Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Wareega 1, aad Ee Ol-olaha Talaalka Tetanada Oo Bilawday

$
0
0

Shabeelay(Cakaaranews) Talaado, 23ka August 2016. Waxaa saaka degmada koonfurta jigjiga kabilawday ol-olaha talaalka tetanada oo loogu talagalay haweenka da’doodu udhaxayso 15 ilaa 49 sano oo isugu jira uuray iyo kuwa aan uurka lahayn labadaba.

Hadaba madaxa xafiiska caafimaadka degmada koonfurta jigjiga mudane Maxamed Sheekh Xasan oo shabakada cakaara uwaramay ayaa sheegay in wareegii 1, aad ee ol-olaha talaalka tetanada uu si rasmi ah uga bilawday guud ahaan degmooyinka gobolka faafan iyo Sitti oo kali ah gaar ahaana dhamaan tuulooyinka iyo centerada hoos yimaada koonfurta jigjiga isagoo wakhti xaadirkana ay hawladeenada xafiisku uwadaan si habsami leh.  Madax xafiiseedka ayaa intaa kudaray, in ol-olahan oo socon doona mudo 7 bari ah uu waxtar wayn uleeyahay dhamaan haweenka da’doodu sare kucadahay isagoo kahortagaya tetanada-hadii dhalmada kahor ay hooyada bir ama wixii lamid ah ay jeexaan iyo waliba kahortaga xanuunka kojisada. Halkaas oo uu madax xafiiseedku irbadii ugu horaysay kusiiyay hooyooyinkii usoo xaadiray talaalka

Ol-olaha talaalkan ayaana kamid ah siyaasada caafimaadka ee kahortaga kusalaysan ee ay xukuumada dalka iyo ta deegaankuba ay mudnaanta koobaad siiyeen si loo yareeyo dhimashada hooyada.


Kulan Lagaga Hadlayo Dar-dargalinta Shaqooyinka Ayaa Ka Dhacay Xafiiska Gobolka Faafan.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Talaado, 23da August, 2016, Kulan uu hogaaminayay ku simaha  gudoomiyaha gobolka faafan mudane Nuur Xayir Qaamis  oo ay ka soo qaybglaeen gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Faafan iyo madaxda xafiisyada beeraha degmooyinka gobolka faafan  ayaa ka dhacay xafiiska gudoomiyaah gobolka faafan.

Kulanka ayaa waxay  u jeedadiisu  ahayd, fulinta jihooyinkii iyo qorshayasha lagu soo kala qaatay tababarkii ay xukuumada DDSI dhawaan  u qabatay   hogaaminta gobolada DDSI  ee ku salaysnaa  kobcinta hadafka  siyaasadeed  iyo nidaamka dardargalinta iyo fulinta shaqooyinka waxa uu  qorshuhu ahaa in  la gaadhsiiyo degmooyinka ilaa tuulooyinka.

Kulankan ayaa waxaa furay ku simaha  gudoomiyaha gobolka faafan mudane Nuur Xayir Qaasim oo ka warbixiyay tabaha iyo xeeladaha lagu fulinayo  istaraatajiyadaha  iyo yoolasha horumarineed  ee u dajisan xukuumada DDSI. waxaana taasi sal u ah ayuu yidhi gudoomiyuhu  hirgalinta hiigsiga  Siyaasadda Warshadaha oo lagu gaadhayo ,xoojinta dhinaca wax soo saarka beeraha   iyo Qorshayaal uu ka mid yahay Qorshaha Koboca iyo Isbadalka dhaqaalaha ( GTP2). Gudoomiyaha ayaa sharax dheer ka siiyay hogaamintan degmooyinka  halbeegyada lagu cabiro  gaadhida iyo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarka iyo tir tirida saboolnimada.

 

 

 

Ganacsade Jigjiga Kadhisay Adhabaabay Cusub

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 23ka August 2016. ganacsade dhalinyaro ah oo udhashay deegaanka oo magaciisa layidhaahdo Amiir Mukhtaar  islamaraana ah maalgashadaha warshada caanaha geela ee Barwaaqo ayaa Magaalada jigjiga ee xarunta DDSI kusooo biiriyay dhismaha wereega afaridoodka wadooyinka (squire building)ee wadada keelaa-harar.

Dhismahan qurux dabadan ee laga dhisay magaalada jigjiga wadada harar keelaa ayaa waxaa xadhiga kajaray Mayorka Magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamed Axmed oo ay weheliyaan Madaxa xafiiska XDSHSI ee maamulka magaalada jigjiga.

Hadaba mayorka magaalada oo kahadlay xadhig kajarka dhismahan cusub ayaa sheegay in kaqaybgalka bulshadu uu yahay mid kamid ah siyaasada horumarineed ee Xukuumada DDSI iyo XDSHSI. Wuxuuna intaa kudaray maayarku in dhismahan uu muwaadinku dhisay uu yahay mid ka maamul ahaan ay aad ugu mahdelinayaan isagoo xusay in muwaadinkani uu deegaanka kasameeyay maalgashiyo kaladuwan oo ay kamid tahay warshada caanaha-geela ee Barwaaqo.

Sidoo kale Madaxa arrimaha XDSHSI ee maamulka magaalada Jigjiga mudane Cabdulaahi Bukhaari oo isna dhankiisa kahadlay xadhig kajarkan ayaa sheegay in dhismahani uu yahay dhismo laga dhisay badhtamaha laamida wadadawayn ee kaylaa herar islamarkaana waxwayn kusoo kordhinaysa dhanka bilicda magaalada jigjiga isagoo amaan iyo mahdcelina u soojeediyay muwaadinka dhisay dhismahan.

Wuxuuna xusay in muwaadinkani uu sameeyay Talaabo Horumarineed Oo u Baahan in Lagu Daydo. Muwadinkastana Faran inuu Kaqaybqaato Horumarka Kajira Deegaanka.

 

Xaflad Lagu Daah Furay Ol-olaha Talaalka Kahortaga Cudurka Tetanada

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), talaado, 23da August, 2016, Xaflad  lagu daah furay  ol olaha talaalka ka hortaga iyo cidhib tirka  cudurka  teytanada/kojisada  oo laga talaalayo haweenka da-doodu u dhaxayso  15 ilaa 49  ayaa ka dhacday  xarunta maamulka xaafada 10aad ee maamulka magaalada jigjiga.

Xafladan oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil cali, afhayeen ku xigeenka Golaha xildhibaanada DDSI marwo Fardawsa Maxamed Muxumed, agaasinada iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI, masuuliyiin ka socotay hay’daha ay xafiiska caafimaadka DDSI habwadaagta yihiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku  dhaqan xaafada 10aad ee mm jigiga.

Waxaana ugu horayntii ka  hadlay xafladan wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI  mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay talalkan ka hortaga iyo cidhibtirka cudurka teytanada/kojisada. Wasiirka ayaa sheegay in uu yahay talaakani kii lagu xaqiijin lahaa cidhibtirka cudurka teytanada sidaasi darteedna muhiim tahay in ay ka faa’iidaystaan hooyooyinku  mudata uu socto talaakani.

Waxaa kale oo ka hadashay xafladan lagu daah-furay ol-olaha talaalka  afhayeen ku xigeenka golaha xildhibaanada DDSI marwo Fardawsa Maxamed Muxumed oo si qoto dheer uga warbixisay ahmiyada uu talaalkan u leeyahay haweenka waxayna ka warbixisay in cudurkan ka hortagiisa lagu xaqiijin karo  in ay haweenka qaataan irbada talaalka  cidhibtirka cudurkan taytanada. Waxayna afhayeen ku boorisay in ay haweenku ka faa’iidaystaan talaalkan si looga midho dhaliyo xaqiijinta cidhibtirka cudurkan.

waxaana irbadii ugu horaysay ee talaalkan  lagu  talaalay afhayeen ku xigeenka golaha xildhibaanada DDSI marwo fardawsa. Ka dibna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI ayaa isaguna goobtaasi ku talaalay qaarka mid ah haweenkii xaflada ka soo qaybgalay.

talaalkan oo ah, midkii ugu danbeeyay ee lagu fulaniyo dalkeena itoobiya ayaa waxa uu yahay mid lagu xaqiijinayo cidhibtirka iyo ka hortaga  cudurkan taytanada/kojisada. Waxaana deegaankeena laga fulinayaa 5 gobol oo ol-olahan wareegiisan 1aad laga fulinayo gobolada Faafan iyo Siti halka wareegiisa 2aadna laga fulinayo gobolada Liibaan, Afdheer iyo Shabeele. Waxaana talaakan qorshaysan in deegaanka laga  talaalo haween ay tiradoodu dhan tahay 892,477 oo ay da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 jir, waana talaalka lagu xaqiijinayo in laga cidhib tiray dalkeena itoobiya cudurka taytanada/ kojisada.   

Kulan Ka Dhacay Degmada Awbare

$
0
0

Awbare ( Cakaaranews ) Arbaco 24ka August 2016. Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay arimaha xisbiga gaar ahaan unug aas aasiga xisbiga ayaa ka dhacay madasha shirarka ee degmada awbare.

Hadaba kulankan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta xisbiga ee degmada, qaar kamid ah kabaneega   degmada, xubnaha unug aas aasiga ee ka dhisan xafiisyada kala duwan ee  degmada awbare,ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha degmada awbare mudane maxamed cabdi faarax oo  sheegay in ujeedada kulankan uu yahay habsocodka shaqo ee xubnaha unug aas aasiga xisbiga ay qabteen sanadkan dhamaadka ah ee 2008 TI iyo in lasii dardar galiyo xubnahan unug aas aasiga ah si ay usii wadaan ku baraarujiyaan shaqaalaha kala duwan ee xafiisyada degmada nidaamka xisbinimo. Iyo in laga shaqeeyo nabadgalyada horumarka iyo maamulaka suuban ee ka hanaqaaday deegaanka.

Dhanka kale waxaa iyana kulanka kahadlay qaar ka mida ah xubnaha unug aas aasiga ah oo xusay inay shaqooyin fiican qabteen sanadan iyagoo intaa ku daray inay sii laba jibaarayaan dadaalkoodo shaqo ee xisbinimo ay kawadaan shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee degmada.

 

 

 

 

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Caafimaadka JDFI Oo Lagu Soo Dhaweeyay jigjiga,

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Arbaca, 24ka, August, 2016, Waxaa garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport si diiran  loogu soo dhaweeyay wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr  Amiir Amaan.

Waxaana wasiiru dawlaaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha  masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay yahay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan  Ismaaciil Cali . Soo dhawayn ka dib    waxaa wasiiru dawlaha  loo soo galbiyay caasimada deegaanka ee jigjiga.

 

Markii uu soo galay wasiiru dawluhu magaalada ayaa  isaga iyo masuuliyiinta caafimaadka DDSI  booqdeen Cusbitaalka Kaaraamardha ee magaalada jigjiga. wasiiru dawlaha caafimaadka JDFI Dr Amiir Amaar  ayaa u kuurgalay geedi socodka  adeegyada caafimaadka ee uu fudiyo cusbitaalka Kaaraamardha  isaga oo ku soo wareegay dhamaanba waaxaha uu cusbitaalku ka kooban yahay sidoo kalena waraystay   xaaladaha bukaanka jiifa cusbitaalka Kaaraamardha iyo sida ay u helaan adeegyada caafimaadka.

Ujeedada socdaalka wasiiru dawlaha ayaa ah in uu ka qaybgalo kulanwayanah 1aad ee daraasaadka iyo qiimaynta cudurada dayacan ee ka dhasha kulaylaha kaasi oo maal-mahanba ka socday caasimada DDSI siina socondoona maalmaha soo socda.

 

Degmada Shiniile Oo Lagu Qabtay Shirkii Unug Hoosaadka XDSHSI

$
0
0

Shiniile(cakaaranews)Arbaco 24ka August 2016. Shir uu soo agaasimay xafiiska maamulka Degmada shiniile islamarkaana ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta iyo xubnaha unug aasaasiga iyo unug hoosaadada XDSHSI ee degmada shiniile ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee isla degmada.

Shirkan ayaa waxaa uguhorayn furitaankiisii kahadlay Gudoomiyaha Degmada Shiniile mudane Cabdi Aadan Kaynaan oo sheegay in shirkan looqabtay unug aasaasiga iyo unug-hoosadka XDSHSI ee degmada shiniile islamarkaana ay ujeedadiisu tahay in ladargaliyo shaqooyinka iyo qorshayaasha unugyada XDSHSI, iyo waliba sidii loo sii adkaynlahaa ka shaqaynta horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban.  Wuxuuna xusay in shirkani uu yahay mid lagu kalaqaadanayo qorshayaal jihooyin horumarineed islamarkaana larabo in lagaga midho dhaliyo qorshayaasha dalka iyo deegaankaba u yaala ee kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa 2aad (GTP2).

Ugudanbayna wuxuu xusay in shirkani yahay sidii halmeel loogaga soo wadajeedsan lahaa ladagaalanka saboolnimada islamarkaana bulshada loogu dhiirigalinlahaa tabaca iyo waxsoosaarka beeraha si loo hirgaliyo yoolka XDSHSI ee ah in laga qalin jabiyo saboolnimada islamarkaana loogamidnoqdo wadamada dhaqaalahoodu dhaxdhaxaadka yahay.

Kulan Ka Dhacay Degmada Xarshin.

$
0
0

xarshin,(cakaaranews)khamiis, 25ka August, 2016. Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee magaaada xarshin ee xarunta degmada xarshin kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sii xoojinta hawlaha horumarka, nabadglaya, maamulka suuban iyo barnaamijyada arimaha XDSHSI Kulankaa ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay gobolka faafan oo uu ka mid yahay ku simaha  gudoomiyaha gobolka faafan, masuuliyiinta maamulka degmada xarshin oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada xarshin   , iyo qaybaha kala duwan  ee ku  dhaqan magaalada xarshin iyo tuulooyinka hoosyimaada degmada xarshin .

Kukankaa ayaa  waxaa ugu horayntii ka hadlay ku simaha  gudoomiyaha gobolka faafan mudane Nuur Xayir Qaasim oo sheegay in ay ujeedada kalankani tahay mid lagu sii xoojiyo hawlaha horumarka iyo arimaha xisbiga wuxuuna sheegay in qaybaha kala duwan ee bulshadu yihiin hirgaliyayaasha  iyo ka faa’iidaystayaasha hawlaha horumarka nabadglyada loogana baahan yahay in ay sii xoojiyaan kaalintooda.

Dhankiisa gudoomiyaha degmada xarshin mudane Siciid Cabdiraxmaan oo ka hadlay kulanka ayaa sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha u dajisan xukuumada DDSI ee ka salaysan tir tirida saboolnimada iyo hirgalinta koboca dhaqaalaha iyo  tabaha  fulineed ee lagu hirgalinayo qorshayaasi. Gudoomayaha ayaa tilmaan ka bixiyay  qaybaha kala duwan ee bulshada doorka ay ku leeyihiin hirgalinta hawlahaasi.

Qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa soo dhaweeyay kulankan lagu dar-dargalinayo horumarka iyo arimaha xisbiga waxayna hoosta ka xariiqeena in ay dhankooda sii xoojinayaan dadaalka ay kaga qayb qaadanayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka.


Kulan-waynihii 1aad Ee Daraasaadka Iyo Qiimaynta Cudurada Dayacan Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) jimce, 26ka August, 2016. Waxaa maanta xaruta deegaanka ee jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan lagu soo gabagabeeyay kulan waynihii 1aad ee daraasaadka iyo qiimaynta cudurada la  dayacan/ la dhayalsaday 

Kulan-waynahan oo socday muddo 5 maal-mood ah, ayaa  Waxa  ka hadlay xafladii xidhitaanka wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ugu horayntii u mahad celiyay martida ka soo qaybgashay shirkan sida fiican ee ay uga qayb qaateen mudadii uu socday kulanku. Wasiirka ayaa sheegay in qorshayaasha laysla qaatay ee ka soo baxay kulanwaynaha ay yihiin kuwa lagu cidhibtiri-doona cudurada dayacan ee kulaylaha ka dhasha kuwaasi oo aan wakhtiyadii hore la siin  muhiimad lagula  dagaalamo. Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay dadaal balaadhan galisay la dagaalanka cudurada dayacan guulo wayna  ka soo hoysay.

 

Kulan waynahan oo ay ka soo qaybgaleen qaarka mid ah masuuliyiinta wasaarada caafimaadka JDFI, xafiisyada caafimaadka deegaanada dalka iyo 2 ismaamul magaalo, jaamacadaha dalka, ha’yadaha caalamiga ah iyo wakiilo ka socday  qaarka mid ah wadamada aan dariska nahay. Ayaa waxa intii uu socay  lagu soo bandhigay daraasaad, dood-milciyeed iyo qiimayn lagu sameeyay sidii loo tir tirilahaa cuduradan dayacan ee kulaylaha ka dhasha ee ay ka midka yihiin’ Duumada/malaariyada, bakoorada iyo kaadidhiiga. Waxaana ka soo baxay go’aano iyo qorshayaal lagu  cidhib tirayo  cuduradaasi, kuwaasi oo ay sal u tahay  iska kaashiga hay’adaha dawlada, kuwa aan dawliga ahayn iyo jaamacadaha dalka.    

Shirkii Golaha Dhexe Ee EPRDF Oo Galay Maalintii 3, aad

$
0
0

Adhisababa(Cakaaranews) Jamce, 26ka August 2016. Waxaa maalintii 3, aad galay shirkii golaha dhexe ee EPRDF oo lagu qiimaynayo waxqabadkii lixdii bilood ee lasoo dhaafay iyo waliba xaalada guud ee dalka.

Shirkan oo ay hogaaminayaan raisal wasaaraha JDFI mudane Hialemariam Desalegn oo uu kuweheliyo raisal wasaare kuxigeenka dalka mudane Demeqe Mokenin ayaa waxaa deegaankeena uga qaybgalay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid isaaq.

Hadaba shirkan oo usocda si habsami ah ayaa lafilayaa inaykasoo bixi doonaan go’aano lagu meel marinayo horumar aan dib u noqosho lahayn, nabadgelyo waarta iyo dardargalinta nidaamka maamulka suuban si looga baxo saboolnimada islamarkaana uu wadanku uga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

Wixii faahfaahin ah kala soco wararkanaga danbe ee Www.Cakaaranews.com

Maamulka Degmada Shiniile Oo Shir Layeeshay Ururada Fedareeshinka Haweenka

$
0
0

Shiniile(cakaaranews)Jimce, 26ka August 2016. Shir si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qaybgaleen dhamaan ururada fedaretionka iyo leaga haweenka ayaa kaqabsoomay madasha shirarka degmada shiniile  ee xarunta gobolka Siti.

Hadaba, shirkan oo uu soo agaasimay xafiiska maamulka degmada shiniile ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay gudoomiyaha degmada shiniile mudane Cabdi Aadan Kaynaan oo sheegay in shirkani uu ahaa mid wada tashi ah oo u dhexeeya maamulka degmada  iyo ururada haweenka degmada shiniile. Wuxuuna intaa kudaray gudoomiyuhu in shirkan  lagaga wadahadlayay doorka ay haweenku ku leeyihiin dhinacyada Horumarka, Nabadgalyada iyo Maamulka-suuban.

Dhanka kale, gudoomiyaha ayaa xusay in kulankan lagu kalaqaatay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka iyadoo ururaduna ay doorkooda kaqaataan sii dardar galinta horumarka, Nabadgalyada iyo maamulkasuuban.

Ugudanbayna gudoomiyaha ayaa carabka kudhuftay in ururada haweeku ay balanqaadeen in siwadjir ah looga shaqeeyo horumarka lana xoojiyo iskuxidhnaanta iyo wadashaqaynta.

 

 

 

 

Tartanka Ciyaaraha Kala Duwan Ee Dalka Oo Ka Furmay Hawaasa.

$
0
0

Hawaasa (cakaaranews) Sabti  27ka August, 2016. Waxaa ka furmay garoonka ciyaaraha ee  magaalada hawaasa   caasimada deegaanka shucuubta koonfureed tartanka ciyaaraha kala duwan ee dalka.

Tartanka ciyaaraha  kala duwan oo loo qabtay  ciyaartoyga dhalinyarada  dhamaan deegaanada dalka iyo 2 ismaamul magaalo ayaa  waxaa xafladii furitaanka ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socoday wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada JDFI oo uu ka mid yahay wasiiru dawlaha wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada mudane Adhiisu iyo madaxda xafiisyada ciyaaraha iyo dhalinyarada deegaanada dalka.

Haddaba tartanka ciyaaraha kala duwan ee dalka ayaa waxa kooxaha uga qaybgalaysa DDSI hogaaminayay wasiir ku xigeenka ciyaaraha iyo dhalinyarada DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan wuxuuna shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tartankan ciyaaraha kala duwan kaasi oo sheegay  in tartankan ciyaaraha kala duwan yahay mid sii xoojinaya wada shaqaynta, is dhexgalka iyo is jacaylka dhalinyarada deegaanada dalka islamarkaana uu yahay tartan  kor loogu qaadayo tayada ciyaaraha kala duwan ee dalka.

 

 

Kulan-waynihii 4aad Ee Dhalinyarada DDSI Oo ka furmay jigjiga .

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) sabti, 27ka August, 2016.  Waxaa  maanta ka furmay xarunta deegaanka Jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan kulan waynihii 4aad ee dhalinyarada deegaanka.

Kulan waynahan oo loo qabtay  580 xubnood oo ah dhalinyarada  ka socoday Gobolada iyo maamulada magaalooyinka DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaygalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Ibraahin Aadan mahad, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile, wasiirka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Naasir Axmed , iyo masuuliyiin kale.

Waxaana furitaankii kulanka ka hadlay wasiir ku xigeenka madaxtooyada mudane Ibraahin Aadan Mahad wuxuuna sheegay in kulan waynahan 4aad ee dhalinyarada DDSI ku soo beegmay wakhti ay xukuumada DDSI guulo waawayn ka soo hoysay dhinacyada horumarka, nabadglayada iyo maamulka suuban. Wasiir ku xigeenka ayaa ka warbixiyay in ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta bulshada loogana baahan yahay in ay ka midho dhaliyaan istaarajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI.

Dhankiisa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile oo ka hadlay furitaankii kulankaasi ayaa sheegay in xukuumada DDSI dadaal balaadhan galisay hirgalinta xidhmaha horumarinta dhalinyarada DDSI iyo abuuritaanka ilaha shaqada dhalinyarada. Wasiirka ayaa sheegay in xooga la saarayo sidii loo cidhibtirilahaa fikirada ma shaqaystanimada.

 

Kulan-waynahan oo halku dhig looga dhigay” waxaan la halgamaynaa  ma shaqayste nimada iyo shaxaadka”  ayaa waxaa lagu soo bandhigay istaraatajiyadaha iyo yoolasha lagu gaadhayo horumar waara oo joogtaysan. 

Dhismayaal Xarumaha Shirkadaha yar yar Oo Xadhiga Laga Jaray

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Axad 28ka, August 2016. Dhismayaal loogu talagalay xarumaha shirkadaha-yaryar islamarkaana ujeedadoodu tahay in shoqo abuur loogu sameeyo iskaashatooyinka iyo shirkadaha yaryar ee maamaulka magaalada qabridahar ayaa maanta ay siwada jir ah xadhiga uga jareen mas’uuliyiin heerdeegaan ah oo uu horkacayo wasiirka xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane suldaan Maxamed (suldaan khayre).

Hadaba, Wasiirka xafiiska waraabka iyo Horumarinta dooxooyinka DDSI mudane suldaan khayre oo xadhig ka jarkii ka dib la hadlayay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in mashaariicdani ay qayb ka yihiin  30 mashruuc oo ah dhismayaal loogu talagalay ganacsiga yar yare ee lagu horumarinayo iskaashatooyinka iyo shirkadaha yar yar ee maamul magaalooyinka  DDSI laguna dhimayo shaqo la aanta iyo saboolnimada.

Waxaa kale oo uu sheegay wasiirku in dhismayaashani ay ka koobanyihiin 5 xarumood oo ahaa mashaariicihii sanad miisaaniyeedka 2008TI islamarkaana ay ahaayeen kuwa marka koowaad shaqo abuur u noqday iskaashatooyinka dhalinyarada ah, fursado shaqana ay ka heleen dhalinyarada xiligii ay dhismayaasha socdeen, sidoo kalena ay u noqon doonaan goobo ganacsiyada yar yar oo ay ka  faaiidaysan doonaan iskaashatooyinka dhalinyarada ah ee magaalooyinka.

Sikastaba ha ahaatee, xadhig kajarka dhismayaashan oo ay kasooqaybgaleen mas’uuliyiinta gobolka qoraxay iyo masuuliyiinta maamulka magaalada qabridahar ayaa waxaa dhismayaasha lagu wareejiyay Maareeyaha Wakaalada Hormarinta Shirkadaha Yaryar mudane Cabdi Muxumed Cismaan oo isna halkaas kula wareegay dhismayaasha.

 

 

 

 

 

 

 

Qiimayntii Wakaaladaha Dakhliga Iyo Maaliyadaha Degmooyinka Oo Socota.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) Isniin, 29ka August, 2016. Waxaa ka   socda xarunta deegaanka ee jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI shirkii qiimaynta waxqabadka bilihii ugu danbeeyay ee loo qabtay wakaaladaha dakhliga degmooyinka deegaanka, maamulada magaalooyinka  iyo xafiisyada maaliyadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI.

Waxaana shirkan qiimaynta ah hogaaminaya  wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed, wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale, maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Yaasiin Cumar iyo madaxa arimaha siyaasada XDSHSI mudane Cumar Maxamed.   

Shirkan qiimaynta ah oo ah mid lagu xoojinayo ka   midho dhalinta  dadaalka loogu jiro in wadankeenu ka mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay, ka guul gaadhista qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha, sare uqaadista guud ahaanba dakhliga deegaanka iyo in la hirgaliyo qorshaha ah  ladhalinta dakhli balaadhan oo daboola dhamaan miisaaniyada deegaanka.

Waxaana shirkan qiimaynta ah diirada lagu saarayaa fulinta qorshihii u yaalay  wakaaladaha  dakhliga iyo maaliyadaha degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka. Waxaa kale oo shirkan qiimaynta xooga lagu  saarayaa sidii loo fulinta lahaa  qorshaya 2009TI. Ee dhinaca dakhliga iyo maaliyadaha degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI.    


Gudoomiyaha Maxkamada Guud Oo Soo Dhaweeyay Qurbajoog

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 29ka August 2016. Gudoomiyaha maxkamada guud ee DDSI mudane Cabdulaahi Ugaas Maxamuud oo ay weheliyaan gudoomiye kuxigeenka maxkamada guud marwo Samsam Xaaji Maxamed iyo xubno kale oo qurbajoog ah ayaa saaka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiil waal si diiran oogu soo dhaweeyey mudane Rashiid Cabdi Ibraahin oo ah qurbajoog udhashay DDSI islamarkaana kayimid dalka Australia gaar ahaan magaalada Melbourne.

Hadaba mudane Bashiir Cabdi Ibraahin oo wadanka in badan qurbaha kaga maqnaa oo warbaahinta kulahadlay qaybta nasashada ee garoonka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado dalkiisa hooyo isagoo markii ugu horaysay soo cagadhigtay deegaanka.

 Dhanka kalana, gudoomiyaha maxkamada guud mudane Cabdulaahi Ugaas Maxamuud Cabdi iyo xubnihii wehelinayay ayaa warbaahinta usheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan mudane Rashiid Cabdi Ibraahin oo yimid xili uu deegaanka kasocdo horumar balaadhan.

Kulan Lagaga hadlayay Sii Xoojinta Horumarka iyo Nabadgalyada oo Ka dhacay Awbare

$
0
0

Awbare,(cakaaranews) Isniin, 29ka August, 2016. Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee degmada Awbare kulan balaadhan oo lagaga hadlay sii xoojinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Waxaana ka soo qayb-galay kulanka  masuuliyiinta maamulka degmada Awbare oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax, qaarka mid ah xildhibaanada DDSI ee laga soo doorto degmada awbare oo ay horkacayso xildhibaan Saxarla Cabdilaahi oo ka mid ah  xildhibaanada deegaanka ee heer fadaraal ahna gudoomiye ku xigeenka gudiga joogtada ah ee arimaha haweenka iyo caruurta ee golaha wakiilada shacabka JDFI.

Kulankaasi oo uu furay gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi faarax ayaa waxa si qoto dheer loogaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa hirgalinta qorshyaasha horumarineed, taasi oo ay xubnaha xildhibaanada iyo gudoomiyaha degmaduba soo bandhigeen jihooyinka, iyo istaraatajiyadaha  u dajisan dalka iyo deegaanka ee ku salaysan cidhibtirka saboolnimada iyo abuuritaanka ilaha shaqada. Waxayna sharax dheerka siiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada awbare doorka  ay  bulshada ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasi.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ka soo baxayaan kaalinta kaga aadan hirgalinta hawlaha horumarka nabadgalayada iyo maamul wanaaga sida xawliga ah uga socda DDSI.

MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta Deganka...

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado, 30ka August 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka kasoo ambabaxay xarunta dalka ee adhisababa kadib markuu usoo dhamaaday shirkii uu kalaqaybgalay golaha dhexe ee EPRDF ee lagu qiimaynayay waxqabadkii lixdii bilood ee lasoo dhaafay iyo xaalada guud ee dalka oo guulo wax ku ool ah ay kasoo baxeen isagoo wakhti xaadirkan soo gaadhay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Maareeyaha Hor-Shirkadaha yaryar Oo kawarbixiyay Socdaalkii M.Magaalooyinka

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Talaado 30ka August 2016.Maareeyaha wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar mudane Cabdi Muxumed Cismaan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa ka warbixiyay socdaalkii ay kusoomareen 3da maamul magaalo ee dhagaxbuur, qabridahar iyo Goday iyo waxqabakoodii ku aadana.

Hadaba maareeyaha ayaa ugu horayn sheegay in socdaalkani uu ahaa mid aad muhiim ugu ah ka wakaalad ahaan. Wuxuuna intaa kudaray maareeuhu in kadib markii waftigu  uu xadhiga ka jaray 15 xarumood oo loogu talagalay in shaqo abuur loogusameeyo iskaashatooyinka iyo shirkadaha yarayar ee kajira 3da maamul magaalo ee kala ah Qabridahar, Goday, iyo Dhagaxbuur magaalokastan laga dhisay 5 xarumood islamarkaana ay waftigu ku wareejiyeen maareeyaha wakaalda Horumarinta shirkadaha yaryar.  

Waxaakale oo uu maareeyuhu tilmaamay  in dhawaan xadhiga lagajari doono dhismayaasha 15 xarumood oo lagadhisay magaalada jigjiga iyadoo dhamaan dhismaha mashaariicdana laga fuliyay mashruuca SDG islamarkaana uu wakiil ka ah fulintiisa  xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka iyadoo xadhigana uu kajaray wasiirka xafiisku mudane suldaan maxamed (suldaan khayre)

Maareeyaha oo hadlkiisii siiwata ayaa xusay in socdaalkan ka wakaalad ahaan ay magaalooyinka  usiiqaadeen mashiinadii bulukeetiga samaynayay ee loogu talagalay in ay ka faaiidaystaan iskaashatooyinku islamarkaana ay kuwareejiyeen magaalo kasta.

Sidookale maareeyaha ayaa carabka kudhuftay in socdaalkan waftiga ay ku wahelinayeen masuuliyiinta bangiga horumarinta dalka ethiopia ee xaruntiisu tahay magaalada diredhabe islamarkaana deegaanka kuleh 5 laamood kaasoo loogu talagalay in uu deegaanka ka caawiyo kor-uqaadida iyo horumarinta shirkadaha iyo iskaashatooyinka isagoo bangigu markii ugu horaysay bilaabay in si bilaa ribo ah qalabka iyo mashiinada ugu sooiibiyo iskaashatooyinka, shirkadaha iyo shaqsigii ubaahdabo. Kadib markii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu hawshaas dadaal ugalay kalana hadlay masuuliyiinta bangiga in bulshada deegaanku ay tahay mid ribada neceb oo diinta islaamkuna ogalayn kadibna ay sibuuxda uga aqbaleen codsigii madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar taasoo guul wayn unoqotay deegaanka iyo dhamaanba muslimiinta itoobiya iyadoo bulshada qaybaheeda kaladuwan iyo maamulka magaalooyinka DDSI ay aad usoo dhaweeyeen hawshaas maadaama oo ay horumar balaadhan u tahay hadii ay helaan qalab iyo mashiinada ay u baahanyihiin oo bilaa ribo ah dhiirigalin balaadhan ay u tahay shirkadaha, iskaashatooyinka iyo bulshada kaleba.

Sikastaba ha ahaatee maareeyaha ayaa cadeeyay in kadib markii mashaariicda lagu wareejiyay uu shir balaadhan kala yeeshay maamul magaalooyinka kuna wareejiyay wakaalda horumarinta shirkadaha yaryar ee magaalooyinka iydoo loo dhanyahay. Kadibna uu  shirarkadaha quwada korontada iyo shirkadaha taleefanka (ETC) ee maamul magaalooyinka ay layeesheen shirar kaladuwan kaasoo ujeedadiisu ahayd in iskaashatooyinka iyo shirkadaha ay ka haqabtiraan adeega laydhka iyo taleefanada.

Iskusoo-wadaduuboo maareeyaha ayaa hadalkiisii kugabagabeeyay in shaqo abuurka bulshada danyarta ah ay tahay mid dadaal balaadhan loogu jiro ilaa heer shirkaduhu ugudbaan warshado deegaankuna noqdo industrial shaqo la’aantana ladabargooyo si dalku uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhaxdhaxaadka yahay.

Kulan Ka Dhacay Degmada Wardheer.

$
0
0

Wardheer(cakaaranews) Arbaca, 31ka,   August, 2016. Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee degmada wardheer ee xarunta gobolka Doolo kulan balaadhan oo lagaga hadlayo dar dargalinta hawlaha horumarka, nabadglayada, maamulka suuban iyo  barnaamijyada arimaha  XDSHSI.

Kulankan oo ay hogaaminayeen gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamuud  Cali Axmed  iyo gudoomiyaha degmada wardheer mudane Maxamuud Sheekh Cumar  ayaa waxaa soo qaybgalay shaqaalaha dawlada ee degmada wardheer iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada  wardheer iyo santarada hoos miyaada degmada wardheer.

Kukankaa ayaa  waxaa ugu horayntii ka hadlay   gudoomiyaha gobolka Doolo mudane maxamuud cali axmed  oo sheegay in ay ujeedada kalankani tahay mid lagu sii xoojiyo hawlaha horumarka iyo arimaha xisbiga wuxuuna sheegay in qaybaha kala duwan ee bulshadu yihiin hirgaliyayaasha  iyo ka faa’iidaystayaasha hawlaha horumarka nabadglyada loogana baahan yahay in ay sii xoojiyaan kaalintooda.

Dhankiisa gudoomiyaha degmada wardheer mudane  maxamuud sheekh cumar   oo ka hadlay kulanka ayaa sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha u dajisan xukuumada DDSI ee ka salaysan tir tirida saboolnimada iyo hirgalinta koboca dhaqaalaha iyo  tabaha  fulineed ee lagu hirgalinayo qorshayaasi. Gudoomayaha ayaa tilmaan ka bixiyay  qaybaha kala duwan ee bulshada doorka ay ku leeyihiin hirgalinta hawlahaasi.

Qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa soo dhaweeyay kulankan lagu dar-dargalinayo horumarka iyo arimaha xisbiga waxayna hoosta ka xariiqeena in ay dhankooda sii xoojinayaan dadaalka ay kaga qayb qaadanayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban.

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>