadu iyadoo qoraal ah uu siisay structureka, noocyada waxbarashada iyo nidaamka maamulka intaba madaxwaynaha soomaaliya.

Hadaba madaxwaynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay qaabdhismeedka jaamacada, heerarka aqoonta ee ay bixiso iyo waliba noocyada waxbarashada. Wuxuuna sheegay inaysan aduunka kajirin jaamacad luuqada afka soomaaliga oo degree ah bixisa xataa dawladaha soomaalida marka laga reebo jaamacada jigjiga.

Ugudanbayna, waxay madaxwaynaha iyo waftigiisu soo indha-indheeyeen laba library oo kamid ah libraryada jaamacada kuwaas oo ay yaalaan qalabkii practical wax loogu barayay ardayda iyadoo xiligii jaamacada ay indha-indhaynayeen wufuudu ay ardaydu  soo buux dhaafiyeen goobtaas islamarkaana ay si wayn usoo dhaweeyeen. Madaxwaynaha soomaaliya ayaana ardaydaas kudhiirigaliyay inay waxbarashadooda kudadaalaan.


Hadiyado Lagudoonsiiyay Waftigii Soomaaliya

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)jimce 12ka August 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo sucaad axmed faarax ayaa saaka hadiyado dhaqameed gudoonsiiyay madaxwaynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo waftigii uu hogaaminayay kadib markay u soo dhamaatay booqashadii khibrad qaadashada ahayd ee ay u joogeen xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga.

Hadaba, munaasabadan lagu gudoonsiinayay waftigii soomaaliya hadiyad dhaqameedyada oo ahayd mid lagu sagootinayay madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa jamhuuriyada federaalka soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud  iyo waftigiisa, madaxwayanha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ahna wakiilka JDFI, afhayeenka golaha xildhbaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenada DDSI, Golaha wasiirada, Xubno kasocday Ururka IGAD, agaasinada xafiisyada kaladuwan ee heer deegaan iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay madaxwaynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashadan tooska ah ee uu kuyimid Deegaanka soomaalida itoobiya. Wuxuuna mahad celin balaadhan u soo jeediyay dhamaan mas’uuliyiinta xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo Madaxwayne CMC soo dhawayntii diiranayd, martigalintii iyo sidii ay ugu hagar baxeen isagoo bogaadiyay horumarka laxaaadka leh ee kahanaqaaday deegaanka kuna tilmaamay mid kudayasho mudan oo ay iyana kaqaateen khibrad iyo aqoon korodhsi badan. Madaxwayne xasan ayaa xaqiijiyay inay dawlada soomaaliya kufaanayso walaalnimada iyo isjacaylka kadhaxeeya xukuumada DDSI iyagoo itoobiya iyo soomaaliya kala ah. Wuxuuna kuladardaarmay xukuumada DDSI iyo shacabkeedaba inay ilaashadaan nabadgalyada, horumarka, dimoqraadiyada iyo cadaalada ay haystaan oo cid maanta haysata aysan jirin islamarkaana ay iska ilaaliyaan cudurada ay kamidka yihiin qabiilka iyo argagixisada.

Ugudanbayna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hambalyeey booqashada madaxwaynaha iyo waftigiisa islamarkaana socdaalkiisa ku tilmaamay mid taariikhda galay isagoo ilaahay uga rajeeyay inuu nabad kugeeyo xarunta wadankiisa ee muqdisho iyo in ilaahay nabad taam ah uu siiyo guud ahaan shacabwaynaha wadanka soomaaliya. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii ku soo xidhay fariin uu u dirayo shacabwaynaha wadanka soomaaliya taasoo katurjumaysa walaalnimada, isjacaylka, daris wanaaga, diinta, dhaqanka iyo luuqada aan wadaagno inagoo laba wadan kala ah. Wuxuuna mahadcelin balaadhan usoo jeediyay xubnihii kasocday ururka IGAD.

 

MW CMC Oo Sagootiyay MW Soomaaliya

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Jumce 12ka August 2016. Masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo  uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo golaha wasiirada DDSI ayaa galinkii danbe ee maanta sagootiyay madaxwaynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud  iyo waftigisii kusugnaa xarunta deegaanka  ee magaalada jigjiga.

Hadaba waftigan oo mudo 3 maalmood ah khibrad wadaag iyo aqoon korodhsi ujoogay xarunta deegaanka ayaa loo sii qaaday gagida diyaaradaha caalamiga ee garaad wiil-waal. Waxayna halkaa uga socdaaleen dhanka xarunta dalka soomaaliya ee magaalada muqdisho iyadoo ay mas’uuliyiinta xukuumada DDSI gagida diyaaradaha taagnaayeen tan iyo intay diyaarada waftigu hawada galaysay.

Xaflad Lagu Daah Furay Iskaashatada Kulmiye Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) sabti, 13ka August, 2016, Xaflad lagu daah furay iskaashatada kulmiye oo ah iskaashato ay ku midoobeen hogaamintii hore ee deegaank oo ay ka mid yihiin madaxwayne yaashii hore ee DDSI iyo xubo aqoon yahan  ah ayaa ka dhacday huteelka Nogob ee magaalada jigjiga.

Waxaana ka soo qaybgalay xafladii lagu daah furay iskaashatadan kulmiye oo maanta la daah furay qaybteeda adeega caafimaadka xoolaha horena uga soo shaqayn jirtay dhinaca wax soo saarka beeraha  masuuliyiinta iskaashatada kulmiye oo ay ka mid yihiin madaxwayne yaashii hore ee deegaanka, masuuliyiin ka socday xafiisyada DDSI ee ay bahwadaagta  yihiin iskaashatadan  iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha ka shaqeeya adeega caafimaadka xoolaha.

Haddaba waxaa ka hadlay furitaankii xafladaasi gudoomiyaha iskaashatada kulmiye mudane Khadar Macalin kana mid ah madaxwayne yaashii hore ee DDSI.  wuxuuna  sheegay in ujeedada xafladani tahay daah-furka iskaashatada kulmiye qaybteeda adeega caafimaadka xoolaha.wuxuuna ka warbixiyay ujeedooyinka iyo jihooyinka istaaraatajiyadeed ee loo aas aasay iskaashatadan taasi oo uu ku tilmaamay gudoomiyuhu in ay tahay sidii ay  uga qayb qaadan lahayd dadaalada ay xukuumada DDSI  ugu jirto tayada xoolaha deegaanka maadaamo oo ay nolosha bulshada DDSI intooda badan ku xidhan tahay xoolaha nool, horumarinta xooluhu  tahay gundhiga koboca dhaqaalaha iyo dhimista saboolnimada

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in iskaashatadan kulmiye hore uga shaqayn jirtay dhinaca wax soo saarka beeraha taasi oo  guul wayn   ka soo hoysay wax soo saarka calafka xoolah in maanta lagu soo kordhiyay qaybtan adeega caafimaadka xoolaha si ay ugu qayb qaatado  tayada adeega caafimaadka xoolaha iyo wax soo saarka calafka xoolaha.

Khabiiro ka mid ah xubnaha iskaashatada ayaa ku soo bandhigay xaflada warbixin ay kaga waramayaan qorshayaasha, jihooyinka, hadafka iyo himilooyinka ay hiigsanayso iskaashadadan iyo wax ay ka soo kordhinayso dadaalada loogu jiro hirgalinta kobodha dhaqaalaha iyo tir tirida saboolnimada.

Munaasabada Guusha Ciidanka Gaarka ah Oo Bilaabatay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 13ka August 2016. Waxaa wakhti xaadirkan hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan si rasmi ah uga bilawday Munaasabad lagu maamuusayo Guusha ciidanka gaarka ah ee liyuu- booliska ee ay ku soo gunaanadeen kuna soo afjareen ururadii argagixisada ahaa ee UBBO iyo wixii lahalmaala.

Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ah marti sharafta khaaska ah oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Generalka guud ee ciidanka qaranka qaybta koonfur Bari General Abraham wolde-mariam, major general Mahari Zewdu, major general Ibrahim Jalil oo kasocda wasaarada gaashaan-dhiga JDFI, jeneraalka  Guud ee ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska General C/raxmaan Cabdulaahi Buraale, Golaha wasiirada, odayaal dhaqameed, heerarka kaladuwan ee shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, qurbajoog, dhalinyaro, dhamaan saraakiisha ciidanka gaar ka ah ee liyuu booliska iyo marti sharaf kale.

Sidaas darted, munaasabada ayaa wakhti xaadirkan ka socota hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Faahfaahinta munaasabada kala soco:- www.cakaaranews.com   

 

Tababar ku Saabsan Maamulka iyo Dabagalka Mashaariicaha Oo la soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) sabti,  13ka August, 2016, Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar mudo 20 tan  maalmood ah socday oo ku saabsan nidaamka maamulka iyo dabagalka mashaariicaha iyo waliba dhinaca adeegsiga aaladaha casriga ah  kaas oo loo qaybtay Enjineerada ka shaqeeya wakaaladaha DDSI iyo kuwa hadda   ka soo qalin jabiyay jaamacadaha dalka.

Tababarkan oo ay soo diyaarisay wakaalada nashqadaha daraasaadka iyo dabagalka mashaariicaha  DDSI  ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI ahna gudoomiye ku xigeenka boardhiga mashaariicaha DDSI mudan Suldaan Maxamed Xasan oo  sheegay in uu tababarkani ahaa  mid kor loogu qaadayay  xirfada iyo garaadka aqooneed ee enjineerada DDSI gaar ahaan nidaamka maamulka iyo dabagalka mashaariicaha deegaanka.  wuxuuna ku booriyay wasiirku in ay aqoontooda iyo cashiradii ay ka faa’iideen tababarkan mudadii uu socday  ku muujiyaan ficil ay ku fuliyaan hawlaha hirgalinta mashaariicaha, noqdaana xoog horumarineed oo ku gaashaaman aqoon, karti iyo anshax wanaag.

Waxaa dhankiisa ka hadlay xidhitaankii tababarka maareeyaha wakaalada   nashqadaynta daraasaadka iyo dabagalka mashaariicaha DDSI mudane Enjineer  Maxamed Yuusuf oo sheegay in enjineeradan yihiin cududii lagu cabirayay hirgalinta mashaariicaha horumarineed . Wuxuuna sheegay  in ay mudadii uu soctay tababarku ku qaadanayeen cashiro kor loogu qaadayo tayada aqooneed ee enjineerada gaar ahaan cishiro la xidhiidhka aaladaha casriga ah wuxuna ku la dar daarmay in ay  noqdaan cudud xoogan oo  ka midha dhalisa  hirgalinta mashaariicaha waawayn ee deegaanka

Qaarka mid ah enjineerada qaatay tababarka oo la hadlayay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in mudadii uu tababarku socday ka faa’iideen aqoon dheeriya oo ay ku meel marinayaan hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee ka socda deegaanka. gabagabadiina waxaa la gudoonsiiyay injineeradan shahoodooyin muujinaya aqoontii ay ka barteen tababarkan.   

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>